|
|||||
WAJAALE NEWS
Dalka Masar Oo 7-Maalmood Oo Baroor-diiq ah u Samaynaysa 21-Muwaadiniinteeda ahaa Oo Daacish Wadar ahaan u Gawraceen
February 16, 2015 - Written by Editor:Caira:(Wajaalenews)-Xukuumadda waddanka Masaarida, ayaa ku dhawaaqday in toddoba cisho oo baroor-diiq ah loo samayn doono 21-Muwaadiniinteeda ahaa oo kooxda Daacish dhegta dhiigga u dareen. Madaxweyne Sisi-ga Masaarida, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dalkiisa ka aargudan doono tallaabada ay daacishta Libya ku gawraceen dadka kasoo jeeda Qoomiyadda Qibdiyiinta ee afduubka loogu haystay halkaas, kuwaas oo aakhirkii madaxa laga guray. Kooxda Islaamiga ah ee xidhiidhka la leh Daacish ayaa baraha Internet-ka soo geliyay muuqaal muujinaya ilaa 21-ruux Qibdiyiinta masaarida ee kirishtaanka ah oo madaxa laga gowracayo, kadib markii dhowaan laga afduubtay magaalada Sirta ee dalka Liibiya. Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in dalkiisu iyo caalamka ay dagaal kula jiraan Argagixisada, waxaana uu xusay in jawaab deg deg ah ka bixin doonaan dil wadareedkaas argagaxa ahaa. Dadkan la gowracay ee qibdiyiinta Masaarida ahaa ayaa laga afduubtay dalka Liibiya oo ay ka shaqeysanayeen, waxaana markii hore jiray wal wal laga qabay xaalada ammaan ee dadkan. Libiya ayaa tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaas Khadaafi waxaa ka jiray kala dambeyn laโaan iyo dagaalo u dhaxeeyay kooxo islaamiyiin ah iyo ciidamo daacad u ahaa Jeneraal howl-gab ahaa oo ka soo horjeeday kooxaha Islaamiyiinta. Related posts:๐๐๐๐๐ผ๐ฟ๐ผ๐๐ผ ๐๐๐๐ผ๐ผ๐๐ผ๐ฟ๐๐๐ฟ ๐๐ ๐๐๐ฝ๐๐๐๐ผ ๐๐๐๐๐๐ผ ๐ผ๐๐๐๐พ๐ผ ๐๐ ๐พ๐๐๐๐ผ ๐๐๐๐ ๐๐๐ผ๐๐๐๐๐ผ๐! Xukuumada Somaliland Oo Qabtay Wasiirro Ka Tirsan Maamulkii Madaxweyne Cabdi Iley Oo Si Dhuumash... โCida Ilaalinaysa Badda Cas Ee Xulafada Ahi,Way Ku Khasban Yihiin Somaliland In Ay Kamid NoqotoโFaad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |