Xisbiga Waddani Haloogu Dhaarto Inaan Qabiil Qaran lagu Qabsankarin…… By Gu led | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Waddani Haloogu Dhaarto Inaan Qabiil Qaran lagu Qabsankarin…… By Gu led
January 14, 2015 - Written by Editor:

xisbiga Waddani oo runtii U Xuubsiibtay hanaan qabiil ku dhisan dhankasta oo la eego haday tahay dhismaha guud ee xisbiga oo gabi ahaanba dad isku beel ahi maamulaan dalka gudihiisa waxaaba kasii daran dalka dibadiisa oo laankasta oo dalkasta ah oo dunida ka mida madax uu ka yahay ama qasnaji nin haybta Cirro ah.

g and c

Xisbiga Waddani waxaa maamul iyo masuuliyiinba iyo tageerayaalba ka ah ilaa hada beesha gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mr Cirro oo lagu yaqaano inuu yahay nin usoo ban baxay qabyaalad isla markaana Xisbigii Qaranku lahaa ku suntay qabiil oo aad moodo xisbi ay leedahay beeshiisu.

Waxaa markhaati madoona in Xisbiga Waddani dhamaan Shucuubta Somaliland Bari ilaa Galbeed ku Xasuusan doonan qabiil iyo qabyaalad sababna waxa kuugu filan markii uu gudoomiyaha oo wata Salaadiintii reerka uu kasoo jeedo ku dhawaaqay mudaharaad ka dhan ah in xilka gudoomiye nimo laga qaado uu ku dhawaaqay isla markaana laga soo bilaabo Ceerigaabo ilaa Burco inta beesha Cirro dagto oo kaliya laga mudaharaaday halkaasna lagaga dhadhansankaro sida xisbigii iyo qabiilku isugu milmeen umadda reer Somaliland na ula yaabantahay qaabka Waddani wax u wado Waxaan tvyada ka daawana habeen walba iyadoo xafiis cusub Waddani loofurayo isla markaan inta meesha soo fadhida ee xafiiska furaysa ay yihiin isku wada hayb ama galbeedka Burco.

Sidaan wada ognahay waxaan maanta ay wada aragna qaabka xukuumada Kulmiye ay dadkii qabiilka ugu dhaqayso iyo qabyaalada hadaba sidaan wada ognahay waqtigii uu oday Siilaanyo aha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waaguu mucaaridka ahaa Xisbiga Kulmiye waxaa mamnuuc ka ahayd ku dhaqanka qabyaalada waxaa masuuliyiinta Xisbigii Kulmiye ku yara dadka ay isku haybta yihiin Siilaanyo waxay balan qaadi jireen inay la dagaalami doonan qabyaalada lakiin taasi way beenawday waxaanay isu badashay qabiil iyo qaraabo kiis markay noqdeen Xukuumadii sida darteed. Kulmiye wuxu qabyaalada ku bilaabay kursiga madaxweynaha laakiin waxaaba kasii daran Kulmiye Cirro iyo Waddani oo bahashii kasii bilaabay iyagoo wali aan kursi helin oo mucaarida.

Waxa is waydiin leh Xisbiga isagoo mucaarida oo aan wali la dooran ka xishoon waayay qabyaalad iyo qabiil muxuu soo wada markuu kursiga qabsado su,aasha jawaabteeda waxaan uga tagay dad waynaha reer Somaliland inta aan caadifad qabiil ku jirin Xisbiga Waddani ee ku aamini waayay Qabiil kale inay ka dhigtaan gudoomiyaha laanta dalalka dibada bari sideebay cidkale xil ugu aamini doonan sow kursi walba iyagu qaadan maayaan bal arintaasna hoos haloo eego.. biyahaan horaantooda arko dabadood wa huube yaanu xaalku noqon ee intay goori goor tahay xisbiga qaranka ee waddani halaga badbaadiyo qabyaalada iyo qabiilka…. lasoco qaybta labaad..

 

 

 

Gu leed yare Hargeisa Somaliland

COMMENTS
LINKS