|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;Waftigii Somaliland uga Qaybgalayey Waddahadala Turkiga oo Maanta Dalka ka Dhoofay.
February 27, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews) Waftigii Somaliland uga qaybgalayey Shirka Wadda hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa Maanta ka Dhoofay madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa Waftigan oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa waxa ku Wahelinayey Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawda Maxamud Xaashi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan ka socday Golaha Guurtida. Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxmaed Biixi Yoonis oo Warbaahinta la hadlaya intii aanay madaarka ka Dhoofin ayaa Sheegay in Waftigoodani ay dalka Turkiga u tagayaan sii Amboqaadka Waddahadaladii u socday Somaliland iyo Somaliyaoo Maalinta Axada ka Furmaya waddanka Turkiga Magaalada Istanbul. Related posts:DAAWO; Xildhibaan Cabdilaahi Black Oo Ka Hadlay Mooshinka Gobolada Cusub Ee La Horkeenay Golaha Waki... Daawo: Munaasibad Ay Xilka Kula Kala Wareegeen Maamulka Cusub Ee Degmada Alley-baday iyo Maamulkii H... DAAWO: Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Sheegay Inay Ka Tashan Doonaan Waraaqda Madaxwaynuhu Soo Gaad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|