Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Oo Ka Hadlay Sababta Dadka Dilka xukuman Loogu Fulin Waayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Oo Ka Hadlay Sababta Dadka Dilka xukuman Loogu Fulin Waayo
January 28, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Xasan Cali Cawad ayaa Maanta ka hadlay Sababta keentay Dadka Gaysta Dilka waxa loogu Fulin waayay.

waxa uu sheegay in dadku inta Badan kala qataan Diinyo halka kuwa kalena Maalinta Maxkamadu dilka ku xukunta Aanay kuba Soo noqonba Maxkmada.

taliye kuxigeenka asluubta

Taliye ku xigeenka ayaa intaas Raaciyay inaanay Jirin Dadka Dilka Gaysta Haay’ado Siiyaa Gunooyin am Lacago Loo qoraa isaga oo warkaas ku sifeeyay Mid Been Ah.

Taliye ku xigeenka ciidanka AsluubtaSareeye guuto Xasan Cali Cawad oo Arintaasi ka hadlaya Ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

“Hortu Maxaa Biista Anaga ayaa Gacanta ku hayna,waxaana Jira Dacaayadu Raqiisa ah oo dhanaya Maxaabiista wax dila ayaa jeelka Lacagt lagu siiyaa Hortu taasi Majirto waana Been Meelahaas laga soo Maluuqay.

waxaa uu intaas raaciyay”.Dawladu Nidaamkii ay ugu Talo gashay iyo Qorshihii ay u dhigtay ayay wax waliba u socdaan,Hortu Marka uu qofku wax dilo Saddex Arimood ayaa Banaan,In la dilo oo la qisaaso in Diinyo la kala qaato iyo in lasaamaxo,Arinkaasian Cid ayaa iska leh waana cida loo dilayo ayaa go’aanka ay Doonto Gaadhi karta.

waxa uu sheegay in Ay badanaa Dhacdo dadka wax laga dilaa marka loo xidho inaanay kuba soo noqon waxaana uu yidhi.

“Hortu Mid Ayaa meesha Taal Marka uu dil dhaco ee Maxkamadu Xukunto dadkii Maba Soo Noqdaan,Markaas wax haboon Dadkii Doonayay in wax loo dilo in la helo,hadii kale Cid ladilayaa Majirto.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland ayaa meesha ka saaray in Haay’ado Caalami ahi Siiyaan dadka xabsiyada ku xidhan ee dilka Gaysta Lacago waxaana uu cadeeyay inuu arinkaasi yahay Been Cad.

waxa uu soo jeediyay in Maxaabiistu xabsiga ku jiraa ila inta Cidii doonaysa in loo dilo Imanayso,isaga oo sheegay in Intood Badan dadka dilka gaysta la kala Qaato Diinyo

 

COMMENTS
LINKS