Gudida Wada Hadalka U Qaabilsan Somaliland Oo Kula Yeeshay Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ka War Bixiyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudida Wada Hadalka U Qaabilsan Somaliland Oo Kula Yeeshay Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ka War Bixiyay.
February 18, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Xukuumada Somaliland Ayaa Maanta Shir ay u qabatay Gudida Wada Hadalka u qaabilsa Ku yesheen Magaalada Hargaysa Kaas oo Go’aamo Laga Soo saaray.

Kulan kan Oo Mudo Saacado  Ah Socday oon loo Ogolaan Saxaafada ayaa Markii uu soo dhaamaday waxa ka hadlay wasiirka Arimaha Dibada somaliland Maxamed Bixii yoonis waxaana uu sheegay in Kaga Hadleen Sidii Labada Dal u Kala Guran Lahayeen.

 Waxa uu sheegay in Kulankan Ay kaga Arin Sadeen Waxa Ay la Tagi Lahayeen Shir Ka dhacaya Dalka Turiga oo lagag hadlay Qadiyada somaliland,isaga oo soo jeediyay in Ay Somaliya Garawsato in ay Somaliland tahay Dal Madax Banaan.

“Waxaanu ka wada tashanaynaa Ajandaha iyo qorshaha Shirka aanu la tagayno,


Wada hadaladii hore waxyaabaha ka soo baxay wixii ka fulay iyo wixii aan ka fulin. Waxaanu doonaynaa inaanu Turkiga tagno annaga oo ka boganay arrimaha aanu doonayno inaanu ka hadalno iyo ajandahayaga.

Intaas waxa uu ku daray”.Waxaad la socotaan in waxyaabihii ugu mihiisnaa ee Shirkii Jabuuti ka soo baxay ay ka mid ahaayeen arrimaha Masiiriga ah iyo inaan la carqaladdayn wixii dhaqaalaha ah oo aan la siyaasadayn iyo in la fuliyo arrimaha kale ee ay ka mid yihiin Maamulka Hawada” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

Wasiirku waxa uu sheegay inay talooyin badan oo arrimaha wada hadalka ku saabsan ka heleen Baarlamaanka Yurub oo ay dhawaan bookhdeen, Dad aqoon yahan ah iyo waliba Wasiiro beesha Caalamka ah kuwaasi oo wax ka taraya Qorshahooda.

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay rajaynayaan in kulamaddan soo socda laga gaadho Go’aamo wax ku Ool ah ‘Waxaanu filaynaa inaanu Kulankan natiijo wax ku Ool ah ka gaadhno, waayo ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis, waxaanay labadayadaba dantu ugu jirtaa inaanu kala ambabaxno annagoo laba dal oo jaara ah,Wasiirku waxa uu sheegay in hanaankii hore ee wada hadalada loo raaci jiray wax laga bedelay islamarkaana ay ka filayaan Natiijo midho dhal ah oo kulamada laga gaadho.

 

COMMENTS
LINKS