|
|||||
WAJAALE NEWS
Akhriste Bal Qiyaas Lacagta Ku Baxday Socdaalkii Loo Bixiyay KHASAARE WEYNE Ee Siilaanyo Ku Maray Meelo Ka Mid Ah Dalka!
February 14, 2015 - Written by Editor:Socdaalkii Siilaanyo Imisa Gaadhi baa la socday,dad intee le’eg baa sii raacay? Waxaynu arkaynay magaalo kasta oo ay cagta dhigaan dad boqolaal ah oo qariyay dadkii magaaladda/tuulada deganaa,waxa kale oo aynu arkaynay khudbado intii wada socotay isku jeedinayaan oo isla intii wada socotay iska dhageysanayaan! halkaas oo dadkii tuulooyinka joogay u bixiyeen ISU BOGGA!!! Socdaalkii loo bixiyey khasaare weyne ee Axmed siilaanyo ku maray meelo ka mida dalka ayaa la sheegey lacgta ku baxday inay kor u dhaaftay laba milyan oo doolar hadaynu dhan walba ka eegno majirto cid odhan karta socod faa iido u leh umadan ayuu ahaa markaa maka maarmi karnaa lacag intaas leeg oo aan la taaban karin ama la tilmaami karin inay ku baxdo dalxiis iyo temesh leyn iyadoo aynu ognahay nolosha dadku inay tahay nolosha aduunka uugu hoosaysa mida kale ma is weydiin karnaa haduu dalxiis u baxay Axmed siilaanyo muxuu u tegi waayey meelaha uugu fiican dalxiiska sida magaalada boorame iyo buuhoodle ama uugu hoyan waayey magaalada laas caanood sida la cadeeyey socdaalkii khasaare weyne waxa la watey sideeten baabuur oo ah kuwa loo yaqaano land kuruusar dadkana tiradoodu waxay gaadhayeen rag iyo dumar ilaa laba boqol oo qof waxa kaloo meesha maraysey qayb ka mida saxaafada oo la xushay,kuwa buraanbura, kuwo durbaanada tuma,kuwa mushxarada oo iyagana socdaalkan loo bixiyay Khasaare weyne loo sii kaxaystay si kaste wax ha u jireene Axmed siilaanyo iyo casaabadiisu teelo umay dhigan dadkan iyo dalkan oo waliba ku darso oo xiliga ay socdaalkan loogu yeedhay Khasaare weyne ku beegmay ayaa ahayd mid dadka iyo dhulka ay mareenba baahiyo badani ka muuqdeen oo xiliguna uu ahaa Jiilaal dhulku abaarsaday dadka iyo duunyadooduna dhibaataysnaayeen ayaa waxaas oo dad iyo duunyoba inay kaxaysteen oo adduunka intaa le’eg bu baxday ayaan habayaraatee kolay ku tahay booyad biyo ah oo dadka haraadan ee dhulka qalalay ku noolaa loo sii qaadin waana ayaan daro in maanta uu siilaanyo iyo kooxdiisu ay waliba ku faanaan oo ay meel walba kaga sheekeeyaan safarkan khasaare weyne loo bixiyay ee aan dad iyo duunyo midina ku diirsan. waxaan leeyahay ilaahaw somali land u gar gaar
Qalinkii Cari Xaraaro
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|