“Xukuumadu Noomay Dirin Arrinta Wabar,Anaguna Waanu Ka Gaabinay Kaalinta Aanu Ku Lahayn Arinta Suldaanka” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xukuumadu Noomay Dirin Arrinta Wabar,Anaguna Waanu Ka Gaabinay Kaalinta Aanu Ku Lahayn Arinta Suldaanka”
January 6, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Xaaji Cabdi Kariin Xuseen(Waraabe) Oo Ah guddoomiyaha Gudida Joogta ee Golaha Guurtida somaliland Ayaa Maanta Bayaamiyay In Aanay Xukuumadu Ka Guurti Ahaan ka Codsan In ay Ka Qayb Galaan Suldaanka Diidan Qaranimada somaliland Ee Galay Buuraha.

Waxa uu sheegay in Ay ka Gaabiyeen Kaalintii Ay ku Lahayeen Arinta Suldaanka,Wixii looga Baahdana waxa uu sheegay in ay iska Arki Doonaan Xukuumada.

cabdi waraabeTabashada Ay qabaan Booramana waxa uu sheegay Xaaji Cabdi Waraabe Mid Loo baahan yahay in Ka Guurti Ahaan ay ka Hawl Galaan,waxaana uu soo jeediyay In Uu Suldaanku U Garaabo Guurtida iyo Masuuliyiinta Wada hadalka Ugu Baaqaya.

Madaxwaynaha somaliland waxa uu ku sheegay Madaxwayne Gar Qaate Ah una Garaabaya Wixii uu u Arko Khalad,Xaaji Cabdina wuu Sheegay in dhaqanka somalida ay ku Cusubtay Suldaan Qori Qaata waxaana uu hadalkiisa ku Bilaabay sidan.

“inaanu tago ka Guurti Ahaan waa Run Oo Waanu ka Gaabinay oo waanu sahashanay,Boorama Maaha Daabiyada yar waa Kursigii Dawlada oo dhami ku Fadhiday,Garbaa Naluugu Leeyahay inaan Tago Oo Aanu Xaalada Dajino,Xukuumaduna Noomay Diran Anaguna Waanu ka Gaabinay Kaalinta Aanu ku lahayn,hadana waanu Lasoconaa In Ay ka shaqaynayaan Xaalada Gobolka Boorama,Dadka ay isku Deegaanka Yihiin Suldaanka Diidan Somaliland.

Xaaji Cabdi Kariin Xuseen(Waraabe)oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay isaga oo hadalkiisa siiwata.

“Hadana wixii Nalooga Baahdo Xukuumada ayaanu iska Arki Doonaa,wixii Tagid Leh waanu Tagi,Wixii Nagu baaqdayba waanu Qaban,Lakiin waxaanu leenahay Boorama Gobolada dalka somaliland Lamid Maaha,Markii Ingiriisku dalka Haystay kuwaas ayay lasaaxiib Ahayeen,Tani Markay dhalatayna Iyaga Aabe u ah oo waa Halka ay somaliland Ka dhalay,waxaanan usoo jeedin lahaa Duul-duulka iska ilaaliya.

Dhinaca kale Xaaji Cabdi Kariin Xuseen(Waraabe)ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay Tabashadoodu Reer boorama ku dhamaystaan Wada hadal,waxaana uu Khalad ku tilmaamay Suldaan Buuraha Gala Oo Qori qaatay waxaana uu yidhi.

“Kursigii Madaxwayne Ku Xigeenka Boorama iyadaa ku fadhida,Wixii ay tabanayaan Diyaar Ayaa loo yahay in Ay wada hadal ku sheegtaan,Lakiin inta uu suldaan Meel Ka Kaco Qorina Qaato waa Nasiib Daro Aad u daran,Somaliland Maanta uma Baahna in Latuurtuuro,Suldaan Nabad Dii Ahna wali Lama Arag,Dad Qori Qaatana Maanta Somaliland Ma Ogola.

 

Waxa uu sheegay Xaajid Cabdi Waraabe in Loo baahan yahay In loo Midoobo Qaranimada somaliland,Suldaanka waxa uu usoo jeediyay Inuu Maqlo Ergada,Madaxwaynaha Somaliland waxa uu ku sifeeyay Madaxwayne Maqlaya Tabashada uu qabo Suldaanku waxaana uu yidhi.

“Wixii Aad tabayso Suldaan Afkaaga ka sheeg oo Kaalay,Dalkana waxa jooga Madaxwayne Aan Dhalinyaro Ahayn oo Nin wayn Ah oo Garawshiyo Bixiya,Wixii Aad tabashayso dhamaan waa kuu diyaar Golahii Baarlamaankii odayaashii wax Garadkii Iyo Dhamaan Shacabka Somaliland.

Si kastaba Ha Ahaatee Hadalkan Kasoo yeedhay Suldaanka Ayaa Sheegaya in Tabashada Ay Qabaan Beesha Dagta Gobolka Awdal Laga Hoos Qaadi waayay,hadana waxa uu sheegay Madaxwaynaha somaliland In Loo baahan yahay Inuu suldaaku Tabashada uu qabo Wixii Caqli Gal Ah Loo Garaabi Doono.

COMMENTS
LINKS