|
|||||
WAJAALE NEWS
Ugaaska Beesha Madigaan Oo Munaasibad Balaadhan Lagu Caleema Saaraya Abey-fuulaan Iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Deegaanka Oo Kasoo Qeyb Galey.SAWIRO
January 26, 2015 - Written by Editor:Abey-Fuulaan(Wajaalenews)-Ugaaska Beesha Madigaan Ugaas Faarax Sheekh Cabdilaahi Warfaa ayaa, maanta lagu caleemasaarey Deegaanka Abey-fuulaan oo katirsan kililka Shanaad Munaasibad balaadhan oo ilyartu is qabatey taas oo ay kasoo Qeyb galeen kumanaan qof oo iskaga yimid Meelo badan Somaliland,Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo dalka Dibadiisaba.
Munaasibada Lagu Caleemasaarey Ugaas Faarax Sheekh Cabdilaahi Warfaa ugaaska guud ee Beesha Madigaan Ugaaska lagu caleemasaarey oo ay kasoo qeybgaleen Madaxweyne Kuxigeenada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ahna Wasiirka Beeraha Mawliid Haayir iyo masuuliyiin tira badan oo ka socdey Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya haseyeeshee,waxa madasha hadheeyay Madaxdhaqameedka kala Duwan ee lagu soo martiqaadey Munaasibada Caleemasaarka Ugaaska Beesha Madigaan kuwaas oo ay kamid yihiin Garaadka Beelaha Absame Garaad Kulmiye Garaad Xirsi Garaad Dool,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sh Muxumed Baraale, Suldaan Cabdilaahi Barkhad,Suldaan Axmed Boos(Codyare),Ugaasyada Beelaha Ogaadeen,Cuqaasha iyo madaxdhaqameedka Beelaha oodwadaagta la ah Beesha Madigaan oo isaga yimid Deegaano badan oo Somaliland iyo kilka shanaadba ah, kuwaas oo aan kayareyn boql caaqil, iyo dheeraad waxaana Munaasibadaasi ka muuqatey mid si heer sare ah loo agaasimay oo meeqaamkeedu iyo milgaheedu aad u dhisan yahey islamarkaana, martida loogu soo dhaweynayay si caaqiibo leh oo qof waliba xil iska saarayay dadka kasoo qeybgalay Caleemasaarkan.
Munaasibadan Caleemasaarka Ugaaska Guud ee Beesha Madigaan Ugaas Faarax Sheekh Cabdilaahi Warfaa oo dadka kasoo qeyb galay usha cirka loo tuuraa dhulka ku dhaceyn,waxa hadheeyay quruxda haweenka iyo dhalinyarada ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka oo si farshaxan leh loo soo agaasimay, waxaana Munaasibada Madashan ka hadley inta ugu badan ee Madaxdhaqameedkii kasoo Qeyb galay taas oo ay laga sheekeeyay Taariikhda iyo dhaqanka Beesha Madigaan iyadoo madaxdhaqmaeedka madasha ka hadley ku khatimeen ducooyinka ay u duceynayeen Ugaaska iyo halka ay kasoo jeedaan ee ansaar Carbeed oo Nabigeenii aad ugu weynaa.
Waxaana xusid mudan in uu siweyn loogu riyaaqey hadal dheer oo uu Madasha ka jeediyay Gudoomiyaha Shareecada Islaamka ahna Gudoomiyaha Dhaqanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Nadiir Sayid Nuur oo ka sheekeeyay taariikhda beesha.
Ugaaska la Caleemasaarey ee Beesha Madigaan Ugaas Faarax Sheekh Cabdilaahi Warfaa ayaa, isaguna u mahad celiyay Guud ahaanba kasoo qeybgalayaashii Munaasibada Lagu Caleemasaarey, madax iyo mijaba, isagoo illaahay ka baryay in uu Xilka u fududeeyo xuseyna in uu awal horeba kamid ahaa raga taliya ee arimaha ku fiican maanta la isku raacay in uu noqdo Ugaaska Guud ee Beesha Madigaan,wararkayaga dambe kala Soco khudabdihii laga jeediyay Munaasibada Caleemasaarka Ugaaska Beesha Madigaan Ugaas Faarax Sheekh Cabdilaahi Warfaa.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|