Dagaalkii Qadhaadhaa Ee ka Dhex Qarxay Ciraaq Iyo Iran Sannadkii 1980kii ilaa 1988kii ( The First Gulf War ) W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaalkii Qadhaadhaa Ee ka Dhex Qarxay Ciraaq Iyo Iran Sannadkii 1980kii ilaa 1988kii ( The First Gulf War ) W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali
February 12, 2015 - Written by Editor:

Dagaalkii Ciraaq iyo Iran, waxa uu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ug dheera , uguna khasaaraha balaadhnaa ee ka dhaca Barriga dhexe. Dagaalkan oo aha mid faraha layskaga gubtay oo anay waxba la hadhin labada dal waxa uu bilaabya sannadkii 1980kii, waxanu so gaba-gaboobay oo uu joogsaday bishii Augost sannadkii 1988kii.

Sababahii Dhaliyay Dagaalka.

Dagaalkan u dhaxeyay Ciraaq iyo Iran, waxa jiray arrimo soo dadajiyay oo kalifay in dagalku qarxo, waxana ka ma mid ahaa.

  1. Murano so jiitamaayey muddo aad u dheer oo u dhaxeeyay labada dal, kuna saabsanaa xaga xuduudaha.
  2. Ciraaq oo sheegatay dhulka mid ah dalka Iran, gaar ahaan gobolka saliida qaydhin hodankaku ah ee lo yaqo Khuzestan. Waxa kale oo Ciraaq ay ku doodaysay lahanshaha dhulkaas, maddaama oo ay daganayeen Gobolkaas dad asal ahan kasoo jeedda Carab, dadkaas oo dhulkas dagay wakhtigii khulafa’u Rashidintu ay dhulkaa ka arimin jirtay.
  3. Madaxwayne Sadam Xusseen oo wakhtigaas awoodisa ciidan ay aad xooganayd, ayaa damacsana inuu noqdo quwada kaliya ee ka jirta Barriga dhexe, isago u arkayey arinta qabsahada dalka Iran inay fursad u sinayso inuu noqdo quwada kaliya ee Barriga dhexe.
  4. Soo bixitaankii Kacaankii Islamiga ahaa ee Iran, iyado hoggaamiyihii Ayatollah Khomeini uu dadaal wayn u galay sidii musliminta ku nool Ciraaq ugu kicin laha Maamulka Sadam Xusseen, halka Sadam Xussen uu isna sidoo kale faraha kula jiray kicinta musliimta Sunni-ga ah ee ku nool Iran.
  5. Shirqoolkii lagu dilay Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Ciraaq, laguna dilay aagga xududda konfur barri sannadkii 1980kii . Arrintaas oo Saddam Xusseen ku eedeeyay waddanka Iran, isagoo amray in dagaal dagdaga lagu qaado Iran. Ugu dambayn waxa ay Ciraaq weerar cir iyo dhulba ah ay ku qaaday Iran sannadkii 1980kii.

Haddaba dagaalkan oo aha mid wakhti dheer soo jitamaayey, sababayna khasare dhinac walba leh oo so gaadhay labada dhinacba, waxa lagu gulaystay in la soo af jaro Bishi Augost sannadkii 1988kii. Soo afajarista dagalkan waxa so dhaweeyay markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midobay ay ku baqeen in la gaadho xabad joojin, iyado markii dambana lagu gulaystay in la joojiyo dagalka.

Waxase xusid mudan in Maxabistii lagu qabqabtay dagaalka, ay labada waddan la kala waregeen sannadkii 2003dii.

Khasarihii So Kala Gaadhay Labada Dhinac Intii Uu Socday Dagaalku.

Dawlada Iran ayaa iyadu si cad u cadaysay in khasaraha nafeed ee so gadhay, iyo inta ku nafwayday dagaalka marka layasku wada daro ay ahayen 123,240 askari ( Boqol iyo saddex iyo labaatan kun, laba boqol, iyo afartan) muddadi u dagaalku socday. Waxa ay u kala qaybiyeen sidan.

79,664 ( sagaal iyo todobaatan kun, lix boqol, iyo afar iyo lixdan )oo askari waxay ka tiranayeen ciidanka gaarka u tababarnaa ee Ilaalada Kacanka Islamiga. ciidanka qalabka siday waxa ka dhintay tiro dhan 35,170 ( shan iyo sodon kun iyo boqol iyo todobaatan) .

Ciidanka bada waxa ka dhintay 5,061.( shan kun iyo kob iyo lixdan askari ) Qaybta jihaadinta la magac baxday waxa iyagana ka dhintay 2, 075 ( laba kun, iyo shan iyo todobaatan askari ). Qaybta kacaanka waxa kadhintay 1,006. ( kun iyo lix ) askari. Ciidanka police-kana waxa ka dhintay 264 ( laba boqol, afar iyo lixdan ) askari. War bixino kalana waxay sheegaa in tirada ciidanka kaga dhintay Iran dagaalku ay dhanaayeen 300,000 ( Saddex boqol oo kun )halka dhawacana lagu sheeggo ku dhawaad 450,000 ( Afar boqol oo konton kun ).

Waxa sidoo kale la waayey dad diradooda lagu qiyaasay 60, 711 (lixdan kun, todoba boqol, iyo koobiyo toban ), iyado qayb ka mid ah tiradaasna loo qaatay maxaabiis.

Dawlada Ciraaq iyagu may cadayn tirada saxda ah ee kaga dhimata dagaalka. Lakiin waxa laagu qiyaasaa in ciidanka kaga dhintay dagalka ay tiradoodii ku dhawayd 120,000 oo askari ( boqol, iyo labatan kun ) halka tirada dhaawacana waxa lagu qiyaasay 300,000 ( saddex boqol oo kun). Qiyaaso kale oo la sameeyay ay cadaynayaan in tirada dalka Ciraaq kaga dhimatay dagaalku ay ahaayeen 150,000 ( Boqol iyo konton kun) oo askari, halka dhaawacana laga lagu qiyaasay 250,000 ( Laba boqol, iyo konton kun ).

W/Q . Cabdixakiim Mukhtaar Cali Senior Student at New Generation University College. Addis Ababa, Ethiopia.

COMMENTS
LINKS