Xasaasiyada Dareemayaasha 3aad.Qalinkii Sh, Jaabir Herbalist | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xasaasiyada Dareemayaasha 3aad.Qalinkii Sh, Jaabir Herbalist
January 21, 2015 - Written by Editor:

Qormadan sadexaad oo aan rabo inay gabogabo u noqoto taxanehii aan kagasoo hadlaynay ee caafimaadka iyo daryeelka xubnaha dareenka ee ay kamidka yihiin indhaha,dhagaha,sanka,dhadhanka,dareenka guud ee jidhka,iyo dareenka lixdaad oo la isku khilaafo had iyo jeer jiritaankiisa balse ah xaqiiqda koobaad ee hogaamisa dareemayaasha kale waana qalbiga binu aadamka.

Qormadeenan caafimaad ee maanta waxaan xusaynaa sida uu dhadhanku u shaqeeyo,waxaana taasi ay maanta muhiim u tahay mooganaanta cilmi ee ka jirta aqoonta balaadhan ee uu u baahan yahay dareenka dhadhanku.

Allaah subxaanuhu waxaa uu inagu manaystay dhamaan inuu inoo dhamays tiro wixii jidhkeenu u baahan yahay ee raaxo iyo nolol fiican ah si ay habsami ugu shaqeeyaan israaca iyo wada xidhiidhka guud ee xunbnaha jidhku.

Saldhiga ugu wayn ee sameeya dareenka dhadhanku waa carrabka,waxaana dhaqaatiirtu xusaan in uu leeyahay sadex qaybood oo waawayn kaasi oo qayba ku dareema qayb, waxana la ogyahay in carrabku kala saaro sadaxda walxood ee ugu waawayn jiritaanka nooc ee shayada,sida macaanka,dhanaanka,iyo qadhaadhka, kuwaasi oo ay soo raacaan inta nooc ee kale ee kasii farcanta.

Aad iyo aad ayay u badanaysaa hadii aynu ka hadalno kuwan waxaana aan ka guuraynaa tubta mawduucan ee aan haynay waxaana aan kusoo gaabinaynaa kaliya kahadalka dareenka dhadhan wixii inaga khuseeya.

Kan ugu cimri dheeraada xubnaha dareenka had iyo jeerna ay adagtahay sida uu wax ku noqodo ama cudur ugu dhacaa waa kan dhadhanka balse waxaa jira aafooyin aad u tiro badan oo haleela xubnaha muhiimka ah ee aadka u fara badan ee uu ka koobanyahay dareen sameeyaha dhadhanku sida xubnaha ka yimaada maskaxda ee qanjidho,xidido,iyo walxo kale oo dareere ah oo ay soo daayaan leh,waxaa la ogyahay si cilmi ah in dareeenka dhadhanku uu leeyahay magnad aad u masaafo dheer iyo xidhiidh wayn oo uu la leeyahay nafta hoose ee qofka waxaanu u kala heer sarayn karaa ama u kala waynaan karaa kolba qofkastaa sida uu u qalabaysan yahay xaga abuurka jidhka iyo nafta.

Mayaanad arag shay kaa fog oo aad u dhareerisay kadib markii uu kusoo jiitay? Haa waa la arkaa in uu jiro wax naftaadu ka heshay oo sameeyay dareen soo jidasho leh oo ay ku shaqeeyeen xubno ay kamid yihiim kuwa dhadhanku.

Xidhiidhka wayn ee ka dhexeeya xubnaha dareemayaasha waxaa la sheegaa in ay ilaa hada ka casrisan tahay shay kasta oo waqtigan la hore maray ay sameeyeen binu aadamku waxaana sirtu ay tahay wada shaqaynta guurguurta ee mar kaliya kawada dhaxaysa shayo badan iyadoo aanay jirin amar bixin iyo dhaqaajin kaga timiday meel kale sida ku shaqaynta gacanta ee loo yaqaan luqada qalaad {manuwel}.

Arigta iyo dareenka dhadhanka waxaa ka dhexeeya xidhiidh wayn oo wada shaqayneed sida uu uga dhexeeyo xidhiidhkaasoo kale maqalka iyo dareenka dhadhanka, waxaana hadii lagaaga sheekeeyo cunto uu qof bari cunay ama uu arkay aad dareemi kartaa sawirashadaas maqal dareen dhadhan oo ku hamuum galiya waxaana laga yaabaa in qanjidhadaadu soo daayaan dheecaamo ku tiixa carabkaaga, marka aad liqdona kugu dhalin kara dareen kale oo gaajo.

Qanjo xanuunka ayaa ah cudurka ugu wayn ee guba isla markaana halis ku keena saldhigyada dareen ee dhadhanka waxaana aad arkaysaa iyadoo aafooyinka caanka ah ee ilaa hada dhaqaatiirtu ogtahay ay kamid tahay amateed xumada iyo qofka oo cuntada xiisoba u qaban waydo isagoo xataa gaajoonaya, kidib markii qanjo xanuunku uu keenay jeermis iyo bagteeriyo aad uga xoog wayn tan sida abuuriga ah u degenayd meesha.

