AKHRI: Taxanaha Qeybtii 3aad ee Waraysiga Laga Qaaday Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Xukuumaddii UDUB Md. Cali Sanyare | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AKHRI: Taxanaha Qeybtii 3aad ee Waraysiga Laga Qaaday Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Xukuumaddii UDUB Md. Cali Sanyare
February 16, 2015 - Written by Editor:

HArgeysa (Wajaalenews )- Akhristayaal Intiinii la socotay waxa aanu Toddobaadyadii aynu soo dhaafnay idiin soo gudbinay qaybo kamid ah waraysi taxane ah oo Wasiirkii Qorsheynta ee Xukuumaddii UDUB Md. Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) kaga warramayo xaaladda dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee waqti xaadirkan ay Somaliland ku sugan tahay.

Cali-Sanyare

Cali Sanyare ayaa isaga oo ku sugan Magaalada Genenva ee Carriga Switzerland, Khadka telefoonka waraysi ku siiyey degelka wararka ee Qurbejoog.com, waxa Cali-Sanyare noogu sheegay in aannu xisbina ku biirin intii xisbigiisii UDUB saaxada ka baxay. Hase ahaatee,uu isagu weli ku jiro saaxada siyaaasadda. Wuxuu bulshada u iftiimyey ra’yigiisa ku wajahan doorashada la filayo inay ka qabsoonto somaliland bilaha soo socda . Wuxuu caddeeyey in qabanqaabada iyo qabashada doorashadu dusha ka saarantahay xukuumadda joogta. Wuxuu, si qotadheer ,ugu hadlay gaabiska ka jira qabanqaabada doorashada iyo saameynta ku yeelan karto geedi socodkii diimoqraadiyadeed ee dalka.

Sidoo kale Qeybtii LABAAD ee WAREYSIGA oo soo baxay maalintii JIMCAHA ee bisha Feberwari ahayd 6 da. 20015ka, wuxuu Wasiir Cali-Sanyare is-barbar dhigay isbedel doonkii KULMIYE xukunka kaga tuuray UDUB sanadkii 20010ka iyo guuxa u eeg bilowgii kacdoon bulsho ee hadda ka jira Somaliland oo saadaalinaya isbedel kale oo KULMIYE ka saari kara xukunka markii doorashadu dhabowdo. Wuxuu ku qotomiyey saadaalinta labaatan qodob oo hadda bulshadu,si weyn, uga biyo-diidantahay. Wareysiyada taxanaha ah ee kale waxay soo bixi doonaan todobaad walba maalinta Jimcaha . Waxaanay socon doonaan ila 13ka Maars, 20015ka. Waxay qaybtani ka faaloon doonta xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka jira gobolada darafyada somaliland. Wuxuu Wasiir Cali- Sanyare u soo jeediin doona talooyin wax ku ool ah dhinacyada ay khuseyso. Kuwaas oo uu ku jiro Suldan Abiibakar Wabar. waxaana ay qaybtani ku bilaabmaysaa sidan:

 

S: Sideed u aragta dhaqdhaqaaqyada colaadeed iyo siyaasiyadeed ee ka jira gobolada darafyada ee Somaliland ?

 

J: Waxaan u arkaa nasiib darro weyn. Muddo afar sano ku dhow, ayaa xukuumadda hadda joogta lagu wareejiyey dal iyo dad nabad ah oo mideysan iyo soohdimihii dalka oo sugan. Maanta waa loo jeeda dildilaac dalka ka muuqda dhinaca walba. Kuwaas,oo intooda badan,ay keentay siyaasad xumo ay ku dheehantahay isku-joojin la’aan iyo tixgelin la’aan tabashooyinka bulshada qaarkood. Haddii caqli fayow oo xaliya arrimaha ka taagan gobolada darafyada la helin, waxay horseedi karaan nabadgelyo darro. Waxaan qabaa, inta ay doonto.

Somaliland ha ku qaadatee, in khilaaf walba wadahadal lagu dhameeyo. Wuxuu caqliga saliimka ahi Ina farayaa in aan bulshada, si sahlan , ciidan loogu adeegsan,iyadoo lagama maarmaan noqota mooyee,sida haddii weerar hubeysan lagu soo qaado cidanka .Markaas wuxuu ciidanku xaq u yeelanaya inuu is-difaaco.

