|
|||||
WAJAALE NEWS
Cilmi Baadhis Daaha Ka Rogaysa Shakhsiga Dhabta ah Ee Ka Dambeeya Yaayuulka ,Daganaashiyo La’aanta ka Dambeysa Didi Taanka Bulshada G.awdal
February 18, 2015 - Written by Editor:Abeeso Dhul u Eeki Bay Kugu Dishaa, Wadaad na Dad u Eeki Buu Kugu Dilaa).Cilmi baadhis daaha ka rogaysa shakhsiga dhabta ah ee ka dambeeya yaayuulka ,daganaashiyo la’aanta ka Dambeysa didi taanka bulshada G.awdal iyo salel ( abeeso dhul u eeki bay kugu dishaa, wadaad na dad u eeki buu kugu dilaa).by: Dr.khadar maxamed faahiye. Sh.xasan daheeye waxa uu qiima weyn kuleeyahay agtayda iyo tan bulsha weynta reer gobolada galbeedka Somaliland. Waa oday ka mid ah raga sida weyn ixtiraamka u mudan , indhahana u jeexay bulshada bulshada goboladaasi badankeeda, waa sheekha aan aad ka u jeclaa qud badiisa ku dhawaaad 10 sano, sida aan u jeclaa si kabadan ama lamida ayey dadku u jeclaayeen, waa in-dheer garad aragtidayda iyo dareen kayga marka aan ku cabiro . Sh.xasan waxa uu hal hays u leeyahay inta badan( haday doonto dawladu aniga ha I xidho , runta ayaan sheegayaa) Sh.xasan kud badihiisa inta badan waa:- 1.khudbado la duubmaya joogtada socota, wacyiga iyo duruufaha nolosha ee taagan markaasi. 2.is-barbardhig dhacdooyinka maalin laha ah, wax sax ah iyo wax aan sax ahayn! Taasi oo uu ku eegayo qaab xirfad sare iyo siyaasad badani ku jirto . dadku aad bay ugu xidhan yihiin sidaydii !!! Maxay ku salaysan yihiin fariimaha uu sida joogtada ah u waraabiyo bulshada gobolada galbeedka tan iyo Somaliland intii ay jirtayba? 1.baraarujin wanaagsan dhinaca bulshada. 2.wadaniyad
somaliweyn jacayl iyo u hiloobid ay ka muuqato in ay indhuhu u basaaseen koon fur iyo muqdisho.
4.ku dhiiri galinta bulshada midow somaliyeed iyo in uu ku faruur xidho quluubta bulshada muqdisho iyo deeganada gobolada koonfureed . 5.somaliland nacayb qaab xirfadaysan iyo nacaybka beelaha samaroon la dariska ah ( Isaaq). 6.kicinta dhiiga shicibka si ay mudaharaadyo lidi ku ah dawlada u sameeyaan tan iyo wakhtigii ina rayaale waa suura gal in ay ilaa xiligii cigaal xataa fidsanayd. maxaa ka dhashay rushayntii iyo waraabintii midhihii uu beeray sh.xasan daheeye khudbado sanado badan ka dib?? Waxa ka dhashay sida tan:- 1.in bulsha weyntii gobolada galbeedku badankeedu noqdaan dad quluubtooda looga taliyo muqdisho iyo bariga dhexe!! Hadal haynta iyo waxa ugu badan ee dad ku ka sheekaystaana tahay 2daa meelood bulshooyinka ku dhaqan ,oo saameyntu gaadhay heer ay shucuurta ay goobahaasi maamulaan !!!. 2.in ay dhacaan mudaharaadyo lidi ku ah jiritaanka Somaliland oo heer dhimasho sababa!! Dadkaasi mudaharaadaya oo dhamaantood sita calankii koonfurta Somalia!!! Iyadoo goobtu tahay Somaliland. 3.in bulshada gobolada galbeedka gaar ahaan dhalin yarada badan koodu ee qurbaha iyo dalka joogaa quluubta ka nacaan , ka raahiyeystaan,beelaha dariska ee isaaq iyo Somaliland ba? 4.in ay dadku wada guuxayaan oo wada cadhoonayaan , waxa ay diidan yihiina aaney qeexi Karin!!!
waxa ka dhashay awdal-state group ilayn koonfur bay ku faruur xidhan yihiine!! waxa ka dhashay ( odayga suldaan- nimada laga la noqday ee wabar) ee buuraha ku jira oo ku halqabsaday cajaladii ugu horeysay ee uu iska sooduubay in ay raadeeyeen khudbadihii sh.xasan daheeye!!! Somalidu waxay tidhaa ( booraan hadimo ha qodin ku dhici doontaana mooyee) duruustii iyo taxaliishii uu bulshada ku tufaayey waa taa isaga ku soo noqotay ee suldaan kiisii ay isku jufada haayeen xerada ka booday ee qoriga qaatay!! Samaroon oo dhan oo taariikhda iyo sumcad wanaagsan ku lahaa gayiga somalida shaki galiyey , dhibcihii iyo maqaamkoodiina hoos u dhigay!!! waxa ka dhashay in ay soo baxaan bulsho badan oo dalka iyo dibadaba jooga oo gurac u fikiraaya , si u wada cadhaysan, waxa ay ka cadhaysan oo ay af-garan waaya oo ay adagtahay in ay dhex galaan , la macaamilaan walaalahooda dalka la degan , balse maskaxda bulshadaasi kal iyo laab ku xidhantahay muqdisho iyo bariga dhexe ee carabta.
