Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Somaliland Oo Tuuganimo Ku Tilmaamay Sifadii Maxkamadda Gobolku Xayiraada Uga Qaaday Wargeyska HUBAAL + Garsoorihii Xukunka Riday Oo Shaqada laga Eryay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Somaliland Oo Tuuganimo Ku Tilmaamay Sifadii Maxkamadda Gobolku Xayiraada Uga Qaaday Wargeyska HUBAAL + Garsoorihii Xukunka Riday Oo Shaqada laga Eryay
January 13, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) – Xasan Axmed Aadan, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Maxakamadda Gobolka Hargeysa xayiraadii saarneyd kaga qaaday Wargeyska Hubaal islamarkaana ku Ooday ama ku baabi’isay Dacwadii loo haystay wargeyska Hubaal.

Xeer ilaaliye Xasan Axmed Waxa uu ku dooday inaanay Ogayn Qaraarkaasi Xeer ilaalintu islamarkaana ay wali taagan tahay Dacwadda loo haysto Wargeyska Hubaal. “Hubaal waxa soo Eedeeyey Booliska,Maxkamadda ayuu in Badan ku jiray, Dacwadan Markii hore waxa gacanta ku Haysay Maxkamada Gobolka,Xafiiska Xeer ilaalintana Nin Xeer ilaaliye Ah ayaa Dacwadan oogayay,Marka La doonayo in dacwadda La oogo Dhinacyada Boolisku way isa soo diyaariyaan Xeer ilaalintana waa loo yeedhaa,Markaas Xeer ilaalintu Goob joog kamay Ahayn Meeshaas Hubaal Lagu Siidaayay.” Ayuu yidhi Xeer Ilaaliye Xasan.

Mudane Xasan Aadan waxa uu layaab ka muujiyay Qaraarka Maxakamaddu ku fasaxday Wargeyska Hubaal “Arrintan Xayiraadda lagaga qaaday wargaysku waa wax lala Yaabo, oo is waydiin Mudan waana arrin Tuugo Ah,Garsooruhuna waxa ay ahayd Inuu Dacwadda Qaado iyada oo loo dhan yahay,Ka dibna Go’aanka Sheego Hadii uu siidayay iyo hadii kaleba ileen isaga ayaa u madax Banaane,Anagu Anbiil waanu ka qaadan karnaa hadaanu saluugno Sida wax loo xukumay,Laakiin Go’aan qayb ah Ayay soo saartay Maxkamadda Dagmaddu.”

Go’aanka soo baxay Maxakamadda Gobolka Hargeysa, ayaa Lagu fasaxay Wargeyska Hubaal oo muddo saddex iyo toban bilood ah xayirnaa, waxaana go’aankaasi lagu sheegay in Wargeyska dacwadiisa la tirtiray, waxaanu wargeysku Isniintii ka soo baxay Hargeysa, hase ahatee Go’aan isla Isniintii ka soo baxay Maxakamadda Rafcaanka ee Gobolka Hargeysa ayaa lagu sheegay in Wargeysku xayiran yahay walina dacwadiisu taagan tahay.

dhinaca kale Waxa maanta gebi ahaanba shaqadii laga eryay garsoorihii maxkamada gobolka maroodi-jeex Xuseen Cabdi Balal oo soo saaray amarka xayiraad ka qaadista wargeyska Hubaal maalintii Axada ee ina dhaaftay.

Masuuliyiinta Wargeyska ayaa aaminsan in Kiiskooda uu ku fadhiyo Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal oo u adeegsanaya Awooda xilka uu hayo. Maxakamadda Wargeyska fasaxdayna waxay cuskatay inaanay jirin cid dacwadaasi wada oo dhibane ah,

COMMENTS
LINKS