Daacish oo nolosha ku gubtay duuliyihii u dhashay dalka Jordan (Daawo Sawirada) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daacish oo nolosha ku gubtay duuliyihii u dhashay dalka Jordan (Daawo Sawirada)
February 3, 2015 - Written by Editor:

Waa fal naxdin badan leh, kana fog bini’aadanimada, tallaabadii ay Dowladda Khilaafada Islaamka ku dishay duuliyihii u dhashay dalka Jordan ee Muath al-Kaseasbeh.

Bir shabag/shabaq ah oo inta la dhex geliyay Muath al-Kaseasbeh, ayaa dab lagu qabadsiiyay, iyadoo ugu dambeena uu goobtaasi ugu dhintay si naxariis daro ah, lagana cambaareeyay dunida.

Telefishinka Qaranka ee Jordan, ayaa baahiyay in Dowladda Jordan ay xaqiijineyso tallaabada argagax badan leh, ee lagu dilay duuliyahooda. Waxayna si kulul u cambaareysay Dowladda Khilaafada Islaamka.

24-kii saac ee la soo dhaafay waxay Dowladda Jordan waday dadaalo xoog leh, oo ay ku dooneysay inay ku ogaato inuu nool yahay duuliyaha iyo in kale. Waxayse gabal dhicii maanta ka war heshay muuqaal 22 daqiiqadood soconaayo, muujinaayana geerida duuliyaha.

Daacish, ayaa waxay Dowladaha Jordan iyo Japan ay toddobaadkii hore u bandhigtay inay fasixi doonto Muath al-Kaseasbeh iyo Wariyihii Japan u dhashay ee Kenji Goto, haddii xabsi ku yaala dalka Jordan laga sii daayo Sajida al-Rishawi.
Haweeneydaan oo u dhalatay dalka Ciraaq, ayaa muddo sagaal sano laga jooggo waxaa lagu qabtay Magaalada Amman ee Xarunta Jordan, xilli ay maleygeysay weerar ismiidaamin ah, walow aysan u qarxin jaakada ka sameysan walxaha daacish 4qarxa, oo ay xirneyd.
daacish3daacish6daacish5daacish 4

daacish2

COMMENTS
LINKS