Wiil uu dhalay hoggaamiyaha isbahaysiga Mucaaradka Kenya oo geeriyooday’ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wiil uu dhalay hoggaamiyaha isbahaysiga Mucaaradka Kenya oo geeriyooday’
January 4, 2015 - Written by Editor:

KENYA(Wajaalenews)— Wiil uu dhalay ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga oo hadda ah hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka dalka Kenya ee CORD ayaa xalay ku dhintay xaafada Karen oo uu ka daganaa magaalada Nairobi.

Fidel Odinga oo ahaa Curadkii carruurta uu dhalatay Raila Odinga, ayaa meydkiisa laga helay guri uu ka daganaa magaalada Nairobi, ayadoo ilo ku dhow qoyskiisana ay sheegeen in saaka aroortiii Meydkiisa laga helay sariirtii uu xalay ku seexday.

WIILKA UU DHALAY ODHINGA

Ciidamada Bilayska, ayaa wali baarayo dhimashadiisa xili dadka qaar ay muujinayaan iney dhici karto in la sumeyay, waxaana sidoo kale la filayaa in baaritaano lagu sameyn doono Meydka Fidel si loo cadeeyo dhimashadiisa.

Dhanka kale Madaxweynaha Kenya- Uhuru Kenyatta, ayaa wax yar ka hor fariin tacsi ah u diray Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Odinga iyo qoyskiisa, isagoona oga tacsiyeeyay geerida wiilkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dareen qoto dheer oo khasaare, murugo iyo naxdin uu dareemay markii uu maqlay dhimashada wiilka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, isagoona intaas ku daray. Fidel in uu ahaa nin dhallinyaro ah oo lahaa yididiilo fiican, isla markaasna kaalin ka qaatay dhismaha Kenya wuxuuna sheegay in dadka kenyanka ah oo dhan ay tabi doonaan.

Waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida wiilkii uu dhalay Raila Odinga hogaamiyayaal kale oo Kenyan ah kuwaasoo oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenkii hore ee kenya Kalonzo Musyoka, Gudoomiyaha ururka ODM John Mbadi, Hogaamiyaha ururka UDF Musalia Mudavadi iyo madax kale oo caan ka ah wadankaan kenya.

Fidal Odinga oo xalay geeriyooday ayaa warbaahinta kenya qaarkood waxey saaka qoreen in xiligii ugu dambeysay uu saaxiibadiisa kula sugnaa hotelka Sankara ee ku yaallo xaafada Westlands ee magaalada Nairobi isla markaasna ay cabitaano wada qaateen.

Tom Alila oo ka mid ahaa saaxiibadii uu cabitaanka kula qaatay hotelka Sankara, ayaa sheegay in Fidel uu ka cabanaayay calool xanuun, waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in Fidel uu xalay tagay gurigiisa abaaroo 1-dii habeenimo isla markaasna ay guriga ku sugneyd xaaskiisa.

Fidel ayaa wuxuu ahaa wiilka ugu weyn caruurta uu dhalay Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya, wuxuuna sidoo kale ahaa rajada ugu weyn ee uu lahaa Raila Odinga oo aheyd inuu kala wareegi doono xilalka uu hayo isla markaasna qaban doono jagada ugu sareyso wadankaan Kenya, iyadoona dadka indho indheeyo arrimaha siyaasada Kenya-na ay sheegeen in Raila Odinga uu horay ugu tababaray Fidel qaabkii maamulka u wadi lahaa.

 

COMMENTS
LINKS