 

Dadka siyaasadda qaada-dhiga waxay qirayaan in lab qodob oo ah farsamo xumo xukuumadeed ay murgiyeen arrimaha ka taagan labaad gobol. Waa ta Laascaanoode, waxa la sheegay,ka hor shirkii khaatumo ee Taleex lagu qabtay 12kii Janwari,2012, in

qaar ka mid ah koooxda loo yaqaano lixdii aasaasayaasha khaatumo ay kula kulmeen Madaxweynaha Jumhuuriyadda Somaliland Hoteelka Sheraton ee Addis Ababa.Waxay ka dhaadhiciyeen Madaxweynaha in shirkoodu yahay mid beeleed, sidii kii ka dhacay magaalada gar-adag, danta guud ee somalilandna aannu ka horimaneyn. Isagoo ku qancay warka la siiyey ayuu Madaxweynuhu ku barakeeyey.

Markii ujeedada shirku soo ifbaxday ee bulshaduna kacday, jawaabta Madaxtooyadu

waxay mar kasta ahayd”shirka Taleex waa shir beeleed ay xaq u leedahay beel kasta oo somaliland ahi inay qabsato.”Hase ahaate, markii shirweynihii Khaatumo uu caddeeyey ujeedadiisii ayey xukuumaddu ku ambabartey sidii loo marin habaabiyey oo ay ciidan u saartay. Waxaa iyana sheegis mudan in qofkii fududeeye shirka labada dhinac uu ahaa qof mansab muhim ah u hayey dalka wakhtigaas.

Waa ta Awdale, taariikhda somaliland wuxuu gobolku kaga yaal baal dahab ah. Waa

gobolkii martiqaaday shirkii labaad ee beelaha somaliland. Waa shirkii lagu doortay

Madaxweyne Moxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Eebe janadii fardowsa ha ka-waraabiyee . Waa Madaxweynihii tiirarka dawladnimo u taagay somaliland. Waa shirkii u horseeday dimoqraadiyada somaliland. Bulshada somaliland way kawada dheregsantahay wax ka socda gobolka . Waxa caddeysay xukuumadda, waxaana sii-Iftiimiyey dhibaatada Suldan Waber,xildhibaanada Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda gobolka ,masuuliyiin kale oo fara badan oo ay ku jiraan salaadin, aqoonyahano, iyo waxgarad. Waxay dhamaantood isku-raaceyn in qadaris la’aani dhibaatada keentay. Tasoo ka timid dhinaca xukuumadda markii ay ka gaabisay tixgelinta tabashooyinkooda muddo aad u dheer oo saddex sano ku dhow.

Xukuumaddu way qiratay in aan weli tabashooyinkii gobolka laga jawaabin, Inkasta oo ay ku dartay in guddi wasiiro ahi ay arrintan faraha ku hayaan. Waxa marag ma doonta ah in gadoodka gobolka ka jira uu sabab u noqon karo tixgelin la’aanta ka timid dhinaca xukuumadda ,iyadoo arrimo kale oo hadda cadeyn soo if-baxaan mooyaane.

Waxaan kula talin lahaa bulshada reer Awdal inay is-dejiyaan oo ay nabadgelyada ilaaliyaan. Nabadgelyadu waa inugu qaali,Waa inoo wada dan.Marka nabadgelyada la waayo ayaa nimcadeeda la gartaa, fartana dhexda laga qaniina. Madaxdhaqameedka , waayeelka ,waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Awdal xilkoodii taariikhiga ahaa way kasoo baxeen. Waxaanay ku caddeeyeen go’aanadii ka soo baxay shirkii dooxada Geb lagu qabtay. Hase ahaatee, waxa loo baahanyahay in dhalinyarada la gadoodiyey loogu celceliyo qiimaha nabad lago soo toosaa leedahay. Waxay dhalinyarada somaliland,oo ay ku jiraan dhalinyarada Awdal,indhaha-ku soo-kalaqaadeen dal nabad ah, barwaaqeysan,inkasto wax badani ka dhimanyihiin, iyo jaamicado.shaqeynaya. Magaran karaan dhibaatada loo soo marey hadda halka la taagan yahay., iyagoo loo sheego mooyee.

