Xilwareejintii Qarniga Iyo Mubaarik Oo Mahadho Taariikh Reebtay Kaga Tagey SONYO ‘Qalinkii: A.A Ciidle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xilwareejintii Qarniga Iyo Mubaarik Oo Mahadho Taariikh Reebtay Kaga Tagey SONYO ‘Qalinkii: A.A Ciidle
January 28, 2015 - Written by Editor:

Waxay ahayd maalintii Axadii oo hotel Maansoor lagu qabtay xilwareejin uu hadheeyay muran bil socday oo ka dhashay mudadii xilhaynta masuuliyiinta dalladda dhalinyarada ee SONYO ,waana xil iyo caaddadii inlaysku qardoofo masuuliyad waliba ah tii dhalinyarada oo waa ina daanwayne in horta lagu murmaa laakiin ,tani wayka duwanayd daladaha soomaaliland oo waxay ahayd dalada qudha ee aanay saamayn muranada madhalayska ah ee ragaadiyay daladahii ladada ahaa siada ,laakiin dadaal badan oola sameeyay waxaalagu guulaystay in maalintaasi axadii maansoor xaflad ay ilyartu isqabatay oo aanay dhicin mid la nooca intii lala kala wareegayay dalada sonyo oo waxay saxaafada soomaaliland marag katahay inay ahayd xil wareejintii ugu saamaynta balaadhnayd sumcadaasina waxaa koobsaday masuuliyiintii hagaysay daladaasi oo kala ahaa gudoomiye mubaarig iyo agaasime surwaale oo ah labada masuul ee guusha kala caraabay madashaasi ,

Intaasi waa iga araar guud oo aankusifeeyay xafladii iyo qiimaheedii waxaase qalinka aan u holaday majara habaabin iyo ceebayn aykula dulkufeen ,saaxiibadii ookula dulkufay Waxaanay gayin gain waxaanan leeyahay sunaha shaqada ayay kamidtahay inla murmaa lays xiniin tuujiyaa lakiin saaxiibadadii saluugay qaabka ay xilka kuwareejiyeen masuuliyiinta sonyo wxaan usoo qaadanayaa waxay ahayd inaad naga muran yaraataan hadaanu nahay saxaafada soomaaliland oo idinka balaadhan ,idinkana badan oo boqolaal saxafi ay ka hawlgalaan waaxyaheeda madaxa banaan iyo kuweeda dawliga ahba ,oo aad uga balaadhan ee dawladu ay si toosa faraha ugula jirtay ciday doontana ayku wareejisay muran xoogan ookiina kabadan godob batay saxaafada waxba layskula hdhin ayaa ururkii saxaafada soomaaliland ee solja ka dhex qarxay murankaasi sanadbuu socday laakiin waxaanu kusoo afjaray heshiis sided qodob ah ah iyo In marxuun maxamad rashiid janadii kawaraabiyo maxamad cabdi curadna dhaawac xoogan oo uu ilaa iminka lajiifo kasoo gaadhay is ficishigii na dhexmaray maantana gacmaha laysku haystaa sidii burburku waxma taro e xal lo gaadhi lahaa madiidani in sonyo dawladu lugta ku walaaqday wasiiradeedii kala hadleen,goaamo is khilaafsan sookla saareen ,laakiin marhadiila gaadhay guntii iyo gabagabadii xaflada waxay ahayd inaad u timaadaan sidaanu u nimid maansoor xuuto iyo xertiisiina ugu wareejinay xilkii cuslaa ee ay umada u qaadeen Alana haku asturo haday daacad noqdaan haday noqon waayaana iyagay taariikhdu ka xumaanaysaa ,

 

Halkaana caqli celin aan saxaafada u mariyay saaxiibadayda wali saluugsan xilwareejintii ay xilka ku wareejiyeen masuuliyiinta sonyo kuwa cusubina kula wareegeen waxaan leeyahay isxakameeya ceebta iyo isjiijiidadku macno masameeyo majirin nin aniga aadan cabdi ciidle ahaan iga qayla badnaa marka loo eego murankii solja hadana waxaanku samray in hore loo socdo garabkaan hogaanka u ahaana ku samraan hour socod mana jiro xil aan siistay oo curad siistay oo muuse jaambiir ,kama helin ee waxaanu ka qaadanay gobanimo iyo inaan tacabkaa umada loo hayay burburin ,waxaan marlabaad cabdi casiis iyo saaxiibadii kula talin lahaa qaata inkastoo ay qadhaadahyd anaba waanu qaadanay oo dariiqa cabnaye,afartaana tala siin .

