|
|||||
WAJAALE NEWS
Waayeel Qooqay; Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
January 25, 2015 - Written by Editor:Maalmuhu waa hadhooyinka nolosha nolosha, waxana ay ka mid kastaa kaga gadisan tahay ta kale, waxa malintaas guul ama guul-daro ku qoran bogeeda, se cida wanaagaas ama xumaantaas ku qoraysaa waa bulshada, marka ay timaado doorashada cida hogaanka u qabanaysa, bulshaduna waa cida gudinta daabka haysa, ee maalintaa goosan karta hadho wanaagsan ama hadho xun. Hadaba maalin ka mida gu’gii 2010/6/26, waxa bulshadeenu, si aan kala hadh-lahayn ugu dareereen doorashado, iyaga oo dhamaantood wanaag uu ka buuxo laabtooda, rabana in ay doortaan mid dhaama, kooxdii tuugnimada ku midoobay, waxana ay malintaas si buuxda ay ugu dhigeen, in cida ay rabaan ay u hiiliyaan, ugana hiiliyaan tuugtaas, la wada hifay, hadana la wada hiifsan yahay, waxana ay si aan kala hadh-lahayn ugu doorteen hogaankan hada jooga ee KULMIYE, sida ay ugu dhaamiyeena ay tahay wax aan laga sheekayn Karin, oo ay si-wada-jira ay jirida ugu siibeen geedkii tuugnimada iyo qabyaalada ku caano-maalay. Iyada oo taasi tahay ta uu meesha ku yimi hogaankan KULMIYE, waxa hadaba iyaduna meesha taal, weydiimahan, oo ah kuwa loo baahan yahay in dib loogu qiimeeyo mudadii uu meesha joogay, iyada oo ay tahay runtu ta ugu xulan, ee ugu xalan ee waxa lagu hal-beego. Waxana meesha yaala weydiintan oo ah, KULMIYE, ma noqday mid aan si-dhaba aan ugaga raysanay tuugtii UDUB? Mise waxa uu dib u fadhay qashinkii UDUB ee dhamaanteen aan wada gubnay, ee aasidana aan ugu darnay? Furfurida weydiimahani maaha, mid aad u fudud, iyada oo u baahan in dibu-eegisa dhaba lagu sameeyo, inta ay joogeen, taasana waxa ka dhalanaysa, labadan weydiimood oo noqonaya kuwa gunta u ah qor-madan:-
Hubaal weeyi oo bulsho waxa ay ku tanaadaa waa koboca kaabayaasha nolosheeda, taas oo ay kaw ka yihiin:-
Runtu waa in ay biyuhu yihiin kan koowaad ee nolosha dadkeena iyo duunyadeenuba ay ku dhisan tahay, ee laf-dhabarta u ah nolosha iyo koboca dhaqale, iyada oo taasi tahay gunta aan dhamaanteen isla wada ognahay, waxa weydiintu tahay, inta ka war-celiyeen hogaankan KULMIYE weydiintaas? Maxaase iska badalay 5 sano ka hor? Ka bilaw galeed guntii ilaa bari guntiisa, oo aad u dhugo maxaad ka dheehata, kaliya rafaadka biyo la’aanta iyo raadinta biyo nadiifa soo maaha, oo ay dadka iyo duunyada ay u dheertahay ku digashada hogaankan kulmiye, iyo dhagaxan beenta ah ee ay sida jayga ugu daadinayaan goob kasta iyo madal kasta, kaagaba sii-darane ay la soo taagan yihiin wax baanu qabanay, ee sheega. Kun jeer iyo kawba waxa ah in bulshadeenu hesho biyo nadiifa, taas oo dadka iyo duunyada noolba dhogortooda wanaajinaysa, koboca dhaqaalahana kor u qaadaysa, halisa caafimaadna 75% dhimaysa, waxaas oo wanaaga ayaa ku duugan helida biyo nadiifa, ee dhidarada KULMIYE yaa midaas u sheega, oo madal iyo gidaarba ugu yeedhiya.