Iska dawaynta habboon ee qanjo xanuunka ayaa kamid ah waxayaabaha uu qofku kusoo ceshan karo dareenkiisii dhadhan ee caadiga ahaa waxaana la arkaa iyadoo qofku uu waxii intaas kadenbeeya si raaxo leh u cunayo cuntada.

Miyaanad arag iyadoo qofku cunto intuu cantuugay afka ku hayo oo uu liqi kari laayahay lagana yaabo inuu tufo ama hadii uu liqo matago? Haa way dhacdaa taasna waxaa sabab looga dhigaa xubnihii dareenka amateed ee dhareerada haboon soo daynayey oo haatan buka ama ciladi ku dhacday.

Sigaarku waxa uu kamid yahay waxyaabaha halista galiya dareenka dhadhanka islamarkaana guba xubnaha muhiimka ah ee ku yaala carrabka,taasna waxaa dareemi kara qofka sigaarka caba, waxaana sidoo kale lamid ah cunitaanka qaadka oo isna waxyeela dareenka guud ee dhadhanka carabka waana sababta uu amateedka cuntada uyareeyo ama u xidho.

Cuntooyinka qaar oo ay waliba ugu caansan yahiin kuwa dibada wadanka lagasoo dhoofsho ayaa iyaguna halisteeda u leh dareenka dhadhanka,waxaana ugu badan kuwaas waxyaabaha ay caruurtu xiiseeyaan, waxaana fiican in aad loo akhriyo waxyaabaha ay ka kooban yihiin ee ku qoran, marka ay ugu sii daran yihiina waa marka uu waqtigoodu dhaco ee ay xumaadaan.

Xiisaha iyo xaraarada oo lagusoo daro dhadhanku waa umuuro iyagu ku xidhan qalbiga oo aan laga gayoonayn kahadlkooda, waxaase lagusoo daraa inay hoos yimaadaan dareenka dhadhanka, hadiise aan wax ka xusno waxaa qaybtan ugu caansan dareemayaasha humaaga iyo ku shaqeeya magnadka waxaana kuwan ku jira waxyaabo aan si guud loo qori Karin baahintooduna aanay fiicnayn, maadaama ay xidhiidh wayn la leeyihiin xaalado nafsaani u badan.

Cilmigan oo intii loo baahdo ee daruuriga ah laga xusi karo aynu halkan uu mawduucu inoo marayo tusaale iyo isku xidh uga samaynee waxaan odhan karaa dareenka hoose ee qof kastaa waxa uu u kala duwanaan karaa sida aanu qofna qofka kale ugu eekayn muuqaalka sare ee oogada jidhka.

Kala duwanaanshaha dhaqan ama dabeecadeed ee binu aadamka ayuu ka dhashaa dhaqdhaqaaqiisu 89% waxaana jira qof walba wax fadhiisiiyay iyo wax kiciyay,sidaas darteed ayaad arkaysaa in xiisaha uu qofku u hayo wax la cuno ama wax la yeesho ay tahay wax kasoo fula dareen raali ahaansho oo hoose isla markaana ay fuliyaan xubno jidha ku yaala oo uu kamid noqon karo markaaba dareenka dhadhanka, sidaas darteed ayay xaaladaas oo kale dhacdaa wax loo yaqaano cawri marka ay doonista wax qof kale haystaa kula qurux badnaadaan, waxaana taas ku kala duwan dadka oo waxaad arkaysaa qof aan wixiisa iska bismilaysan ee waxa qof kale haysto uun loo qurxiyay.

Khattarta wayn ee ka dhalata isha ama cawrida waxaa had iyo jeer si dadban oo aan cilmi inagu filan loo lahayn u fuliya dareemayaal ay kamid tahay isha iyo carabka iyo dhagta taasi oo dhamaan saldhig fulineed uu u yahay qalbigu.

Runtii kama gayoonayno mawduucan isaga ahe waxaan si kooban usoo jeedinayaa talooyin ay kamid tahay, waa inaad iska asturato wixii cuntooyin ah ee aanad dadka wada fadalsiinayn ama aanad wax kasiinayn si aanay kuu raacin falaadho qarsooni, ka ilaali inay caruurtaadu dibada wax ku cunto si aan habboonayn, iska jir inaad la dhex fadhiisato wax xaraaro iyo dareen macaansi ku dhalin kara cida aad dhex fadhido hadii kale waa inaad taqaan qaabka looga baxo oo aad digri akhrido ama maansha allaah aad ka yeedhsiiso ama qayb aad bixiso dhamaan waxaas oo dhami waxay hoos yimaadaan dhaqanka guud ee qofka iyo tababarkiisa sida uu dabaqo nolosha, waxaan kusoo koobayaa dhamaan waa muhiim dareemayaashu nooc kasta oo ay ahaadaan waxaana fiican in si fiican loo daryeelo oo caafimaadkooda loo ilaaliyo isla markaana la joogteeyo ka hortaga wixii aafooyin ah ee ku iman kara inta aan la waayin jiritaankooda ama aanay ciladi kaa galin la maarayn kari waayaa.

Gabagabo ……

Sh.jabir herbalist..

COMMENTS
LINKS