 

sonyo1Afar kalena waxay tahay ,sifo aan ka bixinayo masuulka xilka wareejiyay oo shalay iyo doraadba lala daba socday ceebayn iyo xagxagsho iyadoo dusha loo saarayo waxaanu run ahaantii galabsan mubaarig ismaaciil taani ayaan rabaa inaan bulshada waxaa run moodaysa u cadeeyo waakuma mubaarig ismaaciil taani .?

 

Mubaarig ismaaciil taani waxaa dhalay oo uu kasoo jeedaa mujaahid colonel ismaaciil cabdi taani oo ahaa korneeladii ka dhiidhiyay xasuuqii iyo bahdilaadii lagu hayay umadan aankasoo wada jeedno ee Reer soomaaliland kornel ISmaaciil Cabdi Taani isaga oo dayar oo darajadiisana quruxda aad yaabto isla mar ahaantaana uu yahay full colonel ayuu taa ina naxar kabaxay ,waxaanu ahaa saraakiishii saqda dhexe hargaysa oo moorgan kor uga kaadsho labadii iyo badhkii habeenimo calaa madaxa usoo galay kuma amaanayo garsho qudha e waxaan uga jeedaa qiimee qofkaaga wanaagsan si aad qiimo u yeelato ,kornel ismaaciil cabdi taani maaha mujaahid aan qoraalkan ku amaanayo e waa mujaahid sagaal dhaawac qaba isla mar ahaantaana kugula nool magaalada hargaysa ,

 

Mujaahid ismaaciil cabdi taani waxaa kasoo gaadhay inaynu hargaysa xor ugu noolaano isku dhex xukuno isku qabqasano ayuu waqtigiisii ku bixiyay waanu arki karaa halka uu ku nool yahay ,kornelka oo kasoo jeeda gobolka gabilay waxaa uu ka hadhay korneelo u shahiiday umadani maalin dhawayd oo aan kornel ismaaciil cabdi taani kula kulmay wasaarada arimaha gudaha ayaan waydiiyay ma wadankii aad sidaa ugu halgantay ayaad adigoo bilaa camala dhex socotaa rag aan habeen u qadina ka dhex sheegtaan mujaahidiin ,kornel ismaaciil cabdi taani waxaa uu iigu jawaabay jawaab runtii ilmo iga keentay waxaanu iiigu jawaabay umaanu dagaalamayn inaanu wasiiro wada noqono Ee waxaanu u dagaalamay inaanu inan yar oo dawlad sheeganayaa idinku dhex dhirbaaxin tiina waanu ku guulaysanaye idinka iyo nasiibkiin hadii marlabaad laydinku dhex dhirbaaxo ,

 

Waa nin taariikh badan oo halgankii ah usoo joogay muddo badan baan anigoo waraysiyo ka doonaya kornelka ku kulanay magaalada haragaysa si aan wax uga waydiiyo waxii uu usoo joogay laakiin ismaaciil wuu ka gaabsaday saxaafada ,waxaanu ii sheegay inuu ku qoranyahay saldhiga ciidanka cirka ee haragaysa isla mar ahaantaana aanay shaqayn ciidamadii cirku laakiin maruunla arki doono haragaysa oo ay ka dul kacayaan miigag ay soomaaliland leedahay waxaanu intaa iigu daray inuu wado taariikhdii SNM, markaan dhameeyana buug kusoo saari doono ,ana waan ku qancay horta mubaarig aabihii suaal kalaan waydiiyay caruurtu waa imisa waxaanu iigu jawaabay waa mubaarig iyo laba hablood ,markaasaan idhi oo waaba sadex uun markaasuu intuu qoslay igu yidhi oo maadla yaabatay intaanu tafiirmi lahayn sawtaanu idinka cadawga idinka xoraynanay,waa jawaab sadexaad oo madaxa I qarxisay waana run oo hadaan ragaasi inoo halgamin ,Cabdicasiis Iyo Mubaarig iyo Aniga iyo Xuuto iskumaynaan haysaneen solja iyo sonyo Ee sida ugaadha ayaa layna tafiirjari lahaa ,horta cida uu mubaarig maanta lamid yahay waa ,ina dayib guray,ina maxamad cali,ina gacma dheere,ina lixle, ina xasan yoonis,inacabdi raxmaan awcali,ina axmad dhagax.ina ibraahin koodbuure,ina ina ina ,oo ah dhashii mujaahidiinta shahiiday iyo inta noolba .