Waxan aamin sanahay bulshada gobolada galbeedku yihiin dad quluubta ka nadiif iyo xaruur ah, daacad ah, tallo iyo arin leh, yaqaana arin toosa oo bilaa qalooca. Se khudbadaha sheikh xasan daheeye majara habaabiyeen, lug-gooyeen, ka lumiyeen wajihida xaqiiqooyin kii nolosha iyo hab khariidadeedkii loogu noolaan lahaa Somaliland. Bulshada gobolada galbeedka badan keedu ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba joogaa bad-baado ayey u baahan yihiin oo laga furdaamiyo ( soft ware programs ka sh. Xasan daheeye uu ku shubay) in laga shubo oo mid caafimaad qaba lagu shubo bulshada!!! Talo ku socota sh.xasan daheeye 1.sh.xasan yacyacoodku raga kuma sama; dhiiro oo u xuub siibo xisbiyada iyo siyaasada nasiib kaaga ayaad ka qaadiye, oo ka daa siyaasada xanuusaanaysa masaajidada.
ka daa bulshada nacabka iyo naxliga aad ku abuurayso. Wixii aad horey u soo xumaysayna daba qabo oo dib u sax inta aad karto. ku guubaabi dhalin yarada jamacadaha ka baxay ee intay soo xaragoodaan wakhtigooda ku luminaaya suuqyada, fadhiisiga makhaayadaha, fadhi ku dirirka iyo yooyootanka ee ku andacoonaya (bilaa camal baanu nahay ! maxaanu qabanaa!) u tilmaan oo ku ololee sidii ay dadku shaqo la’aanta shaqo uga samayn lahaayeen, meel aan waxba oolin wax uga diyaarin lahaayeen, meel aan waxba oolina wax uga soo saari lahaayeen , sidii ay wax ugala soo bixi lahaayeen bada iyo bariga goboladooda iyo dalkaba, sidii ay u noqon lahaayeen kuwo jecel ciidooda ,dadkooda, dalkooda iyo bulshadooda, bulshadooda. ku dhiiri gali dhalinta shaqo taga , nooca ay doonto ha noqoto shaqadaasi ,xasuusi dhalin yarada in aan ( fadhi iyo fuud yicibeed la isku helin) xasuusi dhalin yarada qisaska ka sheekaynaya sida ay muhiim u tahay shaqataga iyo u hagar baxa shaqada qisadii nabi ciise hooyadii markii ay foolanaysa nabi ciise laftiisa ee illaahay faraayey in ay shaqaysato iyadoo fooshu hayso ee lalahaa (rux geedka si ay midho kaaga soo daataan). ku dhiiri gali bulshada walaaleynteeda, xuquuqda beelaha darisku isku leeyihiin ! Iyo sida ay diintu u gaadh siisay heer darisku is dhaxli gaadho. lafba lafta ku xigtaa lagu kabaa !! .
Weydiimo ku socda sh.xasan daheeye? 1.samaroon miyuu ka raystay dawladii muqdisho ee burburtay ee aad bulshada ku guubaabin jirtay marka la barbardhigo : a) maanta dib u dhiska gobolka? B) mansabyada xilal siyaasadeed ee soo maray samaroon isla maantana ay hayaan? C) isku tashiga iyo isku imaatinkan samaroon , camiraada iyo heerka samaroon maanta maraayo ?
hadiiba ay noqoto sidii aad rabtay oo Somaliwenta aad ku hadri jirtay ee samaroona aad ku wado halkaasi timaado , a) maxuu samaroon helayaa dhinaca mansabka siyaasad? B) dhinaca dib u dhiska gobolka? C) ma kula tahay hadii somaliweyn timaado sida aad adigu jeceshahay dib u dhiska gobolada in kaaga loogu horeysiin doono mise waxa cad in lagu odhan doono 100 sano ee soo socda dhulkii burburay baanu dhisaynaa si ay idiin soo gaadhaan ? waan ogahay in aad ka war hayso in samaroon dani ugu jirin muqdisho!! Ma la odhan karaa isaaq nacayb aawadii ayaad bulshada ugu hodayso sawiro khaldan iyo koon fur?
Gabo gabo: sh.xasan kuma necbi raga aan ugu jecelahay baad ka mid tahay gobolka , culimada marka ay timaado sheekha kowaad ee aan mabda’ ahaan taageero ayaad tahay , waxa aan kugu taageeraa dhiiri galinta, guubaabada iyo wacyi galinta bulshada , hana joojinin arin kaasi inta aad nooshahay, waayo qof aamusan waxa ka wanaagsan qofka bulshada wax u sheegaya!! Waxa aan hubaa in sh.xasan iskii isku xilqaamay oo aanu u adeegin dawlada koon furta, ururada khaliij carabta ka jiraana saameyn sidaas u sii ridan ku lahayn se ay ka tahay xaalku dadkaagu ha baraarugo oo hurdada ha ka kacaan. se ogow falaadha aad ganayso ridadeedu halka ay ku dhacayso iyo saameynta ay bulshada ku yeelanayso. Dr.khadar maxamed faahiye dr.khadar05@gmail.com 0634438660 Related posts:Waa Sidee Xog Baadhista Saxaafaddu, Sida Musuqa,Cadaalad Darada iyo Wixii La Midka ah? Qaybta 4 aad: The Dynamics Of The Relationship Of Hegemonic Ethiopia And Weaker Somalia / Djibouti /Somaliland. Guddoomiyaha Ururka Online-ka Somaliland Oo Shacabka Iyo Bahda Saxaafadda Ku Hambalyeeyey Curashada ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|