Biyo la ‘aan iyo Wada Xumo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Biyo la ‘aan iyo Wada Xumo
February 10, 2015 - Written by Wariye:

Qodobka labaad waa wadooyimka,wadooyinku waa kuwa ugu muhiimsan kaabayaasha dhaqaalaha ee dal leeyahay

Marka hore waxaa mahad iskale ilahay,malabaadka waxaan salaamayaa akhrista yaasha sharaftale, sidaan wada ognahay biyohu waa nolosha noloshuna waa biyaha ,

Hadii biyo lawaayana nolol lawaa,hadaba iyadoo bulsho walba ka duulaysa arinkaa

Wayxay ku dadaashaa siday u heli lahayd biyo nadiifa,taas oo ay hormood ka tahay kolba dawlada ka jirta dalka,

Qodobka labaad waa wadooyimka,wadooyinku waa kuwa ugu muhiimsan kaabayaasha dhaqaalaha ee dal leeyahay ,waxayna siway uga qayb qaataan isku socodka iyo soo bixitaanka bilicda magaalooyinka ,waana waxay dawladuhu isku dhaafaan

Waxaana lagu bixiyaa lacago aad u badan(huge of budjets) si loo hormariyo wadooyinka

Hadaba bal aan u soo dago duluda hadalkayga ama u

jeedada maqaalka

Magaalada hargeisa waa magaalo hormar xawliya ku socota waxay leedahay dhismayaal casriya ,ganacsi si xawliya u korya,lkn waa maxay dhibaatadu magaalada hargeisi way ka madhantahay labadaa shay ee aan soo sheegnay waabi la aanta iyo wada xumida

Siiba badhtamaha magaalada waxaad arkaysaa dad wada dhexdeed ku dhex ganacsanaya

Waana halka ay ka soo baxdo bilicda magaaladu,waxaana masuuliyad daradaa iska le dawlada hoose ee hargeisa(local governments) mudada ay jireen ma jirto waxay ku soo kordhiyeen magaalda hargeisa ,waxaan leeyahay arintaasi waa xil idin saran

Waa in aad wax ka qabataan bilicda magaalada ,oo aaad go aamo adag ka soo saartaan dadkan wadada  ku dhex ganacsanaya ee dilaya muuqaalka magaalda.

Si loo helo magaalo qurux badan oo u qalanta magaalo madax lana jaanqaada

Magaalooyinka dhigeeda ah

Qore:Ahmed abdi yusuf(freelance journalist)

Email:axmed.4004@gmail.com

Mobile:00252-63-4475046

COMMENTS
LINKS