Xukuumada Siilaanyo Waxaad Moodaa Inaanay ku Kalsoonayn Qadiyada Madaxbaanida Somaliland…Amb. Yuusuf Budhle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Siilaanyo Waxaad Moodaa Inaanay ku Kalsoonayn Qadiyada Madaxbaanida Somaliland…Amb. Yuusuf Budhle
January 11, 2015 - Written by Editor:

Somaliland; Doorka Faro-gelinta Cadowgu ku Leeyahay Fad-qalallada Darafyada

Washington(Wajaalenews)-Marka la eego hab-dhaqanka cabbanaanta siyaasaddeed ka muuqato iyo u dhego-nuglaanta dhaleecaymaha ilaa xad sii jira ee ay dawladda Soomaaliya ku haysto arrimaha Khusuusiga ah ee Somaliland, waxa aad looga dayrinayaa Kalsoonoda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ku difaaci karto qadiyada Madaxbanaanida Qaranka cagihiisa kaga dheereeyay cadow iyo nacab-ba.

Dareenkan ayaa timi, kaddib markii ay xukuumaddu ka waantoobi wayday isku wadidda lexe-jeclada ay u qabto wada-xaajoodyada kacaa-kufka ku socda iyo gulufka Siyaasaddeed ee ay ku hayso dawladda wada-hadalada kula jirta ee Soomaaliya, taasoo tan iyo markii ay ku-meel-gaadhnimada ka baxday marba dhinac ka soo hujuumaysa midnimada Bulshada reer Somaliland, lana tuhunsanyahay inay inay gacamaha kula jirto ama door seyn ku leedahay xiisadaha kala qayb-qabinta waddanka looga gol-leeyahay ee sanadkii ugu dambeeyay isaga gudbay darafyada Galbeedka iyo bariga ee dalka.

Tusaalle ahaan, Qaraarkii Dawladda Xasan Sheikh 7-dii bishan ku xaaraantimaysay heshiisyada kafaa’idaysiga Khayraadka Shidaalka iyo Macdanta dalka, kuna tilmaantay inay heshiisyadaasi yihiin kuwo daciif ah oo aan waafaqsanayn Xeerarka Caalamiga ah ee arrimahan khuseeya, waxa uu dhiiri-gelinayaa inay xiisaddo maxali oo ku tacaluqa Shidaal baadhistu si fudud gudaha Somaliland uga qarxaan . “marka laga hadlayo diidmada Shacbiga reer Awdal kaga soo hor-jeedaan Macdan qodista laga wado Simodi, ayay dhiiri-gelinaysaa dhaleecaynta Heshiisyada Somaliland.”ayay sheegeen khubarada ammaanku.

Sidoo kale waxay badhitaaraysaa arrintani xiisada siyaasaddeed ee ubucdeedu ahayd tabashada bulshada gobolka ee ku saabsan Saami-qaybsiga kuraasta dawladda oo aanay ka madhnayn qash-qashaad lagu carqaladeynayo Macdan qodista Buuralayda Simodi, sababtoo ay tahay xubno ka mid ah Maleeshiyada Suldaan Wabar ayaa Shacbiga Gobolka ugu baaqay inay dagaal kala hortagaan boobka lagu hayo Khayraadka Dhulkooda .”

Marka laga daba-tago cambaareyntii iyo weedhihii kale ee faro-gelinta huwanaa ee Madaxweyne Xasan u jeediyay Somaliland, markii ay Ciidanka Qaranku gacanta ku dhigeen Degmada Taleex badhtamihii sanadkii 2014-ka, isagoo ashkatooyin ka dhan ah ujeedada Somaliland ula wareegtay Deegaamada Gobolka u gudbiyey beesha Caalamka iyo War-murtiyeedkii lagu yidhi sidan soo socota “wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysa Shirkadda ARC inay si degdeg ah u joojiso macdan baadhista sharci-darrada ah ee ay wado, taasoo dhalisay xasarad siyaasadeed & nabadgelyo oo ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa meel nabdoon. “Waxaan uga digeynaa dhamaan shirkadaha caalamiga ah ee macdanta iyo shidaalka baara inay galaan heshiisyo sharci darro ah, oo heerkoodu ka hooseeyo hab-dhaqanka caalamiga oo ay isku dayayaan inay kula soo baxaan khayraadka Soomaaliya, kuna qaataan si rakhiis ah oo aan waafaqsanayn sharciyada dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya macdan iyo shidaalka.”.

Waxa marka la bar-bar dhigo Jawaabta ay Xukuumaddu shalay ka bixisay go’aankaa qayaxan ee daba-socda dhacdooyinkii hore, ay qayb ka mid ah bulshada reer Somaliland si tartiib-tariib ah u dareemayaan, laba qodob midkood, kuwaasoo kala ah: inaanay xukuumaddu daacad ka ahayn difaaicsta Qaranka iyo inay kalsooni daro ka qabto sii waaritaanka Madaxbanaanida dalka, sida uu sheegay Ambasador Yuusuf Budhle oo mar ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga UCID, laakiinse xilkaasi badhtamihii sanadka xisbigu ka bedelay, kaddib xurguf dhex martay Dalka Djibouti oo uu eeddeymo u jeediyay.

Waxaan u arkaa in Somaliland Xukuumadeedu ay noqotay mid iska xamaasadeysan oo kolba meeshii Xukuumadda Soomaaliya Usha ugu dhufato ‘uun daba ordaysa. Waayo Haddii Somaliland tahay dal madaxbanaan in ay Somaliya ka hadasho mabay ahayn, laakiin xukuumada siilaanyo ayaa dhaqankeeda laga dheehanayaa inaanay i ku kalsoonayn qadiyada madaxbaanida Somaliland.”ayuu yidhi.

Yuusuf Budhle oo shalay Wargeyska Yool Wargeysi la yeeshay, isagoo ku sugan Dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay ka faa’idaysiga Akhtiyaariga ah ee Khayraadka Shidaalka iyo Macdanta, isagoo u eegaya Qawaaniinta Caalamiga ah iyo Axdi-goboleedyada ku taxaluqa arrintaas, inkasta oo uu sharci-daro ku tilmaamay mashaariicda noocan ah ee Somaliland ka socda, maadaama aanay golleyaasha Xeer-dejintu ogolaan.

“Shirkad kastaa xaq ayay u leedahay in at meeshay doonto shidaal ka baadho, haddii iyadu diyaar u tahay in ay khatar qaadato…..tusaalle waxa inoogu fillan Kurdiyiinta qaybta Ciraaq, iwm. Xagga Somaliland gudaheeda waa sharci darro, maadaama aanu baarlamaankii Somaliland ansixin, laakiin internationally wax u diidaya shirkadaha iyo s/land heshiis batrool baadhisi ma jirto”. Ayuu sheegay Yuusuf

“Heshiisyaddii lagu galay Brussels sanadkii ina dhaafay , ee soo gunaanaday Heshiiskii qorshaha wada-tacaamil ee Soomaaliya iyo qaybta gaarka ah ee Somaliland (SSA), waxa Ku jirtay inaan Somaliland loola dhaqmin siddii qayb ka mid ah Federaalka Somaaliya, ee iyada si ugaara loola dhaqmo. Shuruucda Caalamiga ahi waxay qabtaan iminka wixii ka hor-imanaya Danaha reer Galbeedka, markaa wax weyn maaha….”ayuu hadalkiisa ku daray Khabiirkan oo Aqoon iyo waayo-aragnimo u leh Xidhiidhka Caalamiga ah.

COMMENTS
LINKS