Wargeys Kasoo Baxa Gudaha Kenya Oo Raalligelin Ka Bixiyey Aflegaaddo Uu Kula Kacay Nebi Muxamed N.N.K.H. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargeys Kasoo Baxa Gudaha Kenya Oo Raalligelin Ka Bixiyey Aflegaaddo Uu Kula Kacay Nebi Muxamed N.N.K.H.
January 16, 2015 - Written by Editor:

Nairobi:(WajaalenewsWargeyska Star oo kasoo baxa Dalka Kenya, ayaa raalligelin Buuxda ka bixiyey sawir lagu aflegaaddaynayo Nebi Muxamed N.N.K.H. oo uu arbacadii daabacay, kana soo qaatay Wargeyskii dhawaan la weeraray ee Charlie Hebdo.

Maamulka Wargaysku waxaa ay sheegeen inay garawsadeen in sawirkaas oo lagu daabacay cadadkoodii Arbacada inay meel ka dhac ku tahay dadka Muslimiinta Kenya ku nool isla markaana ay raali galin bixiyaan, “Wargaysku waxaa uu si buuxda raali galin uga bixinayaa sawirkii uu dib u qaatay ee loogu gafay Nabi Mux’ed NNKH maadaama ay si weyn uga cadhoodeen Muslimiinta dunnida iyo kuwa Kenyaba.” Ayuu wargeysku ku yidhi weedhaha raalligelinta ah ee uu qoray.

wargays dalka kenya

“Mas’uuliyiinya wargaysku aad bay uga qawmamaynayaan sawirkaas iyo daabacaadiisa” ayaa sidoo kale lagu yidhi warka raali galinta ah ee isla wargayska lagu qoray.

Dadka falanqeeya arrimaha amaanka geeska Africa ayaa aaminsan in wargayskan The Star ee Kenya kasoo baxa ay arrintan ku qasabtay cabsi kaga timid Muslimiinta Kenya iyo weerar kaga yimaada dhaq dhaqaaqa Al-Shabab.

Muslimiinta dunnida ayaa si weyn uga cadhooday sawiro aflagaado ah oo uu sameeyay wargeyskii xaruntiisa la weeraray ee dalka Faransiiska ku yaala.

 

 

COMMENTS
LINKS