Sirdoonka Maraykanka Oo Lacag Ku Raadinaya Muwaadin Soomaaliyeed Oo Looga Shakiyey Arrimo Argagixiso | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sirdoonka Maraykanka Oo Lacag Ku Raadinaya Muwaadin Soomaaliyeed Oo Looga Shakiyey Arrimo Argagixiso
January 30, 2015 - Written by Editor:

New York(Wajaalenews)-Waaxda Dambi-baadhista u qaabilsan Dawladda Maraykanka ee FBI-da, ayaa liiska Argagixisada u dartay Muwaadin soomaaliyeed oo Haysta Dhalashada waddanka Maraykanka, kaas looga shakisan yahay arrimo argagixiso.

fbi

Muwaadinkan soomaaliyeed ayey Ha’yaddani ku eedaysay mid aqoon durugsan u leh dhismooyinka dowladda, garoomada dayuuradaha ee Washington iyo hanaanka tareenada ee Washington iyo nawaaxigeeda.

Ninkan la doon doonayo oo lagu magacaabo Liiban Xaaji Maxamed ayey saraakiisha FBIdu ku sheegeen nin adeegsada magacyo kala duwan oo uu isku qariyo.

Maxamed ayaa ku noolaa waqooyiga Gobolka Virginia ee duleedka Washignton, isagoo taksiile ka ahaa sida ay sheegtay FBIdu.

FBIdu waxey sheegtay in intii uu Washington ku noolaa Maxamed uu ahaa qof al-shabab dhalinyarada u tashkiiliya, isla markaana uu taageero hiil iyo hooba leh u fidiyay al-Qacida iyo al-Shabab.

FBIdu waxey sheegtay inay aaminsantahay in Maxamed uu ka tagay Mareykanka bishii July sanadkii 2012kii, haatanna uu ku noolyahay bariga Africa isagoo la shaqeeya Al-shabab.

FBI-da ayaa sheegtay inay ku bixinneyso abaal marin lacageed oo gaadheysa 50 kun oo dollar – xog kasta oo horseeda in la soo qabto oo cadaalada la hor keeno.

COMMENTS
LINKS