Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Tacsi U Diray Gudoomiyihii Baarlamaanka DJabouti Marxuum Idiris Arnaud Ali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Tacsi U Diray Gudoomiyihii Baarlamaanka DJabouti Marxuum Idiris Arnaud Ali
February 12, 2015 - Written by Editor:

Tacsi: Gudoomiyihii Baarlamaanka DJabouti Marxuum Idiris Arnaud Ali

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dawladda Djabouti iyo Shacbigeedaba, gaar ahaan Baarlamaanka Djabouti iyo Madaxweynaha Dawladda Djabouti Md. Ismaaciil Cumar Geele isagoo ka tacsiyadaynaya Geerida Naxdinta Leh ee ku timid Alle Haw Naxariistee Gudoomiyihii Baarlamaanka DJabouti Marxuum Idiris Arnoud Ali.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Isagoo Ka Wakiil ah Baarlamaanka Somaliland Gaar ahaan Golaha Wakiilada wuxuu tacsidan gaadhsiinayaa dhamaan Dadka Iyo dawladda Djabouti.

Dhinaca kale Gudoomiyuhu isagoo ka wakiil ah Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, gaar ahaan xubnaha Hogaanka sare, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Laamaha Dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI wuxu tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaa dhamaan umadda reer Djabouti oo uu ka baxay gudoomiyihii baarlamaanka Djabouti Marxuum Idiris Arnaud Ali.

Gudoomiyuhu wuxu Eebe uga baryay inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo marxuum Idiris Arnoud Ali Gudoomiyihii Baarlamaanka Djabuti, dhamaan qoyskiisii iyo umadda reer Djabouuti ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Illaahay Ha U Naxariisto Marxuumka.

Md . Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

COMMENTS
LINKS