Gorfeyntii gef qoraal Soomaaliga xukuumadda iyo gardaradii ciwaankayga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gorfeyntii gef qoraal Soomaaliga xukuumadda iyo gardaradii ciwaankayga.
February 14, 2015 - Written by Editor:

{Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim; Rabbow eex ma ritaabine aqoon ha igu cadaabin} eraydii Gaarriye.

Qoraalku waa wax uu dareen keeno, waxaanu macaan iyo micno leeyahay marka qoruhu waxa uu qorayo ka daacad yahay, mab’da ka tahay, cidna aanu ku raali galinnayn, isla markaana fikirkiisu ka koray dhammaan darbiyada waaweyn, sida caadifadda,qabyaaladda,qof jeclaysiga,taageerada indho-la’aanta ah, intaaba ku darsado in runtu bud-dhig u tahay, qoruhuna run dhaadhnimo ku suntan yahay.

naasir(1)

Qoraalku waa wax aad u adag, shan bari ka hor ayay ahayd markii qoraal aan (500) oo saacaddood ku foognaa, oo buug aan dhowaan soo saarayay ahaa (Hawada la raaciyay) bal inaan joojiyo sixitaanka gef qoraal soomaaliga ee xafiis yada waaweyn ee xukuumadda ka soo baxa, runtii xannuun badan baan dareemay, waayo qoraalkaa inta badan habeenkii ayaan qori jiray, wakhtiyada qaar salaadda subax ayaa la iigu eedaami jiray, iyadoo aanan xalay ka seexan qoraalka ayaan subaxa sidaa ku bixi jiray.

Wax badan waxaa ila dareemi kara qofka wax qora, laakiin dhibkaa iyo kun kaleba iga ma hor istaagi doonaan inaan afkayga hooyo u hiiliyo. Ballanna waxaa igu ah in masuulkasta oo wax qorayaa sida uu afafka kale u ilaaliyo xeerarkooda soomaaligana u ilaalin doono, haddii kale ceebtiisa ayaa dhaan raaci doonta!.

(AHN) Abwaankii weynaa ee timo-cadde ayaa wuxuu yidhi:- Wali seetadii baa ku xidhan saan-madoobaha, Inta garaadka madaxdu korayo ee seetada jahligu ka go’ayso, wixii dhib ka timaada waan u dulqaadandoonaa.

Hogo tus sheekeed ……

Laba dhagax oo midna dhagax dhismeed yahay kan kalena dhagax dahab yahay, ayuu ilaahay isku bugcad dhigay, wakhti dheer markay labadan dhagax jaar ahaayeen, ayuu nin dhagaxii dahabka ahaa qaatay, dhagaxii ayaa si fiican loo daryeelay, oo inta badan dadyowga adduunku waxa ay ka siman yihiin in ay sida ugu wanaagsan u daryeelaan una ilaaliyaan dahabka, xitaa tukaanka lagu iibiyo dahabku uu ka qurux badan yahay kan cuntada lagu iibiyo, xarriir baa loo gog lee, khasnadda ugu adagna waa lagu ridaa, su’aashu waxa ay tahay muxuu ku helay waxaas oo kool koolin ah?.

Dhagaxii dahabka ahaa ayaa maalin soo bookhday dhagaxii ay jaarka ahaan jireen, dooddan ayaa dhex martay:

Dhagax Dahab: waar iska warran? Oo wali halkii baad dagan tahay saaxiib ka mabaad digo-rogan,

Dhagax dhismeed: haa saaxiib’e, maxaad ka og tahay sidii bay dhaxanta iyo cadceedda iyo roobkuba iigu dul qaadaan, adna meel dugsoon baa lagu geeyay oo xariir baad ku seexataa, markaa kula yaabi maayo inaad i tidhaa wali halkii baad dagan tahay.

Dhagax dahab: miskiin baad tahay, waa la i garaacay, oo waa la i shiilay, oo waa la i jajabiyay, oo waa la i gubay, oo intii yarayd ee iga soo hadhay ayaa la karaameeyay, adna waxaad rabtaa adigoo aan waxba kugu dhicin inaad cidlo sharaf iyo karaamo ka hesho. Waan ogahay in qof kasta oo xil sidan oo kale u culus dusha u rita in la shiilayo, la garaacayo, la tumayo, laakiin waxaan ogahay hadduu qofku adkaysto inuu guulaysanayo.

 

COMMENTS
LINKS