|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland oo lagu Marti-qaaday Fadhi Baarlamaanka Yurub yeelanyo Toddobaadkan
January 18, 2015 - Written by Editor:Shir Madax-banaanida Somaliland lagaga hadlayo oo todobaadkan lagu Qabanayo Xarunta Midowga Yurub iyo Xildhibaan Carver oo James Carver ka hadlay Somaliland oo lagu Marti-qaaday Fadhi Baarlamaanka Yurub yeelanyo Toddobaadkan Brussels, (Wajaalenews)- Shir ballaadhan oo lagaga hadlayo qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland iyo sidii taageero looga dhex-raadin lahaa beesha caalamka, gaar ahaan qaaradda Yurub, ayaa lagu wadaa inuu todobaadka soo socda ku qabsoomo magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub. Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey Xildhibaam James Carver oo ka tirsan mudaneyaasha Baarlamaanka Midowga Yurub ugu jira dalka Ingiriiska, ayaa lagu marti-qaaday Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, waxaana ka qayb-gali doona wufuud beesha caalamka ka kala socota. Xildhinaan James Carver waxa sheegay xildhibaan James Carver oo qoraal uu qabsoomidda shirkan ku shaaciyey ku baahiyey barta Twitter-ka, kaas oo uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay qaban-qaabada shirka iyo inuu marti-qaado wasiirro ka tirsan Somaliland iyo Ururrada bulshada. Xildhibaankan ayaa dabayaaqada sannadkii hore fadhi baarlamaanka Midowga Yurub kaga dooday Aqoonsiga dalka Falastiin, waxa uu dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland. Sidoo kale, Xildhibaan Carver ayaa waraysi gaar ah oo Wargeyska Himilo la yeeshay bishii hore, waxa uu ku sheegay ku sheegay inuu wado dedaalo la xidhiidha qadiyadda aqoonsiga Somaliland, isla markaana uu shaaca ka qaadi doono qorshayaashiisa horaanta sannadkan cusub. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis la filayo inuu warbixin ku saabsan qadiyadda aqoonsiga Somaliland ka jeediyo fadhi baarlamaanka Yurub yeelan doono badhtamaha bishan oo lagu marti-qaaday, sida uu Wasiirku u xaqiijiyey Wargeyska HIMILO dhowaan. Related posts:Ururka Telefishanada Madaxa Banaan Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Xayiraada Ka Qaado Laba Telefiishan Madaxweyne Biixi Oo Maxkamadda Sare U Gudbinaya Dalab Ah In Ay Markale Qaraar Kasoo Saarto In Dooras... Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) oo maanta si ras... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|