Eng Dauud Abiib Axmed Oo Shaaciyay In Uu Taagan Yahay Musharaxnimada Golaha Barlamaan Ee la filaayo In Ay Dhawaan Dalka Ka Qabsoonto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Eng Dauud Abiib Axmed Oo Shaaciyay In Uu Taagan Yahay Musharaxnimada Golaha Barlamaan Ee la filaayo In Ay Dhawaan Dalka Ka Qabsoonto.
February 9, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) Eng Dauud Abiib Axmed oo Ka Mida Dadka Aqoon yahanka Ah Islamarkaana Waayo Arag Rugcadaaya Ayaa Iclaamiyey Inuu U Sharaxan Yahay Kana Mid yahay Musharixiinta Ku Tartami Doona jagooyinka golayaasha baarlamaanka ee Gobolka maroodi jeex

Eng Daauud Abiib Axmed Ayaa Ah Waayo Arag Aqoon Dheer U leh Culuunta Egineeringka,Horena ugu tartamay doorashadii golaha deeganka degmada gabiley isagoo ahaa musharixintii ugu codka badnaa lakiin noqday xildhibaan codkiisii la dhacay

Isagoo Wakhti Dheer Kaga Shaqeeyey Dalka Iyo Dibadiisaba,

Waxaa uu sheegay in musharax Daauud Abiib Axmed Inuu Waxweyn ka Bedeli Doono Qaladaad farabadan oo inta badan ka dhaca golaha baarlamaanka, waxaan uu u iftiimiyey bulshada uu u sharaxan yahay inuu wax weyn ka bedeli doono caqabado farabadan oo ka jira dhinaca arimaha aas-aasiga ah ee bulshada,

Waxaana uu ka qayb qaadan doonaa dhismaha dalka iyo sidii loo sixilahaa qaladaad farabadan oo kujira inta badan shuruucda farahabadan ee ka jira, iyo maalgashiyada kala duwan ee dalka.

COMMENTS
LINKS