Allow Cigaal Yaa uga Warama Caawa Waxa Jooga (Dagaalka Qabow Ee Aduunyada) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Allow Cigaal Yaa uga Warama Caawa Waxa Jooga (Dagaalka Qabow Ee Aduunyada)
February 10, 2015 - Written by Editor:

Marka aynu dib u raacno Sooyaalka Taariikhda ee Mandaqadaha Bariga

Dhexe iyo Xidhiidhka Diblamaasiyada Dalalka Carbeed iyo Dowladaha Reer

Galbeedka waxa Xusid Mudan Wakhtigii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu

hayay talada dalka Somaliland,in uu in badan sharaxaad ka bixin jirey,

Marxuum Cigaal mala awaalka iyo waayaha kasoo iftiimaya dalalka

carbeed qaarkood sida taageeradii uu u muujiyay Dagaalkii dhex maray

labadii Yamanood ee Sanca iyo Cadan taas oo ay xiligaa Yamantii

Waqooyi ee Cadani ku dhawaaqdey in ay lasoo noqotey Dowladnimadoodii

uu si badheedhe ah u ictiraafay dhawaaqooda.

 

Marka si dhab ah Wakhti xaadirkan loo milicsado in uu Dunida dib uga

Bilaabmay Dagaalkii Qaboobaa ee Quwadaha Aduunka ee Nato iyo Warso

inkastoo ay mudo badan hoos u dhacdey Awooda Dalalka aan Reer

Galbeedka aheyn ee Ruushku Hogaamiyo,hadana waxa fasiraad Culus iyo

Sawir weyn bixinya Socdaalka uu maanta ku marayo Madaxweynaha Ruushku

Butin Dalka Masaarida oo kamid aheyd halbowlayaasha Reer Galbeedku

Saldhiga uga dhigtey Wadamada Carbeed taas oo uu Shir Weyn kula qaatey

Qaahira islamarkaana, u balanqaadey Hub iyo Saanad Culus oo uu ku

caawiyo wakhti xaadirkan Dowlada Masar si uu uga soo jiito Dowladaha

Reer Galbeedka,waxay arintani xiisa badan ku leedahay Nuxurka

Qaraalkan Tuduca aan ciwaanka uga dhigay,’Allow Cigaal Yaa uga Warama

Caawa Waxa Jooga’.

 

Sikastaba ha ahaatee,marka aynu hoos ugu soo dhaadhacno sida ay

waayaha maanta Dowladaha Reer Galbeedka iyo dalalka Carabta ee had iyo

jeer Siyaasadoodu jidh diidsan tahey qadiyada Somaliland iyo gooni

isutaageeda iyo sida ay labadaasi dhinacba indhaha uga lalinayaan

ictiraaf aynu ka helno beesha Caalamka waxaan jeclaan lahaa in

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), uu mar

kaliya badelo qorshayaasha Xidhiidhka Dowlada Reer Galbeedka ee

Somaliland islamarkaana uu ka dego Moosko kalana xaajoodo dib usoo

noolaynta waji cusub iyo xidhiidh dhex mara Somaliland iyo Wadanka

Ruushka taas oo uu dib u siiyo Saldhigii Ruushku kulahaan jirey

Berbera iyo Bada Casba kana dalbado in uu Somaliland u aqoonsado si

degdeg ah Waxaan illaahay ka baryayaa in uu indhaha Madaxweynaheena

iyo aragtidiisa fog ku ilhaamiyo in uu la jaanqaado Dagaalka Qabow ee

Mudooyinkan dambe ka bilaabmey dalalka Quwadaha Aduunka si aynu

fursadeena ugaga faa,ideysano.

 

Wabilaahi Towfiiq Ex Xildhibaan Xuseen Cusmaan Cabdi

(Xuseen-cajab)Hargeysa Somaliland.

COMMENTS
LINKS