|
|||||
WAJAALE NEWS
Weerarro Dad Badani ku Dhinteen Oo Maanta Lagu Qaaday Xarun Wargeys Ku Taalla Magaalada Paris.
January 7, 2015 - Written by Editor:Paris:(Wajaalenews)-Weerar kooxo hubaysani ku qaadeen Xarun wargeys oo ku taalla Gudaha magaalada Paris, ayaa waxa ku dhintay 12 qof oo iskugu jira Shaqaale iyo Boolis subaxii hore ee saaka. Wargeyska maanta la weeraray oo magaciisa la yidhaahdo Charlie Hebdos, waxana uu kamid ahaa wargeysyada baahiya wararka islaamka ka dhanka ah. Madaxweynaha Faransiiska , François Hollande ayaa xaqiijiyey in 11 qof ay ku dhimatey weerarka isla markaana dhaawac halis ah yihiin afar qof oo kale, Xukuumadda ayuu ugu yeedhay shir deg-deg ah, waxaana uu sheegey in aanu kaba shakisneyn in weerarkani yahay mid argagixiso. Dhawr qof oo wejiga soo duubtey isla markaana ku hubeysnaa hubka darandooriga u dhaca ee Kalashnikovs , ayaa gudaha u galay xarunta tifaftirka Wargeyska waxaana ay bilaabeen in ay xabado badan ridaan, kadibna isla markiiba meesha ayey ka baxsadeen. Booliska ayaa ku tilmaamey nimankan in ay ahaayeen saddex nin oo u tababaran sida Kumaandooska, ilaa haddana lama qaban. Wargeyska Charlie Hebdo ayaa marar badan faafiyey Sawirada Kartoonka loo yaqaan oo ay wax uga sheegayaan nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariis kor-kiisa ha ahaatee. Wargeyska ayaa maanta daabacey muuqaal kartoon ah oo ay wax uga sheegayaan hoggaamiyaha ururka ISIS Abubakar al-Baqdaadi, Sawirka ayaa u ekaa markii uu khudbadda ka jeedinaayey al-Baqdaadi masjid ku yaala Masoul dalka Ciraaq, waxaana ku qornaa qoraal Faransiis ah kaas oo tarjumaadiisu noqoneyso, wanaag u rajeyn, dhanka dariiqa caafimaadka, al-Baqdaadi COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|