|
|||||
WAJAALE NEWS
Dagaal Gacan Ka Hadal Oo Dhexmaray Baarlamaanka Turkiga Iyo Mudanayaal Dhaawacyo Gaadheen.
February 21, 2015 - Written by Editor:Ankara;(Wajaalenews)-Dagaal gacan-ka-hadal ah ayaa dhexmaray Baarlamaanka Waddanka Turkiga, xilli ay ku jiree Dood la xidhiidha xoojinta Awoodda Ciidanka Booliska dalkaasi leeyahay. Sharcigan ayaa waxaa ka hor yimid Xildhibaanada Mucaaradka ee ka tirsa Xisbiga CHP, iyagoo ka soo horjeeday taageerada sharcigan ay u hayeen xisbiga talada dalka haya ee AK Party. Dooda ku saabsan sharciga awood siinta ciidamada booliska oo dhacday shalay gelinkii dambe ayaa dib loo dhigay, markii ay sii xoogeysatay rabshadaha gacan ka hadalka, taasoo keentay in ilaa shan xildhibaan oo dhaawacyo gaadhay in la dhigo Isbitaal. Xubnaha mucaaradka ayaa ku eedeeynaya Xisbiga talada haya inay doonayaan inay abuuraan Ciidan goboleed ka mid ah ciidamada gaashaanbuurta NATO. Sharcigan ayaa ciidamada Booliska Turkiga awood dheeraad ah u siinaya ka hortagida dibad baxyada iyo rabshadaha kale ee dalka ka dhaca. Ma aha markii u horeysay ee gacan ka hadal dhex mara Baarlamaanada Adduunka, waxay hore falalkan uga dhaceen Baarlamaanada dalalka Soomaaliya, Somaliland Koofur Afrika, Kenya, Ukraine iyo dalal kale.
Related posts:DAAWO ; Garaad Jaamac Garaad Ismaciil OO Ka Hadley Xaalada Gobolka Sool Iyo Dagaalkii Deegaanka Tuk... DAAWO; Jaamacada Tima-cade Oo Bandhig Sugaaneed U Qabatay Hal Abuurka Gobolka Gabiley Iyo Masuuliyi... DAAWO;-Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Ka Hadlay Geerida Taliyihii Ciidanka Booliska S/G;Marxuum Fada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|