Faddeexada Madax-Furashadii Markabka Iyo Xidhiidh-Dhadii Qorsoonaa Ee Fashiliyey Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faddeexada Madax-Furashadii Markabka Iyo Xidhiidh-Dhadii Qorsoonaa Ee Fashiliyey Somaliland
February 6, 2015 - Written by Editor:

Carwada Imaaraadka oo iska fogaysey Hubka + Suudan oo laga waayay Liiska Bandhiga + Dadka reer Somaliland oo ka biyo-diiday go’aanka xukuumadda iyo Markabkii oo laba Jiho abaarray

Hargeysa(Wajaalenews)-War cusub oo aad u xaasaasi ah ayaa ka soo noqday qaabkii xukuumadda Somaliland u sii deysay Markabkii hubka siday ee Isniintii ka shiraacday Marsada Berbera.

Warar Wargeyska Yool baahiyey Maanta, oo laga helayy ilo-diblomaasiyadeed, iyo sidoo kale xidhiidho dhinacyo badan u dhuun-dalloola   oo ay ka mid yihiin hay’addo, dalal iyo weliba kulanka Carwadda Difaaca Caalamiga ee The International Defence Exhibition & Conference (IDEX), ayaa xaqiijiyey inaan dalka Sudaan haba-yaraatee aanu ku jirin liiska dalalka ka qayb-gelaya Carwadda Difaaca ee 2015-ka. sidoo kalena aanay ku jirin Liiska dawladdaha iyo shirkaddaha ilaa iyo hadda usoo gudbiyey codsiyadda ka qayb-galka Carwadan oo ka dhacaysa Magaalada Abu-dubai bishan aynu ku jirno qaybteeda dambe.

Markabkan oo wararkii u dambeeyay ee laga helay Manjaraha Socodkiisa baddu, ku jiheeyeen laba Dekeddood oo kala fog, ilaa hadana aanay meel mucayim ah oo uu ku fool-leeyahay, ayaa qaban-qaabiyeyaasha Carwadda Difaaca ee dawladda isu-taga Imaaraadka Carabtu marti-gelisay, si aan mugdi ku jirin iskaga-leexiyeen masuuliyadda iyo weliba xog-ogaalnimadda Hubka saaran Markabka MV Shaakir ee 22-kii, January, 2015-ka kusoo xidhay Dekedda Berbera, halkaasoo markii lagu qabtay todobaad kaddib xukuumadda Somaliland faraha ka qaaday.

Markabkaasoo, 03, February dib uga shiraaqday Marsadda Magaalada Berbera, kadib markii Xukuumadda Somaliland cafis u fidisay Markabka iyo Hubka uu saaran. Talaabadaas oo geesta kalena, Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku micnaysay inuu ka dhashay codsi qoraal ah oo Madaxweynaha dalka Suudaan usoo diray Madaweynaha Somaliland, qoraalkaas oo Masuuliyiinta Somaliland nuxurkiisa ku fasireen inuu ahaa mid xambaarsan codsi Maamulka Khartuun uu kaga dalbanayey dhiggiisa Somaliland siideynta Markabka MV iyo Hubkii lagu qabtay, ayaa Inksatoo aanay jirin cid si dhab ah u xaqiijinaysaa jiritaanka qoraalkaas, balse hadana, waxa Masuuliyiinta Somaliland sheegeen inuu hoggamiyaha Suudaan Cumar Hassan Al-bashiir kusoo war-geliyey in Hubka Markabku sido uu yahay mid dalkiisu kaga qayb-gelayo Carwadda Difaaca Caalamiga oo ka dhici doonta dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta.

Geesta kale, waxa Xukuumadda Somaliland sheegtay inay aqbaleen codsigaa, isla markaas-na ku qanaceen tafaa-siishii Madaxweyne Al-bashiir uu ka siiyey ujeedada dalkiisu ka lahaa shixnadda Hubka ah ee saaran Markabka muddada Toddobaadka ah ku xayiran Dekedda Berbera, sidoo kale, waxa masuulinta Somaliland dabboolka-ka-qaadeen inay ka laabteen go’aan Maalin ka-hor ay ku dhawaaqeen, kaasoo dulucdiisu ahayd ganaax ku waajibay Markabka iyo shixnadda Hubka ah, oo iyana Xukuumaddu la wareegto, go’aankaas oo markii hore-ba dadka qaarkood u arkayeen mid aan Cago-adag ku taagnayn, waxa aakhirkii uu dhalay in 03, February mar kale Xukuumadda Somaliland soo saarto qaraar ay ku burinayso kii hore, isla markaana kaga noqotay ganaaxii ku waajibay Markabka, iyo sidoo kale, la-wareegistii Hubka, waxaana Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland u hadlay War-baahinta u sheegeen inay Markabka MV Shaakir u oggolaadeen inuu safarkiisa sii wato, isla markaana uu Saaka [Isniintii ina dhaaftay] ka goostay Dekedda Berebera, isagoo usii jeeda dhinaca Imaaraadka Carabta.

