Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Dalka ku soo Laabtay, kana Warbixiyey Safarkiisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Dalka ku soo Laabtay, kana Warbixiyey Safarkiisa.
January 1, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa Maanta ka soo Laabtay Safar uu ugu maqnaa Qaar ka mid ah Dalalka Yurub, isaga oo tilmaamay in uu kulamo kala duwan la yeeshay Jaaliyada Reer Somaliland ee ku sugan dalalkaasi.

Wasiirka ayaa Galabta Ka soo Dagay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Hargaysa,waxaana Ku Soo Dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka warfaafinta, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamud Cabdi Jaamc (Xuuto) Mareeyaha Tvga Qaranka,Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo qaybo ka Mid Ah Saxaafada.

Wasiir Cukuse Oo Saxaafada Kula Hadlay Qolka VIP Ayaa sheegay in Dhamaan Jaaliyadihii uu la Kulmay ugu Waramay Horu 3 2 7 3marka Buuxa ee ay somaliland ku Talaabsatay inta uu xilka Hayay Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

waxa uu sheegay in Jaaliyadaha uu soo Maray Ay dhamaan Kala Hadleen Sidii Warbaahinta loogu Joojin Lahaa dadka ku hadlaya Afka Qabiilka isaga oo sheegayna in Maanta Laga Bilaabo Aanay Warbaahinta Dawlada ka bixi Doonin Nin Adeegsanaya Af Qabiil.

Wasiirku Waxa kale oo uu hambalayo u diray Hogaanka Cusub ee SOLJA ee dhawaan la doortay isaga oo tilamamay loo bahan yahay in la wadda shaqeeyo.

Wasiirku waxa uu ka hadlayaa Safarkiisa iyo Ujeeda uu Daarnaa waxaana uu yidhi.“Markii Aan Halkan Ka Tagay Waad Ogtihiin oo Safarkaygu waxa uu ahaa Safar Shaqsi Ah,Lakiin Intii Aan ku Maqnaa Dibada waxaan Soo Maray Wadamo Dhawr Ah,waxaan Lasoo Kulmay Jaaliyada somaliland Ee Dalka Jarmalka Swedan Iyo Francis waxaanan Leeyahay Waad Mahad Santihii Dhamaantiin,Waxaanna uga Waramay Horumarka Balaadhan ee uu dalka somaliland ku Talaabsaday.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in Jaaliyadaha Uu la kulmay in Ay Ka cabanayeen Reeraha Warbaahinta isku Adeegsanaya iyaga oo ku hadlaya Magaca Qabiilka waxaana uu yidhi.“Jaaliyadaha Aan dhamaan ku soo maray Yurubta Galbeed waa Dad isku Duuban Somaliland Jecel Necebna Dhawaaqa Qabyaalada,Marka ay Kali Yihiin Marka Aanu Meel Wada Fadhino Waxa ugu Wayn ee ay ka Xanuunsadaan waa Erayga Qabyaalada ee Ay ka Maqlaan Warbaahinta Kala Duwan,waxaana ay Nagu Dardareen in Qabyaalada la joojiyo Ka dawlada Ahaan.

 

Waxa uu sheegay wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse In Warbaahinta Dawlada Laga Joojiyay in ay Soo duubaan Warar ka Hadlaya Qabyaalada Xaday tahay sida uu sheegay Mid Xaga Dawlada Lagu Tageerayo iyo Mid Xaga Kaleba waxaana uu yidhi.“Maanta oo Aanu joogno Dalka Saxaafada dawladu Ma Xanbaari Doonto Wararka Qabyaalada Ka hadlaya,waxaanan Shacabka u Balan Qaadayaa Am Hatageeraane Dawlada Am Haka Soo Horjeestaane inaan Warbaahinta Dawlada Laga Siidayn Karin.

 

Dhinaca kale waxa uu sheegay in Horumarka ay Bulshada somaliland iska Kaashatay ee Dhinaca wanaag Ah Ay jaaliyadaha Dagan Wadanka Dibadiisu ku soo Amaneen Kaalinta muuqata ee ay Bulshadu Dalka Kaga Jirto.

Gaba-gabadii Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse   Tacsi Ah u diray Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka Baxay Xog-hayahii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid Maxamuud Faarax oo Todobaadka Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada hargaysa.

COMMENTS
LINKS