Ururka Jiidali Oo Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Hogaankoodii Gobolka Tog-dheer; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Jiidali Oo Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Hogaankoodii Gobolka Tog-dheer;
January 4, 2015 - Written by Editor:

Warsaxafadeed: XILKA QAADIS iyo MAGACABIS

HARGEISA(Wajaalenews) Masuuliyiinta Ururka Dhalinyarada Subeer Awal ee JIIDALI Ayaa Waxay xilka qaadis iyo magacaabis ku sameeyeen hogaankii ururka ee gobolka togdheer wuxuna u dhignaa sidan;

CALAAMADA URURKA JIIDALI 1

Ururka Dhalinyarada Subeer Awal ee JIIDALI waxa uu ka Madaxbanaan yahay Axsaabta Qaranka, islamar ahaantaana waxa uu dhiiri Galinyaa Dhaqdhaqaaqyada Horumarineed,siyaasadeed iyo Dhaqan Dhaqaale ee Deegaanada Beeshu ay Dagto.

Markaa Manta oo tariikhdu tahay 1/4/15 Waxa aan Xilkii uu u hayay ka Qaaday Gudoomiyihii Hore ee Ururka Dhalinyarada Subeer Awal ee JIIDALI ee Gobolka Togdheer Cabdisamad Ahmed Boon.

Markii aan Kala Tashaday Golaha Sare ee Ururka, Waxaanu Go’aansanay in uu Xilkii uu Ururka u Hayay meel ka dhac ku sameeyay, Kadib markii uu Magacii Jiidali u Isticmaalay Go’aan Siyaasi Ah oo aanu Laqabin Ururka Intiisa Kale.

Waxa manta laga bilaabo Ururka Dhalinyarada Subeer Awal ee JIIDALI uu u Magacaabay Gobolka Togdheer Masuuliyintan

  1. Gudoomiye: Cawil Cabdilaahi Maxamed Samater
  2. Gudoomiye Xigeen: Khalid Jama Ahmed (Caynab)

Waxa aanu ka Rajaynayaa In ay Labadan Xubnood Kor u Qaadi Doonaan Hawlaha Gobolka Togdheer isla Mar Ahaantaana ay Xoojin Doonaan Wadashaqaynta Xubnaha Kale ee Ururka Jiidali ee Togdheer.

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Gudoomiyaha ururka JIIDALI

Cabdiraxmaan Xasan Aadan

COMMENTS
LINKS