Midani waa mida aad moodo in ay wax ka qabteen, waxa se libta ugu weyn leh bulshada, oo bilawday, dhaqaalaha ugu weyna galisa, hadh iyo habeena u taagan in ay isku xidhaan deegaankooda iyo halka ugu dhaw ee ay u arkaan in ay adeeg ka heli karaan. Waa dhab oo wado waa marinka ay bulshada umarayaan dhamaan ka noloshu ku taagan tahay, ee ay ka midka yihiin:- Nabada, adeegyada nolosha kicinaaya, iskuna xidhaaya bulshada oo dhan, taas oo keenaysa in dadku si-fudud isku dhex galo, oo wanaaga iyo wax-tarka is-dhaafsado. Waxana aan halkan aan si gaara aan u xusayaa in ay ka dhabeeyaan, wadada ceerigaabo, oo ah mid bulshada dhulkaas u ah marinka ay u soo-marayaan dhamaan waxa noloshu ku taagan tahay, qaybna ka ah fidinta qaranimada iyo gaadhida xadkeeena bari, inta ku aadan gobolka sanaag.
Qodobkani waa mid ka mida kuwa halisata ku ah jiritaanka qaranimadeena, waxana weeyi oo dhaba hadii dhalinta oo ka ah bulshadeena 60% aan tubta wacan loo jeedin, in ay iman doonto in dhanka xun ay u foofaan, sidaasna ay halis ku galiyaan lafahooda iyo qarankoodaba, waxana hubaala manta ayay meel dhaw joogaane hooy inta aan meel fog laga doonin, hada tubta wacan u jeediya, xoogaas dihin ee aqoontu hagaysana sida ugu wacan uga adeejiya. Waa dhab oo aqoon bay rabtaa in shaqo lagu abuuro, waxana taas ka dhalanaaya in aan wax iska weydiino weydiimahan:- Ma yahay habka wax-barashadeenu mid u adeega taas? Mase yahay mid ku caawinaaya dhalinta in ay wax curin yeeshaan? Mase yahay hab soo-saaraya qofka aynu rabno? Waxaas oo weydiin ahi waa mid u taal cida hawshaas qaranku u diratay, oo ah wasaarada wax-barashada, hubaalna waxa aan si gun ah aan u rumaysanahay in ay gabtay hawshii qaranku u dirtay, waxana taas marag u ah midhaha ka soo-go’a wax-barashada, oo ah laba meelood,
2- iyo goobo looga qaxay dadkii haynta yaraa ee aan jeebkoodu gaadhay halkaas ganacsiga loo furatay, waxana ay ku soo hadheen goobaha wax-barasho ee ay dawladu maamusho, waxan taas u dheer, macalinkii aqoonta lahaa oo dhan waxa uu suuq-gayn uu u yahay dugsigaas ganacsiga loo furtay.
Tan iyo haddii aan wad idhaa ka gayoon maayo baahida ka muuqata qarankeena, waxa se lagu kala maamuus iyo milgo sareeyaa waa sida iyo inta laga gufeeyo baahidaas, ee qabyada laga saaro, waana waxa raga hogaanka hayaa ku kala mudan yihiin, bulshadana ay dhexdeeda ugu kala leeyihin maamuuska iyo milgaha, ee KULMIYE, meesha si xun baad ugu jabtay, taasna waxa keenay, qaranka waxa aad ku hogaaminaysaa waa indho la’aan, oo kaliya waxa aad miyir iyo baraarug lagaa dareemaa waa marka dhirbaaxadu kugu dhacdo, waana halka laga yidhi indhoole dhirbaaxo gadaasheed buu gabadaa. KULMIYE nagu wadi maysid gabasho iyo darr ilahay, ee meesha keen, garaad iyo kasmo intan dhaanta, waa hadii aanad rabin in magacaasi aanu kuu bixin, kaas oo ah WAAYEEL QOOQAY. Waxa kale oo iyaduna sida qoraxda u muuqata wydiintan oo ah mida laga wada yaaban yahay ee dabarka iyo shakaalkaba goosatay, waana mida qormadan u noqondoonta weydiinta dhabta ah ee weydiimahaasina ay yihiin, kuwa laga rabo in waayeelka qooqay ay uga war-celiyaan bulshada soo dooratay. Maxaa dabarka ka furay qabyaaladii? Hubaal weeyi oo haybta iyo sumada lagu soo-baadi-soocaa waa garaadka gudhan ee gujada ku dhiiqa, ee waxa uu dhiiqaana uu yahay gubeerka qabyaalada, taasina waa ta keentay in markii ay waayeen wax ay la soo madal-yimaadan in ay haybta iyo tolaay ku xoodaamiyaan bulshada inteeda aan garaadka lahayn ama dufan-jecelnimo ku caano-maashay. Waa garaad guun ah oo