“Waxaan Leeyahay Intii Codka Na Siisay Waad Mahadsan Tihiin, Intii Naga Cararteyna Waanu U Baryo Tageynaa..”Xildhibaan Indho-Indho Oo Ka Hadlay Khilaafka Sonyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Leeyahay Intii Codka Na Siisay Waad Mahadsan Tihiin, Intii Naga Cararteyna Waanu U Baryo Tageynaa..”Xildhibaan Indho-Indho Oo Ka Hadlay Khilaafka Sonyo
January 3, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews);- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan ururrada ay ka kooban tahay dallada SONYO.

Dalladda SONYO oo toddobaadkii hore qabsatay shirweynihii toddobaad ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf xoog leh, kaasi oo sababay in meelo kala gaar ah lagu kala doorto laba Guddoomiye oo mid walba dhankiisa u sheeganayo inuu yahay ka sharciga ah. labada Guddoomiye ee xubnaha ururrada SONYO doorteen ayaa midkood ka soo jeedaa gobolka AWDAL, waxaana ku xigeen looga dhigay xubin ka soo jeeda gobolka Sool. Halka Guddoomiyaha kale uu ka soo jeedo Hargeysa.

Xildhibaan Indho-indho oo Xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Somalilandtoday, ayaa ku taliyey in khilaafkaasi ka dhameeyo isla-markaana lala shaqeeyo Guddoomiyaha SONYO ee ka soo jeeda Awdal iyo ku xigeenkiisa.

Xildhibaanku wuxuu dadweynaha ugu baaqey inaan arrinka la qabyaaladeynin “Dadweynaha waxaan leeyahay SONYO haka dhigina Qabiil oo ka daaya Saxaafadda aad wararka Qabiileysan Marinaysaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu u mahad celiyey cod-bixiyayaasha guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa u doortay xubnaha ka soo jeeda AWDAL iyo SOOL “Haddii Sool iyo AWDAL la doortay, waxaan leeyahay intii codka na siisay waad mahadsan tihiin, intii naga cararteyna waanu u baryo tageynaa, waayo xafiis qalalan maamuli mayno. Sidaa daraadeed waxaanu leenahay waa in khilaafka la dhameeyo”

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho, waxa uu farriin u diray hoggaanka SONYO ee ka soo jeedo AWDAL iyo Sool “Kuwa la doortay waxaan leeyahay ilaaliya sharciga SONYO oo yaanay burburin, waa in aad raggii kale meesha ku soo celisaan oo aad meel bad-qabto xukuntaan”ayuu yidhi xildhibaanku.

 

 

COMMENTS
LINKS