Xukuumadan Waxaa Haya Caqli La’aan ,Cilmi La,aan ,Ciirsi La’aan Cibaado La’aan iyo Cabanaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadan Waxaa Haya Caqli La’aan ,Cilmi La,aan ,Ciirsi La’aan Cibaado La’aan iyo Cabanaan.
January 14, 2015 - Written by Editor:

Xukuumadan Waxaa Haya Caqli La’aan ,Cilmi La,aan ,Ciirsi La’aan Cibaado La’aan iyo Cabanaan.

Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Yaabaye,Ma Yaabteen? Yaabteen Ma Yaabay?Yaabnaye Mawadda Yaabteen?Eegaye Ma Eegteen?Eegteene Ma Eegay?Eegnaye Mawadda Eegteen?Maqlaye Ma Maqasheen?Maqasheene Ma Maqlay?Maqalnaye Mawadda Maqasheen?Yaa U hadhin Yaa ka hadhin?Yaase u yeedhay? Yaase ka Yeedhay? Bal adba Jawab?

Waxaa Mahadnaq-Iyo ugaaryeelid mudan Eebeheen ,sareeye,ee inoo suurta geliyaay inaan Awood ,Karti,Wakhti u helno Qoraalkan ,oo hadaan alle saamixin,Inana siin Caqli,garsheed aynaan waxba Qori karneen,waxana Akhriyikarneen,Marlabaadkana waxaa ,Aaman ,Mudan Akhristayaasha ,Gaar ahaan Kuwa Qaderiya ,Maamusa,Ildheer ule Qaraaladaydan Taxanahaa.

Aan U soo Noqdee Hadalkaygee waxaan Manta u yara Baxayaa Mawduuca Uu Ciwaankani sheegayo ama uu bilowga u yahay ,sidaad wadda Ogsoontihiin ama aad maanka ku haysaan waxaa Dalkan ka Talisa Xukuumad Aan Horta Anigu Aad ula yaabanahay Lana Yaabanaan Doono inta ay joogto ,Xukuumadani waxay isku Darsatay ugu yaraan dhawr shay oo kala aha Cabanaan ,Caqli la,aan ,iyo Qodobo kaloo badan ,aan Hadalka saafee waxaad la yaabaysaa Hadaad u fiirsato waxay samaynayso waxa aan sagaro ka biiqsan ,ama aan si kale u dhigee waxa ay yar tahay inay ciddi ku dhaqanto ,oo waaba cajiibe miyaanay ahayn Xukuumadii Dalka Hogaaminaysay ?bal adba jawaabta.

Waxay Xukuumadani isku Darsatay waxyaalo anaan Taariikhda ku arag iyadda ka Horoow iyo ka hor malaha annan maqlayna iyadda ka dib .

Dulqaad la,aantu waa ayaan Daradda Ugu Horaysa ee ay Xukuumadani la Kowsatay lana Boqol Jirsatay lana God galayso ,waxaa lagaaga baahanyahay inaad la timaato Samir ,Dulqaad ,Akhlaaq,Ilaalin ,Daryeel ,Maamus,Xilkasnimo iyo wixii la hal maala laakiin Xukuumadani waxay la timi Waxa intaaba Burinaya oo ka soo horjeedda? Dee malaa malaha dhegana uma Daloolaanbaaan u malaynayayoo Waxan ay Saacad walba sheegayaan Mucaaridku   miyaanay Dawladu maqlin ,mise waxaanay doonayn way ka dhego la,dahay ? bal adba?.

Xukuumadu waxay Xukuumada ku tahay ilaalinta iyo Daryeelka shacabka ,Waxa ka Qaadashadda Xisbiyadda Mucaaridkaa ,Talo wadaago Bulsheed laakiin hadday intaa midna samayn waydo way ku Guuldaraysatay waxaas oo dhan.

Daalkana waxaynu jecelaan lahayn In lagu Wareejiyo Dad AQoonyahanaa,si loo Helo isbedel Siyaasadeed ,mid dhaqaale,mid Horumar.

Lasco Qaybta 2aad iinsha allah oo aad u faah faahsan .

Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com

COMMENTS
LINKS