|
|||||
WAJAALE NEWS
Warbaahinta Itoobiya Oo Faalo Dheer Ka Qortay Tirada Shacabka Itoobiya Oo Xawli Ku Socota Iyo Saadaal Laga Bixiyay Itoobiya Oo Xoog Kula Wareegi Doonta Xeeb Ku Taala Geeska Afrika
January 14, 2015 - Written by Editor:Borama (Wajaalenws) Warbixin ay daabacday warbaahinta qaar ee dalka Itoobiya sida Nazret.com ayaa dood ka dhex abuurtay qurbajoogta iyo shacabka Itoobiya guud ahaan.Warbixinta ayaa lagu sheegay in daraasad la sameeyay ay Itoobiya waligeedba ku jiri doonto dhibaatada Faqriga iyo dibad dhaca isla markaana shacabkeegu gaadhaynin nolol farxadleh oo guulaysata haddii aan Itoobiya helin Marso ama bad ay leedahay oo ay wax kala soo degto. Qoraalkani warbaahintu daabacday ayaa farta ku fiiqay wadamada dariska ah in ay Itoobiya hareereyeen isla markaana Xabsi xidhan ka dhigay Itoobiya,loona baahan yahay in Itoobiya ka baxdo dhibaatada bad la,aaneed. Warbixinta ayaa lagu bildhaamiyay Go,itaankii Eratria ee Marsada Casab,waxayna sheegeen in xukuumada Tigreegu horkacayaani khatar galisay Nolosha shacabka iyo dalka Itoobiya isla markaana aysan marnaba dhagaysan taladii Madaxwaynihii hore ee Maraykanku Jimy Carter usoo jeediyay Meles Zanawi kaasi oo uu ku dalbaday in Itoobiya marnaba aqbalin in Casab noqoto dalka Eratria,balse Siyaasiyiinta Tigreega oo ka baqayay in jabhadihii Eratrianku ka horjoogsadaan in ay qabsadaan Xukunka Itoobiya ay ku qasabtay in ay aqbalaan dalabkii siyaasiyiinta Eratria ee madaxbanaanida dhulwaynaha Eratria taasi oo dhigtay go,doon dhulwaynaha Itoobiya. Warbxinta ayaa Itoobiya ku sheegtay wadan bilaa bad ah isla markaana balaayiin dolar ku bxisa cashuurta iyo isticmaalka Marsada Jabuuti,waxaana ay ku soo gabogabeeyeen in Itoobiya ka maarmayn in ay dagaal gasho,waa marka koowaade in ay raadiso Casab isla markaana xoog kula wareegto,talaabada kale ee u banaan waa in ay Somaliyada burburtay ka raadsato hab ay kula wareegto deegaan badd leh,talooyinkani ayaa laga dhiibtay fikrado kala duwan isla markaana waxaa ka muuqata in Itoobiyaanku saadaalinayaan hujuun khatar ku ah xeebaha Somaalida Iyo dalka Jabuuti.Warbxinta ayaa lagu sheegay in Itoobiya ka madhanayn ilkuhaynta dhulka Xeebta leh ee Soomaalida ee ku dumay dagaalka sokeeye. Dhanka kale sanadka 2020 ayaa waxaa la saadaaliyay in dalka Itoobiya tirada dadkiisu gaadhi doono 120milyan,taasi oo laga cabsi qabo in ay Itoobiya soo wajahdo cuklays dhaqaale oo baahsan.
Xigasho: Boramanews
Related posts:DAAWO;- Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Lagu Shaacinayay Musharaxnimada Dr Maxam... Madaxweynaha Faransiiska Oo Socdaal Ku Maraya Qaarada Africa Iyo Soo Dhawayntii Raysal-wasaaraha Ito... Daawo,, “Qabyaalad Iyo Cadaalad-daro Waataa Dalkii Galisay Iil Madow,Waataa Dhalinyaradii jiidali u ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|