aan hogaamin Karin bulshada, oo dibada ka hurda dhamaan sumadaha lagu yaqaan hogaanka suuban iyo gurgurshaaga ay bulshada raadinayso in ay ku guurto. Kaaga sii daren waxa ay bulshada ugu talo galeen in ay ka gudhiyaan dhamaan ilaha kasmada, taas oo sida ay is-leeyihiin ay si fudud ugu hogaamin karaan bulshada, garaad gudhan haybtiis dheh, horaa nin dabin dhigtay looga hahay umaan daban, bulshada aan ka dhashay ee aan ku dhaadanayo, hubaal weeyi in geesiyo u kaceen, oo ay ku tiraabi doonaan uma daban. Kooxdaan gujo ku dhiiqa ah waa kooxdan, bulshada ku jabsata waxan ahaa mujaahid iyo suldaan baan ahay, kaliya ahaybtana waxa ay ka wadaagn, maalida bulshada, waana ta ay midka iyo heshiiskaba ku yihiin, waana kooxda sida gaarka ah u leh dhamaan erayada xumaanta iyo qudhunka ku astaysan ee bulshadu u taqaan in ay u taagan yihiin waxaas oo dhan. Aan ku dhiirado oo hubaal madhada waxa loogu kala mudan yahay sida qaranka loogu dhaamiyo, ee halisaha looga saaro, iyada oo fulinta hawshaasi ay kaa tahay, hor Eebe iyo dhigashada wanaaaga ta dambe, ee lama huraanka ah, waana ta ay ragu ku kala qaybsamaan, ee ay ku kala baydhaan, waana halka uu abwaankii ka yidhi:- Ragna dhuuni buu kugu dhex jooga Raga dhaqasho ayuu kuugu dhabar jabay Ragaasi waa rag marka ay hadlayaan ee ay af-kooda kala qaadaan aad odhanayso waa hubaal kani waa kaan rabi ka barryi jirnay in uu na hogaamiyo, se marka aad hoos u baadhid waxa aad si gun iyo baara aad u ogaanaysaa in uu dibada ka jiifo, kana qaawan yahay sumadda lagu baadi-sooco hogaanka suuban. Guntu waa raga uu Madaxweyne Siilanayo calanka uu u sido, iyo raga qaraka soo-jafaaya, ee raba in ay qabyaalada ku mehersadan bulshada, waa raga qudhunka iyo qadhmuunka qabyaaladu ka soo maaxdo, ee u qaybiya bulshada ka fayaw xanuunkaas, kaaga darane xishoodakana dibada waa ka hurdaan, heemaal iyo hayalkiisana dibaday ka jiifaan, waxa kaliya ee heesta u ahi waa ku heesida beeta ay wada qaybsan yihiin, ee aad moodo in si-gaara loogu wada dhigay, dhamaantoodana waxa ay ka dhigan yihiin:- Waraabihii lagu yidhi, waar maxaa kugu diray maganta baadida ah, ee halkii wax kale laga sugaayay yidhi, anigu maganta waxan is-leeyahay celi, ee cun niyada kuma hayo, ee maxaan sameeya marka aan soo-qabo idhaadaba muruq baa ii siibta, ileen midigtaydu waa micidee, oo Eebe gacmo iima samayne, ogaw bahalnimada uu u dhashay ayuu rabaa in uu qariyo, horaa loo yidhi doofaar ma daahiro dururkasta oo uu galo, ragan hogaanka inoo hayaana waa waraabayaal u dhashay bahalnimada oo laga kari maayo, ilaa loo sumeeyo hilibka sida waraabaha, taasina waxa ay ku imanaysaa in bulshada, in bulshada loo sumeeyo, oo kor iyo hoosba bulshada loogu sheego qudhunka iyo qadhmuunka ay qaybinayaan in ay sanka ka qabsadaan, waa raga garan waayay ee maan-kooda laga waayay, u damqada oo halisata ka raba ubadka aad dhasheen, ee dumadiina saran, ee sida weyn idiin tabaaya, kana rumeeya dhaarta ah uu kalida ku yaha Abwaan Hadraawi:- Da’da soo-kacaysee Dumadayda xilatee Dagan baan u dhaartay Mida kaliya ee aan gocanaya waa geediga ay rabaan ragan garaadka gudhani, in ay sahay inooga dhigayaan, qabyaalada iyo xatooyada, halkii ay sahay inooga dhigi la-haayeen, iyaga oo qabyaalada ku badalaaya karti iyo aqoon, xatooyadana ku badalaaya beekhaamin iyo tudhid ay u tudhaan hantida bulshada, waxana ugu qabtaan uguna adeegan bulshada. Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan Bartay Aqoontaka Xeerarka 25/1/2015 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|