Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Hadlay Hadalo Ka Soo Yeedhay Soomaaliya Iyo War ka soo Baxay shirkii IGAD. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Hadlay Hadalo Ka Soo Yeedhay Soomaaliya Iyo War ka soo Baxay shirkii IGAD.
January 11, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) – Wasiirka Arrimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Sheegay inay Somalia kala hadlayaan digniinta dhawaan ka soo baxday ee ku saabsan Shirkadda China laga leeyahay ee macdanta ka qodaysa Gobolka Awdal. Waxa uu sheegay inaanay Somaliland u joojin doonin dhawaaqooda Madaxweynaha Somalia-na ay kala xaajoon doonaan arrintaasi. “Arrinta Macdanta,Maalintii dhaweyd 6-dii qodob ee uu Makhraatiga ka ahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ee ay kala saxeexdeen Madaxweyneheena iyo Madaxweynaha Somalia oo aanu Muhiim u arkaynay waxaa ka mid ahaa inaan la carqaladayn oo aan la dhex galin arrimaha ku saabsan Horumarka iyo dhaqaalaha” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo Xafiiskiisa Saxaafadda kula hadlay.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Arrintaas uu ka hadlay Ninka Agaasimaha ah ama Warkaas ka soo baxayna wax ka jiraa ma jiro. Cid maanta ka joojin karta Somaliland inay dhaqaalaheeda,horumarkeeda iyo macdanteeda la soo baxdaana ma jirto, cid ku soo duulaysaana ma jirto Macdanteedana way wadanaysaa”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay inay Somalia ka wada hadlayaan Bayaanka ka soo baxay Somalia “Wada hadaladu way inoo soconayaan, waanu la xidhiidhi Insha Allah Madaxweynaha laakiin, Somaliland marnaba aqbali mayso Khayraadkeeda,Nimcadeeda iyo Horumarkeeda inay cidi ka taliso, taladeeduna waa mid iyada u taala”

wasiirka arimaha debadda Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu dhinaca kale deedifeeyay oo uu ku tilmaamay arrin aan khusayn War murtiyeedka ka soo baxay Shirkii IGAD ee Somalia oo uu sheegay inay tahay arrin u taala Somalia iyo Ururka IGAD, isagoo sheegay in IGAD xidhiidh fiican la leedahay Somaliland

COMMENTS
LINKS