Duuliyaha Diyaaradii Wabiga Tiawan ku Dhacday oo La Amaanay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Duuliyaha Diyaaradii Wabiga Tiawan ku Dhacday oo La Amaanay.
February 7, 2015 - Written by Editor:

Baadhayaasha ku hawlan in ay ogaadaan sida ay diyaaradda TransAsia Airline ugu dhacday Taiwan ayaa sheegay in ay ciladoobeen labadii matoor ee diyaaradda oo ay dameen.

Waaxda badbaadada hawada ee Taiwan, ayaa sheegtay in mid kamid ah matooradu uu istaagay waxyar kaddib markii ay diyaaraddu kacday, duuliyuhuna uu damiyay kii labaad balse uu awoodi waayay in uu dib udaaro ama uu kiciyo.

taiwan-transasia-plane

ilaa iyo hadda Macada sababta matoorkii kali ahaa ee shaqaynayay loo damiyay.

Mid kamid ah duuliyeyaasha ayaa maydkiisana la helay isaga oo wali kudhagan geerka ama qaybaha kale ee diyaaradda laga wado.

Duuliyaha waxaa si aad ah loogu amaanay sidii uu isugu adkeeyay in uu badbaadiyo rakaabka diyaaradda siidhacaysay iyo dadkii dhulka joogayba, waxa uuna kaduway dhismayaal la daganyahay, kahor intii aanuu buundo baalka ku dhufanin isla markaana aanay diyaaraddu wabiga ku dhicin.

58 qof oo ay ku jiraan labada duuliye ayaa saarnaa diyaaraddaasi, waxaana ka badbaaday 15 qof.

 

COMMENTS
LINKS