Riyadh(W.N): Telefishanka dalka Sacuudi Arabiya ayaa goor dhawayd xaqiijiyey geerida boqorkii dalka Sacuudi Arabia. Boqor Cabdallah Ibnu Cabdicasiis Al-Sacuud. boqortooyada sacuudiga ayaan ilaa hada si rasmiya shaaca uga qaadin sababta rasmiga ah ee keentay dhimashada boqorka balse boqor cabdale ayaa todobaadadii la soo dhaafay ku jiray cisbitaal kadib markii uu si kedis ah xanuun ugu soo booday. Boqorka ayaa da’diisu ahayd 90 sanno jir wuxuuna labadii usbuuc ee ugu danbeeyay ku jiray cisbitaalka. Wuxuu tallada qabtay sannadkii 2005. wararku waxay intyaasi ku darayaan in lagu badali doono boqor salmaan oo ah walaalkii .Boqor salmaan ayaa isaguna ah nin dadiisu tahay 79, waxaana loogu badaniyaa boqor salmaan in loogu magacaabo maxaaa yeeelay labada nin ee ka waawayn ayaa iyaguna ah gogol jiif waxii warar ah ee ka soo kordha kala soco wajaale news