|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, Maxay Ka Qabteen Bilicda Caasimada?
February 13, 2015 - Written by Editor:Golaha degaaanka Caasimada Hargeysa, waxa uu fadhiyay muddo ka badan laba sano, waxay ahayd in labadaa sano waxa badan ka qabtaan howlaha caasimada oo golihii hore wax badan aanu ka qaban. waxay la wareegeen magaalo bilic, nadafad, istaamo iyo laamiyo aanay midna ka muuqan waxa golaha looga bahanyahay in si xilkasnimo ku dheehan tahay wax uga qabtan howlaha baylahsan ee taala caasimada waxa masuuliyadiina ku jirta daryeelka garoomada goobaha caafimadka qorshayta magaalada iyo nashqadayta, sidoo kala habanta bilicda magalada oo ah muraayadii dalka maadaama ay tahay Hargeysa caasimadii dalka. Golaha degaaanka caasimada Hargeysa, waxa uu tahli kariwaayay labada sano ee ay saarnayd masuuliyada caasimada uu hagajin kari wayay saddexda wado ee hal-bowlaha ah indhuhu ku dhacayan sida wadada ka timada madaarka ta hor marta madax tooyada ta kale ee jeelka hor marta ku was oo imika marka aragto xashiika dhex yaala aad is waydiinayso tolow yaa ka masuula.
Golaha degaaanka caasimada Hargeysa, sidoo kale waxay howlihii iyo waajibaadkooda ahaa sida nadiifinta qashinka ee caasimada waxay ku wareejiyeen ku wareejiyeen shirkado gaar loo lee yahay, kuwaas oo dadwaynaha sixir-bararka daruuriyaadka la daaladhacaya ka doonaan lacag
Ama khidmad ay xashiishka kaga qaadaan, taas oo aan odhan karo waxa uu sabab u yahay xashiishka buux dhaafiyay caasimada ka dib markii uu ganacsi galay, shirkadahaasi caasimada qashinka ka gura oo ilaa afar shirkadood ahi waxay kaliya ka guraan boqolkiiba shan iyo sagaashan (90%) dadwaynaha ku dhaqan caasimada.
Wax a loo bahanyahay in golaha deeganku ka fadhiista qorshaha wax kabadalka bilicda iyo nadafada caasimada anigu ray I ahan waxan manyarka Dada yar ee caasimada usoo jeedinlaah in uu badalo qorshaha imika uu ka fuliyo magalada kun a badalo sidan in la sameeyo shaqaale aroortii nadiifiya wadooyinka dhexmara badhtamaha magalada kuwaas oo ka madaxbanaan shikadaha ka hawlgala magalada waayo shirkaduhu waxa qudha ee ay qaadan waa xashiishka ay lacagta ka qaatan iyo ka wadada la soo dhex tuulo waxa meesha ka baxay kii dadku tuurayay oo isgaadhay shirkadihii idinka masuulka ahaana indhaha ka qarsadan talabaad, dadka ku ganacsada wadada waa dad muwadiin cashuur bixiya nolol maalmeedkooda ka raadiya maaha in caf-gaf lagaliyo ee waa in qorshe loo sameeyo oo la kala habeeyo oo kii wadada ku jiro dib looga saaro kii meelku haboon dagan bilicdiisa la hagajiyo kii dagan meel aan haboonany waa in meel loo raraa uu ku ceesho maaha in kii camalka hayay la barakiciyo ee waxa loo bahanyahay in kuwo kale camal loo sameeyo marka aad halooga fikiro sidii arrintan wax looga qabanlaha waa in ganacsatada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan layskugu yeedho oo talo wadajira laga yeesho.
Ugu dambayn waxan saxiibaday Golaha degaaanka caasimada Hargeysa, u soo jiidinayaa laha in wakhti iyo fikir intaa ka badan galiyaan howlaha ay masuulka ka yihiin ee caasimad, sida in ay samayaan gudida horumarinta ee caasimada Hargeysa, in maamulka dagmooyinka la dardargaliyo iyo in dagmo walba loo sameeyo gudi ka shaqdeeya amaanka iyo horumarinta si dagmo waliba ugu filnaato bilicda iyo nadafada, sida oo kale waxaan soo jeedin lahaa in la sameeyo mamul daadajin si hawshu idiinku fududato.
maadhiin
Maxamed Cali Caamir (Madhiin),
Hargeysa Tell; 4425704 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|