Tirada Rag Laga Shakiyey Oo Lagu Qabtay Somaliland,Iyo Dareenada Ku Xidhiidhsan Qabashadooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tirada Rag Laga Shakiyey Oo Lagu Qabtay Somaliland,Iyo Dareenada Ku Xidhiidhsan Qabashadooda
January 20, 2015 - Written by Editor:

Ceerigaabo (Wajaalenews)- Tiro koox dhalasho ahaan ka baxsan qabaa’ilka dega Somaliland, isla markaana looga shakiyay inay kasoo carareen maleeshiyaadka Shabaab ee dagaalada kula jira maamulka Puntland buuralayda Golis ee Bariga Gobolaka Sanaag oo maalmihii u danbeeyay dagaal ka socdeen ayaa lagu qabtay Magaalada Raqas oo ka tirsan Degmada Xiis ee ku Taal xeebaha gobolka Sanaag ee qadiimka ah.
Al_Shabaab_Suspects_Arrested-

Sida xogo wargeyska Himilo helay tibaaxayaan, raggan la qabtay oo tiradoodu gaadhayso lix qof ayaa shalay lagu qabtay degmada Raqas, iyagoo wata 50 Neef oo adhiga nooca yar yar ee loo yaqaan Janbaqa iyo 6 Dameer oo ay sahay ku siteen.
Raggan la qabtay oo dhamaantood dhalashadoodu ka soo jeeday koonfurta Soomaaliya, sida magacyadoodu tilmaamayeen, ayey xogaha wargeyska Himilo helay sheegayaan in xalay ciidamada amaanku u soo dhaadhiciyeen magaalada Ceerigaabo, si baadhitaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Xubnahan la qabtay oo la sheegay inaanay wax hub ah sidan, ayaa loo malaynayaa inay ku bedesheen xoolaha ay wataan iyo dameeraha ay sahayda ku siteen, isla markaana doonayeen inay dhinaca dalka Yaman u talaabaan.

 

COMMENTS
LINKS