Ururada Dhalinyarada Gobolada Awdal iyo Salal oo Baaq Taageero Ah Udiray Hogaanka Cusub ee Dalada SONYO. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururada Dhalinyarada Gobolada Awdal iyo Salal oo Baaq Taageero Ah Udiray Hogaanka Cusub ee Dalada SONYO.
January 30, 2015 - Written by Editor:

Borama(Wajaalenews) Waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 30kii bishan January, 2015kii waxa kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen ururda dhalinyarada ee Gobolada Awdal iyo Salal waxa ay kaga hadleen xaalada guud ee dalada dhalinyarada heer qaran ay ku midoobeen ee SONYO oo dhawaan markii ugu horaysay taariikhda SONYO hogaankeeda sare ee Daladaasi loogu doortay gudoomiye iyo kuxigeen ka soo kala jeeda gobolada Awdal iyo Salal arintaasi oo hadalhaynteedu baryahan danbe ku badnayd warbaahinta dalka , waxana ay gabagabadii kulankaasi ka soo saareen warmurtiyeedkan .

20141230_112736

“Anaga oo ah ururada, dhalinyarada ee gobolada Awdal, Iyo Salal waxaanu hanbalyo iyo bogaadin u diraynaa hogaanka Sare ee dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO maamulkeeda la wareegay dhawaan. Waxaanu leenahay noqda kuwii waxqabadkooda la mahadiyo ilaahayna ha idinku asturo.

Waxa kale oo aanu aad ugu mahadnaqaynaa ururada dhalinyarada ee reer Somaliland ee maanta gartay in ay SONYO u doortaan gudoomiye iyo kuxigeen ka soo kala jeeda gobolada Awdal iyo Sool, markii ugu horaysay taariikhda SONYO intii ay jirtay.

Runahaantii waxay muujinaysaa xilkasnimo iyo hanaayad taasi oo cadaynaysa wadalahaanshaha iyo ka qaybqaadashada hogaaminta dalka in loo simanyahay oo aanan cidna laga lahayn balse dadaalka iyo kartida uun la is dheeryahay. Waxaanan leenahay walaalayaal waad ku mahadsantihiin taageerada hiil iyo hoo ga ah ee aad lagarabjoogteen hogaanka cusub intii uu tartanka SONYO socday.

Waxakale oo aanu halkan sidaasi si la mid ah ugu mahad Celinaynaa hogaankii hore ee SONYO oo runtii muujiyay xilkasnimo iyo go,aan qaadasho kadib markii sida dastuurka SONYO sheegayo mudo bil ah gudaheed xilwareejintii ay ku diyaariyay oo qabtay xilgeedii .

Waxa kale oo xusid mudan Wasaarada dhalinta iyo ciyaaraha gaar ahaan wasiir Cali Siciid Raygal,oo   ku ayiday sharciyada, islamarkaasina cadaalada u hiiliyay , isagana waxan leenahay waxaad gudatay waajibkaagii ee Ale hakaa jasaai siiyo.

Waxa kale oo aanu halkan ku canbaaraynaynaa masuuliyiintd a xisbiga Wadani hogaankiisa oo gabi ahaanba ka maqnaa munaasibadii xilwareejinta SONYO , sabata ay ku maqnaayeenna aan la garanaynin balse kaadhka marti qaad ka loo geeyay , waxaanu leenahay waxadtihiin xisbi qaran shalyto xildhibaanadii mooshinka gudoomiyaha Wadani ka badbaadiyay waxa ay ahaayeen reer Awdal maantana waxa aad la safatay qabiilkaaga oo uu musharaxii SONYO ee doorashada lagaga adkaaday uu ka soo jeedo, kaama,anaanu filayn arintaasi balse waa fariin aad u soo dirtay da yerta gobolada Awdal.iyo Selel

Waxa kale oo aanu uga digaynaa salaadiinta reer Somaliland ee wali kumilan qaska SONYO gaar ahaan Suldaan Xiiray iyo Suldaan Maxamed Cabdulqaadir, oo ka qayb galay munaasibado qayrul sharci ah oo ka dhan ah dalada SONYO oo maanta uu qabsaday musharaxii doorashada SONYO lagaga adkaaday ee cabdi Casiis Xirsi oo ay isku hayb yihiin labadaasisi suldaan waxaanu iyagana leenahay waxaaad tihiin Salaadiin dalka oo dhan laga qadariyo ee ilaaliya wadajirka iyo midnimada umadan hadii kale waxa aad luminaysaan ixtiraamka dhalinta reer Somaliland ay idiin hayso.

 

Ugu danbayn waxa aanu cod dheer ugu baaqaynaa madaxwaynaha J.S.L mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siranyo in uu talaabo sharciyada dalka waafaqsan ka qaado xilsideyaalsha ka tirsan xukuumada ee fadqaladada ku haya arimaha SONYO kuwaasi oo ay ka midyihiin wasiirka qorshaynta , oo si indho la aan ah u qoray qoraal uu isku hor istaagayo xilwareejinta SONYO in ay qabsoonto isaga oo aanan waxba kala socon doorashadii SONYO ee 27–28kii qabsoontay iyo cida ku guulaysatay oo wasaaradii dhalinyarada ku lug lahayd u daba maray ,iyo wasiirka arimaha gudaha Waran Cade oo indhah ka qarsanaya kooxaha uu hogaaminayo musharaxii doorashada SONYO lagaga guulaystay oo hada ku hawlan sidii uu warqado ugu qaybinlahaa hayadaha bawdadaagta la ah SONYO iyo saxaafada , arintaasi oo lidi ku ah qawniinka dalka iyo kanSONYO intaba .

Hadaba waxaanu xusuusinaynaa madaxwaynaha .J.S.L. in shalayto, Daahir Rayaale oo ka soo jeeda AWDAL uu ka degay kursiga markii cod lagaga adkaaday taasi oo ah hanaaka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hana qaaday, sidaadarteed mudane madaxwayne marnaba ma ogolaan doonto in hogaanka SONYO oo markii ugu horaysay loo doortay gudoomiye iyo kuxigeen ka soo kalajeeda SOOL iyo Awdal , loo hanayn waayo oo lagu jiid jiito xilkaasi.

Masuuliyadaasina adiga ayaa lagaala xisaabtami doonaa hadii falakaasi lidiga ku ah Dalada SONYO ay ka sii jiraan caasimada Hargaysa oo talaabo aad ka qaadi waydo ”

Alle ayaa mahadle

URURADA DHALINYARADA EE GOBOLADA AWDAL IYO SALAL

COMMENTS
LINKS