Waxaan kaloo jecelahay in aan xasuusiyo reer Awadal Inay dalkan xukumeen muddo todoba sano ah,loogana fadhiyo Inay markale xukumaan. Ila maalintii somaliland xoriyadeedii la soo noqote wuxuu gobolku ku fadhiyey kursiga labaad ee dalka ugu sareeya .Kuwa u hinqiltaagaya SOMALIYA, malagayaaba Inay fursadahaas oo kale ka heli karin soomaliya. Khibradii SOMALIYA aynu ku baranay waxay ahayd dal bulshadeedu, gaar ahaan ,kuwa isbidaya tiro-badni ay yihiin kuwo iyana wax-isku-ogoleen, cid kalena wax u ogoleen. Waxa kaloo, iyana xasuus mudan, markii Mudane Cabdi Xasan Buuni ( alle janadii fardowsa ha ka waraabiyee) uu ka noqday ku-xigeenka rai’isal-wasaaraha SOMALIYA sanadkii 1960kii wuxuu ku helay magaca somaliland iyo midnimadii xisbiyadii SNL/USP ee Xamar lagu tegay. Ra’iisal wasaarihii somaliland, Mudane Moxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,wuxuu xukuumadda wakhtigaas ka noqday Wasiirka Difaaca.

 

Maanta ma ahayn cadho xukuumadda aad u qaadeen awgeed in taariikhdii la soo maray aad ku ilowdaan oo xubno la odhan karo waa dhalaan dhalad ku hadaaqaan hadalo aan hore looga baran bulshada Awdal ee ka midka ah bulshooyinka ugu taariikhda iyo xadaarada weyn geeska Afrika. Waxa jirta maahmaah somaliyeed oo tidhaa: “Oodi ab ka dhow .” Marka haddii aad is-hirdideen qolooyin aydaan isku ood ahayn, aqoonta xadaaradiina iyo macaamilkii soo jireenka ahaana wax uga dhimanyihiin, xaal weyn ayaannu idinka siinay. Bulshada somaliland waa idiinka graabeysa tabashooyinkiina.Hadaba,idinkuna ka saara hadalka intii aan laaqika ahayn.

 

Waxaan jecelahay in aan waxooga tusaaloyin iyo talloooyin ah u soo jeediyo Suldaan Waber. Suldaan imataqaanide aan isku ka sheegee waxaan ah nin aan da’yarta biqleysa ku jirin,waayo aragna ah . Ilaa wakhtigii aynu somaaliya is-raacneyna jiray oo shaqeyneyey. Inaan kaa weynahay ayaan filaya. Aan kuu faanee ,waxaan ahay nin tol iyo xigtaba ku leh gobolka Awdal. Bulshada Awdalna jecel.

 

Markaan ku soo wareystay, waxay dadkii isku-raaceen inaad tahay Suldaan haybad leh,milgaha saldanadana dhowra oo urursan. Jifadaaduna kugu

kalsoontahay. Suldaan waa la arki jiray Suldaan fiicnaa oo markuu xanaaqo ama dhibaatadii kabadato mar keliya isbedela oo falaagooba. Horeyna, somaliland way uga dhacday, cahdigi xukunka Madaxweyne Moxamed xaaji Ibraahim Cigaal .

 

Markuu Suldaan falaagoobo waxa , inta badan durbaanka u tuma,dad dano gaar ah ka leh Isku dhaca Suldaanka iyo kolba xukuumadaas joogta,aworkooda siyaasideedna ku kacsada ,iyagoo u balanqaadaya Suldaanka kharashka ku baxaya dhaqdhaqaaqyada . Laakiin markii la heshiiyo, waxay dhibaatooyinka dhacay oo dhan dhabarka u saaraan Suldaanka, bacdama uu yahay masuulka kowaad ee bulshada la kiciyey. Sidii hore looga bartey, haddii bulshada kacsani dagaal loo horseedo waxay kusoo laabtaan magaalooyin burbursan iyo iyagoo dhinac walba dib-uga- dhacsan, noloshana alif ka soo .bilaabaya. Waxaan markaas kugula talin lahaa KOW la tasho salaadiintii hore tutaha u gashatay si aad u ogaatid xumaan iyo samaaanba waxay ka dhaxleen amase ka faai’ideen. LABA, naftaada iyo noloshaada cidhiidhi, silic iyo buura gal ha gelin uma qalantidey.SADDEX, taariikh xumo ha ku gelin arrin laga wadahadli karo,miiska dushiisana lagu dhameyn karo. AFAR, mar haddii bulsho la xasuuqey ama la barakiciyey ama dhibaato kale loo geystay aanay jirin oo waxaad ka hadashey uu ahaa siyaasad la xidhiidhta sami qeybsi,fadlan Suldaan arrinta deji oo miiska wadahadalka soo fadhiiso. Haddii aad nabada , colaad ka doorbidid, adiga iyo nasiibka. Hore ayaa loo yidhi,”dagaal wiil kuma dhashee ,wiilba ku dhinta.”

 

Lasoco…

 

COMMENTS
LINKS