|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururka Dhalinyarada DALJIR Oo Si Adag uga Hadlay Xaalada Guud Ee Somaliland, Xukumadana ku Eedeeyay In Ay Masuul Ka Tahay Waxyaabaha Dalka Ka Dhacaya.
January 5, 2015 - Written by Editor:War-saxaafadeed kooban oo ay magaalada Hargeysa ka soo saareen ururka Dhalinyarada DALJIR oo ay ku midoobeen dhalinyarada Beelaha Habar Magaado ayaa waxa ay kaga hadleen xaalada guud ee dalku maraayo. Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Cabdinaasir Yuusuf Bulxan ayaa u qornaa sidan: Marka aynu eegno xaalada uu maraayo dalkeena somaliland waxa aad moodaa in waxyaabo badan ku soo kordheen oo aan wacnayn kuwaasi oo ay masuul ka tahay xukumada Madaxweyne siilaanyo. Oo aad moodo in ay ugu talo gashay in ay wax walba kharibto iyada oo ujeedada ay ka leedahay tahay sidii ay u samaynsan lahayd mudo korodhsiimo . waxa aanu leenahay xukumada uu masuulka ka yahay Axmed Siilaanyo in ay dib isugu noqoto oo khaladaadka joogtada ah ee ay samaynayso ka dayso shacabka somaliland oo ay dalka doorasho u horseedo maadama waqtigii la doortay ay ka hadhay wax aan ka badnayn lix bilood. Hadii aan shacabka somaliland xasuusiyo waxyaabaha mudooyinkan dambe ay ku kacday waxa ka mid ah:
Marka aanu aragnay qodobadasi aanu kor ku soo sheegnay iyo qaar kale oo badan oo aanu is nidhi hadii aad soo bandhigtaan Qaranimada ayay wax yeeli.
Waxa aanu go`aan ku gaadhnay:
Alla Mahad leh
Cabdinaasir Yuusuf Bulxan,
Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Daljir ee Beelaha habar magaado COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|