|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Libya Oo Golaha Amaanka Ka Dalbatay In Cunaqabataynta Hubka Laga Qaado.
February 19, 2015 - Written by Wariye:Tripoli(Wajaalenews):-Dawladda Libya, ayaa Golaha amaanka Qaramada Midoobay ka codsatay in laga qaado Cuno qabataynta hubka ee saarnayd tan iyo sanadkii 2011-kii. Dawladda ayaa dallbanaysa inay dhisto ciidankeeda si ay u soo celiso kala dambeynta ugana hor tagto Kooxda Daacish ee wakhtigan dunidu ka qaylinayso. Maxamed al-Dairi, wasiirka Arrimaha dibadda Libya,ayaa Golaha ka dalbaday in Cunaqabataynta la la’aado “Libya waxay Bulshada Caalamka uga baahan tahay in la barbar istaago si looga caawiyo Awoodda Ciidan Qaran oo ay leedahay, taasina waxay ku iman kartaa iyadoo nalaga qaado Cunaqabataynta hubka, si Ciidamadayadu u helaan Hub iyo Saanad Ciidan, si aanu wax uga qabanno Argagixisadda ku baahday Libya” ayuu Wasiirku u sheegay Golaha amniga. Wasiirku waxa uu Golaha amaanka u sheegay in haddii laga qaadi waayo Cunoqabataynta Hubka islamarkaana aan Ciidanka la dhisin ay ka faa’iidaysan doonaan Kooxaha Xagjirka ah ee dunida ku sii baahaya “Libya waxay u baahan tahay in dagaalka Argagixida laga taageero. Waddankayagu wuxuu cabsi galinayaa wadamada jaarka ah” ayuu sheegay Mr Dairi. Libya ayaa Cunaqabataynta la saaray sanadkii 2011-kii wakhtigaasi oo lagu andacoonayay in Dadka shacabka ah laga ilaalinayo Hogaamiyihii Muddada dheeraa ee Macamar Alqadaafi. Haseyeeshee waxaa wadankaasi soo food saartay amaan darro baahsan oo haatan horseeday in Kooxda Daacish ku xoogaysato, waxaana haatan duqaymo ka gaysatay Masar oo ka jawaabaysa talaabada Daacish ku dishay inka badan 20 qof oo Masiixiyiinta Masar ah. Hargaysa Office Related posts:Gudoomiyaha xisbiga Ucid Oo Markale Shacabka Somaliland Ugu Baaqay In Ay Udiyaar Garoobaan Difaaca Q... Munaasibad Loogu dabbaal-degayo Sanad-guurada 58-aad ee Kasoo 26-ka June oo Lagu Qabtay Xarunta Mada... Xisbiga Ucid Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxtooyada Jamuuriyada Jamuuriyada Somal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|