 

Haddaba, xidhiidho ku taxa-luqa arrintan markabka Hubka oo Wargeysku la sameeyey dhinacyo kala duwan, ayaa si aan mad-madow ku jirin u iftiimiyey in dalka Koonfur Afrika uu yahay wadanka keliya ee Qaaradda Afrika ee sannadka 2015-ka ka qayb-geli doona Carwadda Difaaca Caalamiga, The International Defence Exhibition & Conference (IDEX), Bandhigaas oo sida qorshuhu yahay loo asteeyay in 22-ka Bishan aynu ku jirno uu ka furmo Magaalada Abu Dhabi ee xarunta Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

 

Geesta kale, hay’adda IDEX, ayaa xogaha Wargeyska Yool helay, waxa ay ku caddaysay in Bandhigii kan ka horreeyay ee 2013-kii ay kasoo qayb-galeen 1212 (Kun, Laba Boqol, iyo Laba iyo Toban) shirkadood, kuwaas oo ka kala socday 59 (Sagaal iyo Konton) wadan, oo isugu jirey kuwo Bariga-dhexe iyo qaar Caalami ah inta-ba, halka tiradda dadkii kasoo qayb-galay-na ahayd 80,000, oo qof, kuwaas oo ka kala socday 184 (Boqol, Afar iyo Siddeetan) wadan.

 

Dhinaka kale, masuuliyiinta hay’adda IDEX, waxa ay dabboolka-ka-qaadeen in Carwadda ama Bandhiga sannadka 2015-ka ay ka qayb-qaadan doonaan 40 (Afartan) wadan oo ka kala socda Afrika, Ameerika, Ustareeliya, Bariga-dhexe, Eeshiya iyo Qaaradda Yuruub, kuwaasoo mid waliba uu ka socdo tiro-sugan oo sidan u kala qeexan. Tusaale ahaan, Qaaradda Yurub oo ah tan ugu badan, waxa ka iman doona 22-dal, halka Bariga-dhexe iyo Eeshiya iyaguna usoo dirsan doonaan Carwaddaas 12-wadan, kuwaas oo dhinac walba Lix ka socoto, sidoo kale, Qaaraddaha Afrika iyo Ustareeliya, ayaa kulankaa waxa uga qayb-gelay Koonfur Afrika iyo Xukuumadda Sydney, halka Qaaradda Amerika ay ka iman doonaan 3-dal oo keliya.

 

Afrika: Koonfur Afrika

 

Ameerika: Brasil, Canada iyo USA

 

Eeshiya: China, India, Kuuriya iyo Baakistaan

 

Yurub: Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska, Boortaqiiska, Turkiga iyo qaar-kale

 

Bariga-dhexe: Baxreen, Jordan, Kuwait, Doxa, Cumaan iyo Sucuudiga

 

Docda kale, ilaha Wargeysku xogta ka helay, waxa ay tibaaxeen in hay’adda IDEX iska leexisay masuuliyadda iyo xog-ogaalnimada Hubka la sheegay in lagu qabtay Markab ku xidhan Marsadda Magaalada Berbera, iyagoo sidoo kalena, ku dooday in aanay ahayn Askar Baddaha ilaaliya iyo dusha kala socda toona, sidaa awgeed-na aan wax masuuliyad ahi ka saarnayn arimaha noocan oo kale u dhaca. Geesta kale Warar kale oo Wargeysku ka helay Ilo Diblomaasiyaddded oo Gobolka ku sugan, ayaa tibaaxay in ogolaanshiyaha fasaxa Markabka ee Somaliland ka dhashay xidhiidh wax is-dhaafsi ah, oo aan qoraal codsiya ahayn, kaasoo sida la tibaaxay uu door fir-fircoon ka qaatay Safiirka Dawladda Sudan u fadhiya Magaalada Addis-ababa Ambassador Cumar Dahab, oo isagu sida wararka qaar tibaaxeen Lacag Madax-furasho ah oo aan caddadkeeda la sheegin, balse ka yar Hal Milyan oo Dollar si dadban u soo gaadhsiiyey Xukuumadda Somaliland. Waxaanay taasi waxba kama jiraan ka dhigaysaa guud ahaan asbaabihii Xukuumadda Siilaanyo u cuskatay ka noqoshada go’aankeedii qabashada iyo fashilinta hubka iyo markabka sidayba.

Geesta kale, Waxa kale oo wararka xogtan laga soo dheegtay tilmaameen in Ololihii furdaaminta Markabka Shaakir iyo Saanada saaran, ay kaalin firin-fircoon ka qaateen dawladaha deriska dhow la ah Somaliland.

Markabka iyo Hubka saaran oo Toddobaadkii ina dhaafay sheekaddiisu noqotay middi loogu hadal-haynta badnaa sannadka 2015-ka ee weli aan Afartanka ka bixin, ayaa marka dib loo millicsado sooyaalka Somaliland, waxa ay noqotay midi ugu horreysay ee dalka ka dhacda, tan iyo intii ka dambeysay 18-kii May, 1991-kii, waqtigaas oo ku beegan markii Somaliland ku dhawaaqday inay tahay Jamhuuriyadda ka madaxbannaan Gobollkii Koonfurta Soomaaliya, ee ay la Midowdey 01-dii July, 1960-kii, mudadaas oo hadda laga joogo 24-sanno. Waxaanay jawareer xooggan iyo dareen ku abuurtay shucuubta Somaliland, iyadoo dadku aad uga biyo-diiday sii deyntii Hubka markabka saarnaa, taasoo lagu tilmaamay fadhiidnimo inteeda le’eeg oo ku habsatay Qarankan ku caano maalay Kalsoonida shakhsiyaddeed.

“Dawlad baynu nahay, waxa la qabtay waa hub, in lala wareego waxaan ahayn oo meesha yaalay may jirin”

COMMENTS
LINKS