Danjire Nicholas Kay Oo Sheegay In Shaqaalihiisa Federal-ka Fidinaya Hargeysa La Gaynayo iyo Jawaabta Wasiir Maxamed Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Danjire Nicholas Kay Oo Sheegay In Shaqaalihiisa Federal-ka Fidinaya Hargeysa La Gaynayo iyo Jawaabta Wasiir Maxamed Biixi
February 6, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland Mr Nicholas Kay, oo golaha amaanka Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u jeediyay warbixin ku saabsan Xaaladda siyaasadeed ee Somalia ayaa sheegay inuu dhawaan rajaynayo in Somaliland ay yimaadaan shaqaale xafiiskiisa ka socda.

danjire niclos key iyo wasiir biixi

Danjire Nicholas Kay oo la waydiiyay qaabka Xafiiskiisa siyaasaddu uga shaqeeyo meelo ka baxsan Muqdish,ayaa sheegay in Xafiisyo uga furan yihiin Magaalooyinka Kismaayo,Baydhabo iyo Garoowe, sidoo kalena Baladweyne iyo Hargeysa uu filayo in dhawaan laga furo. Xafiisyadan iyo Shaqaalaha jooga ayaa ku hawlan hir galinta Hanaanka federalka ah ee Somalia siyaasadeeda lagu midaynayo.

Mr Nicholas Kay oo xidhiidhka Somaliland uu la leeyahay u sharaxaya Golaha amaanku waxa uu yidhi “Marka laga hadlayo Somaliland waxaanu dhawaan xidhiidh la samaynaynay xukuumadda Hargeysa, waxaan u maleynayaa inay aad uga go’an tahay inay arkaan wada shaqeynta ay la leeyihiin xafiiska UNSOM oo sii xoogeysata. waxaan u maleynayaa in la arki doono arrintaasi oo dhawaan dhacda (in xafiiska UNSOM laga furo Hargeysa” ayuu yidhi Mr Kay waxaanu intaasi raaciyay“Waxaan u maleynayaa inay aad ugu faraxsan yihiin in shaqaale ka socda UNSOM uu Hargeysa ka shaqeeyo”

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,ayaa sheegay inaanay Nicholas Kay ka wada shaqayn arrimo siyaasad ku saabsan. Wasiirka oo wargeyska Somalilandtoday la hadlay ayaa arrintani deedafeeyay kuna sheegay wada shaqaynta labada dhinac mid dhinaca horumarka iyo xuquuqda aadamaha ku salaysan.

“Somaliland waa waddan gaar u taagan, fedaraalka Soomaaliyana wax shaqo ah oo uu ku leeyahay ma jirto, Nickalas Kay iyo beesha caalamkuna way la socotaa in Somaliland 24 sanadood madax-banaaneyd, waana la og yahay in Midowga Yurub aanu u bandhignay Madax-banaanidayada iyo horumarkayaga, welina wadahadalladii noo socdaan, markaa federaalka Xamar loo samaynayo shaqo kuma lihin, isaguna (Kay) wuu ogyahay” ayuu yidhi Wasiir Biixi

Wasiirku waxa uu sharaxay waxyaabaha ay kawada shaqayn doonaan Xafiiska UNSOM “Waxa noo socda wada hadallo (Kay), kuwaasi oo ah xagga jeelasha, saxaafadda, xuquuqda aadamaha iyo booliska, kuwaasi ayaanu doonaynaa inaanu ka faa’ideysanayo, markaa wada hadallo ayaa noo socda, waxaanuna doonaynaa inay noo soo diraan khuburo bixiya tababaraddaasi. Laakiin Somaliland wax shaqo ah kuma laha nidaamka federaalka ee Soomaaliya ..”

Wasiirku waxa uu sheegay inay jecelyihiin wanaajinta Xidhiidhka Somaliland iyo UNSOM“Ma rabno inaanu ilaaqaad xun la yeelano (Kay), waanuna soo celinaynaa, waayo hay’adaha Qaramada midoobay ee halkan jooga isagaa Madax ka ah, markaa xidhiidhka aanu la leenahay Nickalas Kay waa inay naga caawiyaan xagga tababarrada, sida hay’adaha kaleba. Waanu la socdaa inay doorashooyinkeenu dhacayaan, inay nabadgalyo jirto. Wuxuu ku dawakhsan yahay taa Xamar ee sida teennu (Somaliland) u deggan tahay wuu la socdaa”

 

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS