Ugaaska Beesha Madigaan Oo Munaasibad Balaadhan Lagu Caleema Saaraya Abey-fuulaan Iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Deegaanka Oo Kasoo Qeyb Galey.SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ugaaska Beesha Madigaan Oo Munaasibad Balaadhan Lagu Caleema Saaraya Abey-fuulaan Iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Deegaanka Oo Kasoo Qeyb Galey.SAWIRO
January 26, 2015 - Written by Editor:

Abey-Fuulaan(Wajaalenews)-Ugaaska Beesha Madigaan Ugaas Faarax Sheekh

Cabdilaahi Warfaa ayaa, maanta lagu caleemasaarey Deegaanka

Abey-fuulaan oo katirsan kililka Shanaad Munaasibad balaadhan oo

ilyartu is qabatey taas oo ay kasoo Qeyb galeen kumanaan qof oo iskaga

yimid Meelo badan Somaliland,Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya iyo dalalka

Afrika, iyo dalka Dibadiisaba.

ugaas1 Ugaas2 ugaas3 ugaas4 ugaas6

 

Munaasibada Lagu Caleemasaarey Ugaas Faarax Sheekh Cabdilaahi Warfaa

ugaaska guud ee Beesha Madigaan Ugaaska lagu caleemasaarey oo ay kasoo

qeybgaleen Madaxweyne Kuxigeenada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

ahna Wasiirka Beeraha Mawliid Haayir iyo masuuliyiin tira badan oo

ka socdey Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya haseyeeshee,waxa madasha

hadheeyay Madaxdhaqameedka kala Duwan ee lagu soo martiqaadey

Munaasibada Caleemasaarka Ugaaska Beesha Madigaan kuwaas oo ay kamid

yihiin Garaadka Beelaha Absame Garaad Kulmiye Garaad Xirsi Garaad

Dool,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sh Muxumed Baraale,

Suldaan Cabdilaahi Barkhad,Suldaan Axmed Boos(Codyare),Ugaasyada

Beelaha Ogaadeen,Cuqaasha iyo madaxdhaqameedka Beelaha oodwadaagta la

ah Beesha Madigaan oo isaga yimid Deegaano badan oo Somaliland iyo

kilka shanaadba ah, kuwaas oo aan kayareyn boql caaqil, iyo dheeraad

waxaana Munaasibadaasi ka muuqatey mid si heer sare ah loo agaasimay

oo meeqaamkeedu iyo milgaheedu aad u dhisan yahey islamarkaana,

martida loogu soo dhaweynayay si caaqiibo leh oo qof waliba xil iska

saarayay dadka kasoo qeybgalay Caleemasaarkan.

 

Munaasibadan Caleemasaarka Ugaaska Guud ee Beesha Madigaan Ugaas

Faarax Sheekh Cabdilaahi Warfaa oo dadka kasoo qeyb galay usha cirka

loo tuuraa dhulka ku dhaceyn,waxa hadheeyay quruxda haweenka iyo

dhalinyarada ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka oo si farshaxan leh

loo soo agaasimay, waxaana Munaasibada Madashan ka hadley inta ugu

badan ee Madaxdhaqameedkii kasoo Qeyb galay taas oo ay laga sheekeeyay

Taariikhda iyo dhaqanka Beesha Madigaan iyadoo madaxdhaqmaeedka

madasha ka hadley ku khatimeen ducooyinka ay u duceynayeen Ugaaska iyo

halka ay kasoo jeedaan ee ansaar Carbeed oo Nabigeenii aad ugu weynaa.

 

Waxaana xusid mudan in uu siweyn loogu riyaaqey hadal dheer oo uu

Madasha ka jeediyay Gudoomiyaha Shareecada Islaamka ahna Gudoomiyaha

Dhaqanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Nadiir Sayid Nuur oo

ka sheekeeyay taariikhda beesha.

 

 

Ugaaska la Caleemasaarey ee Beesha Madigaan Ugaas Faarax Sheekh

Cabdilaahi Warfaa ayaa, isaguna u mahad celiyay Guud ahaanba kasoo

qeybgalayaashii Munaasibada Lagu Caleemasaarey, madax iyo mijaba,

isagoo illaahay ka baryay in uu Xilka u fududeeyo xuseyna in uu awal

horeba kamid ahaa raga taliya ee arimaha ku fiican maanta la isku

raacay in uu noqdo Ugaaska Guud ee Beesha Madigaan,wararkayaga dambe

kala Soco khudabdihii laga jeediyay Munaasibada Caleemasaarka Ugaaska

Beesha Madigaan Ugaas Faarax Sheekh Cabdilaahi Warfaa.

 

 

 

COMMENTS
LINKS