Somaliland Waxay Awood Uleedahay Iyadoon Hub Cusub Lasoo Dagin inay xuduudaheeda sugato. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Waxay Awood Uleedahay Iyadoon Hub Cusub Lasoo Dagin inay xuduudaheeda sugato.
January 31, 2015 - Written by Editor:

Waxaa Hubaal ah Cadaawada Uu maamulka Majeerteeniya Uqabo Janhuriyada Somaliland inay Gaadhay Heer wanjalaad iyo Beenka abuur ay ku dhawaaqeen. Iyago ka xun kana Baa.aya sumcada wayn ee Jamhuuriyada Somaliland kaga Kasbatay Caalamka Sida Dawlidnimada Hano qaaday iyo kala danbaynta wadajirka iyo nidaamka Asaxaabta badan oo ay geeska afrika uga gashay Nambarka Kowaad iyo waliba Caalamka oo dhan Kanoqotay Jamhuriyada Somaliland wax lagu daydo iyadoo noqotay dowladyar oo iyadoon Caalamka Kaalmo iyo Ictiraaf Caalamiya midna iyadoon ka helin hadana Hanaqaaday.

 

Jamhuriyada Somaliland oo ah macalin firfircoon oo mandaqada Geesku kaga daydaan dowladnimada nabada horumarka iyo wax wadalahaan shaha isla markaana maamul gobaleedyo hal qabiila sida Majeertenia ah oo kale ay ku daba lumeen Jamhuriyada Somaliland iyagoo maalin walba waxa Jamhuriyada Somaliland Samayso isku daya wax u eg inay Samaystaan iyagoo ah maamul gobaleed looga taliyo Somaliya.

 

Maamulka Majeertenia waxay ilawsanyihiin in Jamhuuriyada Somaliland tahay qaran madaxbanaan oo astaamihiisii qaran nimo dhamaystiranyihiin Sida Lacagtii. Calankii Astaantii Tariikhdii Xuduudihii Caalamiga Ahaa ee gumaystuhu katagay. Hadaba wax kale J.H.Somaliland kuyeeli maysaan Xaasidnimo iyo warbeena kasheega wanjalaada ah iyo nacaybka aad u qabtaane bal isku daya inaad cayrina ku daydaan horumarka Jamhuuriada Somaliland. Waayo J.H.Somaliland iyadoo aan hub cusub idiin dalban ayay Xuduudaheeda Sootaaban doonta waana waajib in Garooye xabada Somaliland dhaafi doonto hadii aad Xasarada joojin waydaan..

 

Waxaan ugu Baaqayna Jamhuriyada Somaliland in sida ugu dhaqsaha badan loola wareego hubka dalkeena sida sharci darada ah kusoo galay oo laga faa.ideeyaa fursadan dahabiga ah ee inoo timi waayo sidaan wada ognahay cunaqabatayntii hubka awgeed xitaa hadii aad lacagta haysato hub sidaad ku soo iibsata way adagtahay maanta sida sharcigeenu dhigayo hubka wadanka sifo sharci daro kusoo gala waa in lala wareegaa aduunkuna waxba inagagama duwana waayo hub sharci daro wadankii uu galaaba wuu la wareegaa aduunka oo dhan….

 

ALLAA MAHAD LEH

Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga UCID.

Mudane Abdiqani Salaf

COMMENTS
LINKS