Wasiirka Warfaafinta mr Cukuse, Oo Sifo Sharci Daro ah Xabsiga Ugu Taxaabay Guddoomiyaha jaaliyadda Isweden Sakariye Aadan Wacays . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta mr Cukuse, Oo Sifo Sharci Daro ah Xabsiga Ugu Taxaabay Guddoomiyaha jaaliyadda Isweden Sakariye Aadan Wacays .
January 6, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa maanta xidhay Guddoomiyaha jaaliyadda Iswiidhan (Sweden) Sakariye Xasan Caways, kadib markii uu ka soo degay Garoonka diyaaraha ee Egal International Airpot, iyadoo ay xilligaas Madaarka ku sugnaayeen Agaasimaha guud ee Warfaafinta Maxamed Cilmi iyo Mareeyaha Televishanka qaranka Khadar Cali Gaas.

 

Wararka kala duwan oo nu ka helnay ilo-wareedyo kala duwan oo qaarkood ku sugnaayeen Maddaarka Caasimadda Hargaysa markii dhacdadaasi ka socotay Garoonka, waxaanay sheegeen in markii Xubnaha waftiga uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Jaaliyadda Iswiidhan Mr Sakariye oo lagu soo dhaweeyey qolka nasashada ee Maddaarka Hargaysa, ayaa waxa

soo galay Wasiirka Warfaafinta Cukuse oo ka tuuraaya, waxaana la sheegay inuu markiiba amar ku bixiyey in la xidho Guddoomiyaha jaaliyada Iswiidhan, hase yeeshee arrintaasi waxa is hortaagay oo ka biyo diiday Agaasimaha guud isla Warfaafinta Maxamed Cilmi iyo Mareeyaha Telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas.

Warku waxa uu intaas ku daray in Wasiirka Warfaafinta iyo Agaasimihiisa guud isku khilaafeen amarka uu Mr Cukuse doonaayey inuu ku xidho Guddoomiyaha jaaliyada Iswiidhan, hase yeeshee hadallo taag-taagan iyo dood si kulul la isku waydaarsaday, dabadeed waxa uu Wasiir Cukuse ku guulaystay inuu Xabsiga dhigo Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Somaliland ee Iswiidhan Mr Sakariye Xasan Caways, waxaana la sheegay in Wasiirka iyo Guddoomiyuhu uu khilaafkoodu ka dhashay safar uu Wasiirka Warfaafintu uu dhawaan ku tagay Caasimadda Iswiidhan ee Stockholm, kadib markii uu Wasiirka u sakhiray, isla markaana uu u sheegay inuu u diyaariyey fiisihii dal soo galka ahaa, balse Wasiir Cukuse ayaa markii uu soo gaadhay Iswiidhan ayaa wakhti aan sidaa u badnayn la xidhay, hase ahaatee jaaliyada reer Somaliland ee dalka Swiidhan ayaa dedaal badan oo ay sameeyeen ku soo furdaamiyey arrintaasi, taasoo keentay in Wasiir Cukusena uu ka cadhooday, balse waxa uu la sugaayey meel uu talaabo kaga qaadi karo

 

Sikastaba ha ahaaateen Wasiirka warfaafinta cukuse ayaa caadaystay in uu awoodii qaranka u adeegsato sifo shaqsiya islamarkaa xukumada usoojiido faxdeexado badan oo qaranka waxyeelo ku ah hadaba xadhiga gudoomiyaha jaaliyada sweden SAKARIYE AADAN WACAYS OO AH SHAKHSI DOORWAYN KAQAATAY HORUMARINTA  SOMALIAND  Iyo sidii ay beesha caalamka uga helilahayd aqoonsi

Shacabka somaliland ayaa waxay u dhagtaayaan talaabadaba uu  madaxwayne siilaanyo ka qaado wasiirkiisa xadhkaha goostay kuna sifoobay wasiir marwalba xukuumadiisa usoo hooya arimo dawladnimada ceebku ah.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS