Dalladda Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Qabatay Kulan Lagaga Arinsanayo Rabshadaha Dhalinyarta . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalladda Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Qabatay Kulan Lagaga Arinsanayo Rabshadaha Dhalinyarta .
February 10, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo ayaa qabatay Kulan lagaga Arinsanayo sidii loo xalin lahaa xaalada dhalinyarada somaliland.

Kulanka laga hadlayay sidii loo soo dhaqan celinlahaa dhalinta ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirada Wasaaradaha Dhalinyarada iyo ciyaaraha,waxbarashada, Gudoomiyaha Jaamacad camuud, Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Somaliland,   Xubno ka mida ururda bulshada.

Ugu Horayin waxa halkaa ka Hadlay Gudoomiyaha Dalada Sonyo Siyaad Cumar Cali “Qodabkan aan maanta ka wada hadlaynayaa waa qodab aad u muhima oo ah sidii aan waxa ugu qaban lahayin dhalinyarada somaliland oo baryihii u dambeeyay la moodo in ay si u yara kacsaanyihiin dhalinyarada oo dhan maah waa in yar oo u baahan in la garab galo oo loo caqli celiyo.

gudoomiyaha sonyo Waxa dhankiisa halkaa ka hadlay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland Cali Siciid Raygal “ Dhalinyarada Somaliland waxa ay ka tahay boqolkiiba todobaatan 70% markaa waa in la is waydiiyo maxaa hadhay somaliland boqolkiiba intaasi marka ay tahay dhalinyaro,mushkilada ugu badani in ay tahay waalidka ayaan aaminsanahay hadaynaan arintaa waalidka xal ka helina u malayin mayo in aynu xal ka gaadhayno,waayo dee boolis waxa ka qaban karimaayo hadii aanu waalidku samayin xogogaal u noqoshanha ubaka ileen qof walba waxa dhalay waalid oo guri ayuu ka soo toosaaye.

Mushkilada ugu badan waxa laga bartay guriga,sida looga bartay waxa yaal Tv oo waxa ay ka daawanayaan wax baas oo magacyo xun xun leh oo ay ku dayanayaan ,dhanaca kale ma aaminsani dhalinyarada jaamacadaha ka jira ama ka baxay in ay arinkan ku jiraan waa inta aan waxa dhigan ama ka saaqiday .

Dhinaca kale waxa halkaa hadalo kooban ka soo jeediyay Taliye ku xigeenka ciidanka boolisska somaliland “ Dhalinyaro badan ayaanu qaqabanay oo aanu qaarna xukunay qaarna dhawaan la xukumayaa dhalinyaradaa waxa jira in kooban oo lugu dayday kuwiina waa la qaqabtay in kalana waa isa soo dhiibtay markaan mii iyo magaalada ka baadi goobnay,taasna waxa anaga ciidan ahaan nugu kalifay in aan qaqabano marka ay hooyooyin yidhadeen na xanbaar hablo ay kufsadeen runtii dhibta intaa leeg markaanu u adkaysan kari waynay ka ciidan ahaan waxaana aan ku hanwaynahay in dhibaatooyinkaas yaryari soo koobmi donaan.

Waxa iyaguna si isku mid ah uga wada hadlay sidii dhalinayaradaa rabshadahoga loo soo gabgabyin lahaa wasiirka waxbarashada Gudoomiyaha jaamacad Camuud Gudoomiyaha Dalada Sonsaf Gudoomiyaha akaadamiga rabada iyo horumarka oo iyagu si isku mid ah uga wada hadlay sidii loo soo gabagabyin lahaa arinka dhalinyarada

COMMENTS
LINKS