 

Sidaasoo kale gaasimaha sonyo iyo cabdi casiis,iyo inta lamidka ahayd midna gidaar lagama qaadine waxaa wada dhalay halgamayaasheenii ,

 

Waxaana inagu waajib ah inaynu raacno jidkoodii oo aynu isku ixtiraano ,cadhada badana layska daayo ninbaa ku gabayay waxba yaanu xoolana isiin xeerkayna I marine xaajo e nin libin kaa xistiyay xumahii waa yaab ,mubaarig iyo surwaale waxay xilka la wareegeen sonyo oo aan maraykanka gaadhin waynu ogayn agaasimaha guud ee sonyo inta shir heer caalami ah ee kaga qayb galay sonyo soomaliland

Waxayla wareegeen sonyo oo gasha guri kira ah maantana waxay wareejiyeen sonyo oo leh xarun ka qurux badan wasaarada ay hoostagaan taasina waa magac nasiib iyo karti ilaahay ku simay gudoomiyaha iyo agaasimaha iyo dhamaan intii hawsha la waday xaasha xasidku ma fiicna waxaan saxaafada ku arkayay garabka cabdi casiis oo saxaafada ka le mubaarigbaa tuuga waanu xisaabin doonaa ,alaylahe hadii runlaga hadlayo meesha waxlagu cunay lafaa loogu tagi lahaaye mubaarig iyo isirka uukasoo jeedaa cunada waxay ka jecel yihiin waxqabadka ,waxaan xasuustay xilwareejintii boobe oo uu laptopkii wasaarada iyo mobilkii iyo simcardkii ku wareejiyay wasiirkii xilka kala wareegay ee abiib tima cad,ilaahay beeni waaka xaaraane mubaarig waxaa uu wareejiyay mobilki simcardkii hard disk gii e labaduba waxay kasoo wada jeedaan gobolka gabilay ee halkay soomaliland ka dhacdaa xilwareejinkasta waataanu soo joognaye,

 

Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay garabka Cabdi casiis natiijada waala qaataa sikastaba ha u qadhaadhaatee inan dhalinyaraad tahay ,qaado iyadoo qadhaadh ayaanu qaadanay Xuuto oo Cakuse wado ee waxaan idin leeyahay idinkuna qaataa Siyaad oo kasoo jeeda gobolka Awdal oo xaq inoo gule xaquuuqda dalka hogaanka cusubna waxaanu leenahay yeela sidii SOLJA oo sameeya dib u heshiisiin garabkana wax u ogolaada awood qaybsina sameeya iyo isa saamaxaad,Mubaarig iyo hogaankii la socdayna waxaan leeyahay ma gaydaan in tuug laydin ku tilmaamo ee waxaad gaydaan in laydin siiyo bilad dahaba inta Mubaarig kalidii u haysatana waxaan leeyahay Mubaarig waxuu kasoo jeedaa qoys mujaahidiintii ahalu badarka ahaaye hareerahiina eega,dhammaan ururada dalladdaha Soomaaliland na waxaan kula talinyaa waxba kuuma qabanayo siyaasiga xaga dambe idinka riixayaa ee waxaa uu fasaqayaa uun ,magaciina iyo sharaftiina.

 

waxaanan xaal iyo cudur daar kabixinayaa cidkasta oo xanaf u aragta qoraalkayagan oo kasoo maaxday maskaxdayda daciifka ah ee dambaab iyo khaladaadba gali karta ilayn qofbaan ahaye.

 

Wa bilaahi tawfiiq

 

QALINKII A,A,CIIDLE HARGAYSA SOOMAALILAND

COMMENTS
LINKS