Berbera Waxay Beesha Siilaanyo Ka Wadaa Waa Deegaameyn Qabyaaladeysan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Berbera Waxay Beesha Siilaanyo Ka Wadaa Waa Deegaameyn Qabyaaladeysan.
February 24, 2015 - Written by Editor:

Xukuumada siilaanyo oo adeegsanaysa awooda,dawladnimo ayaa waxay dadaal xoogan u gashay,tan iyo markii la doortay in ay deegaameyn balaadhan ka samaysato deegaanka berbera,iyadoo siyaabo kala duwan,ugu soo duushay berbera,ooh ore ay u boobtay codadkii golaha deegaanka ee berbera,oo 5 xildhibaan oo aysan xaq u lahayn si boob ah,ku soo saareen,iyagoo adeegsanaya awooda xukuumada ay madaxweynaha ka yihiin,waxa ay wax badan ka sameeyeen sidii ay dhul balaadhsi ugu sameyn lahaayeen berbera,oo ay sameeyeen wax kasta oo suurta gal u noqday.

Hadaba waxa hada ka socdaa berbera oo deegaameyntii beesha madaxweyne siilaanyo ka waday deegaanka berbera ayaa sii libin laamay,isla markaana waxay doonayaan beesha siilaanyo inay boobto dhulka iyo hantida umadda ee deegaanakasi,iyadoo dhagaha dadka beryahan danbe ay ku soo dhacayeen waxa la iibinayaa dekedii berbera,waana wax aan bulshada reer berbera aysan raali ka,ahayn,balse beesha siilaanyo ay doonayso inay si fudud dekeda u iibiso,isla markaana ay lacag cadaan ah,ka qaataan shirkado shisheeye.

Dadka reer berbera ayaa waxa laga sugayaa,inay si feejigo leh,oo taxadar badan ula socdaan deegaameynta beeleysan ee beesha siilaanyo ka wado deegaankooda,isla markaana waxa muhiim ah,in reer berbera oadayaal,salaadiin,wax-garad,siyaasiyiin ,dhalinyarada,haweenka iyo aqoon yahankoodu ay u istaagaan sidii deegaankooda ay u ilaashan lahaayeen.

By: Muna Maxamed Cali

Email: muna423@gmail.com

COMMENTS
LINKS