Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Awdal Ramaax Oo Ka hadlay fal jidgooyo ah oo budhcad hubaysani ugashay kana Badbaaday Isku Day Dil, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Awdal Ramaax Oo Ka hadlay fal jidgooyo ah oo budhcad hubaysani ugashay kana Badbaaday Isku Day Dil,
February 18, 2015 - Written by Editor:

Ceergaabo(Wajaalenews)War hada na soo gaadhay ayaa sheegaya in badhasaabka gobolka Awdal mudane Maxmuud Cali Saleebaaan Ramaax oo haatan ku sugan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanag, uu ka badbaaday iskuday dil oo qorshaysan kaasi oo la doonayay in lagu khaarajiyo

” Run ahaantii maanta waxan ku sugnaa degmada Ceerigaabo ee magaalo madaxda gobolka Sanaag halkaasi oo aan kaga qaybgaly munaaasibadii xilga gudoomiyenimo ee gobolkaasi aan ugu wareejinayay masuulka cusb md. Axmed Cabdi Fly. hadaba markii ay noo dhamaatay xafladii xilwareejintu ayaa waxa abaaro

Sedexdii galabnimo aanu ka soo baxnay aniga iyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag , magaalada Ceerigaabo waxaanan u jihaysnayn dhinaca deegaanka lagu magacaabo Ceeryaan ee ka tirsan degmada Ceerigaabo halkaasi oo sidii qorshahayagu ahaa aanu laba beelood oo hore dhiig u kala galay aanu magtii oo loo balansanaa ugu kala qaadno , sidii hadaba aanu jidkaasi u soconay ayaa baabuur noocii u ahaa dhinaca naloogu dhufan gaadhay baabuurkayagii kadib na jidka ayaan uga baxnay , waxaana markiiba nasoo gaadhay taliyihii qaybta ee gobolkaasi sanaag gaashaanle Cabdirasaaq, Yuusuf Maxamuud Afeer oo ay wehelinayaan ciidanka amaanku. Kadib, waxa ay rasaas ooda kaga dhigeen baabuurtii bilayska , iyada oo ciidankuna xabado ay ku rideen , waxyerkadibna nimankii way baxsadeen balse ciidanka ayaa ka hadhi waayay waxana ay ugu danbayntii gacanta ku soo dhigeen 4 nin oo hubaysan .” Waxa kale oo uu gudoomiye Ramaax xusay in ragaasi ay haatan ku xidhanyihiin saldhiga magaalada Ceerigaabo.

Mar aanu waydiinay in ragani ay yihiin beeshii waxlaga dilay, ee ay ku socdeen oo cadaalad daro tirsanaysa iyo sababta ay u doonayeen in ay u khaarajiyaan badhasaab Ramaax waxa uu ku jawaabay .” Runtii may ahayn iyaga beesha wax laga dilay waxa ay yihiin Habar Yoonis dhexdeeda ragani na waxa weeyi Habar Jeclo Oo Biciido Ah .”

Waxa kale oo aanu way diinay gudoomiye ramaax bal in ay jiraan cid kale oo uu dareensanyahay in ay falkan ku fulin karaan iyo cida ay yihiin waxa uu mar kale ku jawaabay sidan . “ Runtii waxaan ka shiki qabaa in arintani oo ahayd fal si wanaagsan loo qorsheeyay waxan u malaynayaa in ay lug ku leeyihiin rag masuliyiin ah oo hore xilal uga soo qabtay Gobolkan Sanaag balse hada ma rabo in aan ka hor dhaco baadhista, balse marka ay ii cadaato ayaan uga warami doonaa saxaafada cida ay yihiin iyo sababta keentay falkan.” ayuu ku soo gaba gabeeyay jawaabtii.

COMMENTS
LINKS