|
|||||
WAJAALE NEWS
Fadeexado La Xidhiidha Shuruuc Wasiirka Cadaaladdu Ku-Dhaqankooda Baal-Maray
February 15, 2015 - Written by Editor:Masuul kasta oo xil-qaran haya, waxa ku waajib ah fulinta iyo dabba-qaadda Xeerarka ama shuruucda xadaynaysa waajibaadkiisa Qaran iyo masuuliyadaha ka saaran fulinta ama ku dhaqankaSidaas oo ay tahay, waxa lagama maarmaan ah in laysku ilaaliyo isla markaana laysu tilmaamo gol-daloolooyinka ku dhex-jira hay’adaha dawladda iyo hab-dhaqannada qalloocan ee masuuliyiintu ku kacaan, kuwaas oo ka hor-imanaya xeerarka iyo shuruucda u taala hay’addaas. Waxa aanu maalmihii u dambeeyey dhowr qormo ku soo qaaddanay hab-dhaqanno ka horimanaya ama liddi ku ah shuruucda u dejisan wasaaraddiisa oo wasiirka Cadaaladda Somaliland ku tallaabsaday ama ka baaqsaday ku dhaqankooda. Qormada Saddexaad ee maanta waxa aanu halkan bulshada ugu soo gudbinaynaa Heshiis aan sharciyad uu leeyahay jirin oo wasiirka Cadaaladda Somaliland la galay waddamo shisheeyo, kuwaas oo sharaf-dhac iyo karaamo-dil ku ah xuquuqda Muwaadinka iyo Qaranimada labadaba. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu saxeexay heshiis gebi ahaanba weji-gabax ku ah bulshada Somaliland, kaas oo uu ku oggolaaday in muwaadiniinta qurbaha-joogga dib loogu soo celiyo si khasab ah, isla markaana kharashka soo celinta qoysaskoodu bixinayaan, iyada oo heshiiskani si gaar ah u taabanayo dadka dambiyada ku geysta waddamada shisheeye. Heshiiskan ayaa gebi ka hor imanaya, Xeerka Wareejinta Maxaabiista oo Madaxweynaha Somaliland digreeto ku dhaqan-geliyey 21 March ee 2012-kii, isla markaana ay meel-mariyeen Goleyaasha Sharci-dejinta ee dalka, ayaa ka kooban qodobbo isugu jira waajibaadka saaran ee looga baahahay inay fuliyaan Masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Saraakiisha Xabsiyada halka sidoo kale ay kaga xusan yihiin qodobbo tilmaamaya xuquuqaha ay leeyihiin Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka ee laga soo wareeyey waddamo kale iyo kuwa wareejinayo waddamo kale haddii ay timaaddo. Haddaba qodobka 22aad ee xeerka kala-wareejinta maxaabiista oo ka hadlaya kharashka wareejinta maxbuuska ayaa farqadiisa koowaad dhigaysaa, “Marka Maxbuus la wareejinayo kharashka wareejinta maxbuuska si waafaqsan Xeerkan wuxuu saaran yahay Somaliland iyo dalkaas la tilmaamay hadba sida lagu heshiiyey.” Balse Heshiiska wasiirka Cadaaladdu la galay xukuumada Ingiriiska oo dhacay badhtamahii sannadkii hore, ayaa ka hor imanaya waajibaadka farqada koowaad dhigayso oo dib loogu soo celinayo muwaadiniinta u dhalatay Somaliland ee dembiyada ka gala in dib loogu soo celiyo Somaliland. James Brokenshire, wasiiru-dawlaha amaanka iyo socdaalka Britian oo baarlamaanka Ingiriisku weydiiyey inuu jiro heshiis ay la galeen waddamada dib loogu celinayo dadka dembiyada gala, ayaa sheegay in waddankiisu heshiis isfaham kula jiro wadamo Somaliland ku jirto sidii dib loogu celin lahaa dadka dembiyada gala ee ku jira xabsiyada. Heshiiska Wasiirku la galay Dawladda Ingiriiska, ayaa gebi ahaan meesha ka saaraya Xuquuqda Qofka muwaadinka ahi u leeyihin helitaanka kharashaadka oo sida ay farqadda 1aad ee qodobka 22aad sheegay masuuliyaddiisu saaran tahay Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda laga keenayo, iyada oo kharshkaas lagu riixay qoyska qofka dhibbanaha ah. La soco Qaybo kale oo qormadan ka tirsan…….wargeyska himilo
Related posts:"Xisbiyada Maydkooda Lasii Wado Waxaa Ugu Danbeeyay Kulmiye Oo Dadkii Taageeri..." Xildhibaan Maxame... Somaliland Oo Markale Kala Badbaadisay Laba Diyaaradood Oo Haayada Duulista Somaliya Sobobi Gaadhay... Urur Siyaasadeedka Waabari Oo Kulan Afur Iyo Casho Ah Ku Maamuusay Warbaahinta Gobolka Gabiley! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|